Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2575 |
January 31, 2010 Safar 27,1432H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed
Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco! Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday
|
Xildhibaan xasan Xaydh Oo Ku Eedeeyey Chief of Cabinet-ka Madaxtooyada Inuu Joojiyey Saldhiga Laga Dhisayo Goljano Hargeysa 31, January 31, 2011 (Haatuf)-Xildhibaan Xasan Xaydh oo ka mid xildhibaanada golaha deegaanka Caasimada Hargeysa, islamarkaana wakiilka golahaasi u qaabilsan degmada 26-ka June, ayaa ku eedeeyay Chief of Cabinate-ka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, in uu isagu joojiyay dhisme dan-guud ah oo loogu talo galay in laga dhigo saldhig bilays xaafada Gol-janno, sheegayna in dhismaha saldhigaasi uu joojiyay ka mid ahaa mashruuc ay hay’ada qaramada Midoobay ee UNDP siisay dawladaha hoose, islamarkaana laga dhiso saldhigyo bilays iyo MCH-yo laga sameeyo degmooyinka Caasimada Hargeysa, iyadoo degmooyinka Hargeysa iyo dagmooyinka kale ee gobolka Maroodi jeex loogu talo galay mashruucaasi. Md Xasan Xaydh waxa uu sheegay, in masuuliyiin Xukuumadda ka tirsani ay ka dambeeyeen joojinta Saldhigaasi dhismaha Saldhigaasi laga dhisayay xaafada Gol-janno ee Ex-Hoballadii Waabari loo dhisay Xiligii dawladii waaga jirtay, isaga oo intaa raaciyey, inaanay jirin cid dhulka meesha loo xukumay inay iyagu leeyihiin, balse dhulkaasi ahaa dan guud. Xildhibaan Xasan Xaydh waxa sidaas ku sheegay shir jiraa’id oo uu shalay ku qabtay Xarunta 25-ka June, ayaa sidoo kale waxa uu ka waramay baahiyaha dagmada 25-ka June ee dhinaca Saldhigyadu aanay Xaafaduhu lahayn iyo MCH-yo, taas darteedna dawlada hoose ka dib markii ay qiimayn ku smaysay mudnaanta kowaad siisay xaga saldhigyada iyo MCH-yada, balse saldhigii ay wadeen dhismahiisa qaar ka mid ah masuuliyinta dawladu hor joogsadeen dhismahii socday ee Ex Hobolladii Waaberi. “Dhisme dawlada Hoose ka dhisaysay meeshii la odhan jiray hobaladii Waabari, waxa jirta mashruuc UNDP dawladaha Hoose siisay oo toban ah, oo markaan ka hadlo gobolkan Maroodi-jeex, tobankaa waxa mid ahaa lix degmo oo dibada ah iyo afar gudaha ah, iyadoo la qiimaynayo bulshada ku dhaqan degmooyinkaa codsiyadooda kale duwan iyo baahiyahooda, degmada 26-ka Juun waxa soo qoratay in Saldhig looga dhiso Xaafada Gol-Jano iyo MCH, waad wada ogtihiin degmada 26-ka Juun tiradeeda bulshada ku dhaqan iyo danaha guud ee ku yaala isma laha, markaan soo qaadato xaga nadab galyada iyo Saldhigyada 150-ka Saldhiga ku yaalaa ee 26-ka Juun oo qol yar oo qabya ah iyo mid Xisbiga ku yaala oo ah dadku kay ku magacaabaan saddex afar Askari baa jooga iyo mid Sheekh Aadan Siiro bixiyo kiradiisa isna intaa in leeg baa joogta” Xildhibaan Xasan Xaydh oo faafaahin ka bixinaya baahiyaha lagama maarmaan u ah nolosha aasaasiga ee degmada ay u baahan tahay “Degmadaa dhan intay leeg tahay isku sheegi mayno, xaafada Gol-Janno waa xaafadaha ugu waaweyn Hargeysa ama xaafad leegi ma jirto Hargeysa tiro ahaan, waxa ugu dhaw Rug Bilays Xawaadle inta kale oo dhami ma laha, anagoo qiimaynayna baahiyahoodii Saldhigyo iyo MCH bay ahayd, ma laha MCH-yo degmadu meel yar oo Xawaadle ah oo qol yar oo aan cidi joogin ah ayaa jira, markaa anagu waxaanu mudnaantii siinay dhinaca nabad galyada, Gol-Jano marka laga hadlayo dhalin yarada maanta joogtada Hargeysa degmada kuwa ugu rabshadaha badan weeyi, maamul ahaan dawlada Hoose iyo ya dhexe waanu isla garanay in Gol-Jano laga dhiso, waxaanan isla qaadanay in la dhiso meesha loo yaqaano Hobalada Waabari. Haddaba hobalada Waabari aan in yara idinka iftiimiyo, waxa lahaa adeerkay Cabdi Faarax Joome dan guud baana looga qaaday oo la yidhi hobalada Radio Hargeysa ayaa loo dhisayaa, 64-kii ayaa Cabdi Faarax Joome weydiistay dawladii jirtay meel u dego, meeshaas oo la odhan jiray Line Dibjir ayaa 64-kii Aqal ka dhisay, anigu ragii la yaabana baan ahay ee yidhi oo odaygu miyuu waashay muxuu caruurta waraabayaasha ugu geynayaa, magacan Gol-Jano isagaa bixiyay, nin la yidhaahdo Xaaji Nuur oo Gaadiid wata oo ay Cabdi Faarax Joome Jabtuuti isku yaqaaneen ayaa yimid oo yidhi Gaadiidkaana waan wataa ee Cabdoow meel isii, wuxu yidhi halaa saddex baloodh deg, ilaa imika birihii Gaadiidkaas aataartoodii wey ka sii muuqataa, kadib inta lagu dul seesay ayaa Waabari guryo looga dhisay. Hobaladii Waabari oo iskaa wax u qabso lagu dhisay oo dawladii xiligaa jirtay dhistay, waar dantii guud bay ahayde yaynaan is yeelyeelin, haddii cid la siinayo iyo haddii cid loo xukumayba oo shakhsi la siinayo kii lahaabaa jooga ”. Xasan Xaydh oo ka hadlaya in xaafada Gol-Jano ay baahi ku saabsan MCH-yo iyo Saldhigyo, waxa uu yidhi “Haddii dan guuddii lanooga qaaday ahayd, dan guud uunbaanu leenahay ha ahaato, waxa yimid xili habeenimo ah taliye qayb, hogaan iyo Askar la keenay, waxa kale oo yimid ninka la yidhaahdo Xirsi ee Chief of Cabinet-ka lagu magacaabo, anigu goortu noqday garan maayo Title-kan ilaa imika, laakiinse Xaajigaasa yimid ilaa sideedii habeenimo, haddaba meeshan dawlad baa dhisanaysa oo leh ma laba dawladood baynu nahay, Jananka, hogaanka iyo Wasiirkii Dakhliga ee loo dhisayay xagey tageen ma maamul kale ayaa jira oo aan ahayn kan aanu garanayno ee Somaliland iyo Wasaarad kale cid baa qaabilsan ee cidii qaabilsanayd wax alaale wax aanu ka haynaa ma jirto oo aan ahayn Askar la dhigay meeshii oo laga joojiyay ummadii, maamulki marku sidaa noqdo dee laba dawladoobaa ka dhisane,haddii dawladii aynu naqaanay ee qabiilsanayd aanay wax qoraal ah ku cadaynin oo aanay ku joojin ee Telefoon uun lagu joojiyay iyo amar garan maayo, mashruucan UNDP-da ayaa ku caawisay Somaliland, imika haddii UNDP ku tidhaa maamulkii dawlada Hoose maxaa ku dhacay Saldhigii aad dhisayseen, ma dawladaa joojisay baanu odhan, ma Saldhigii ummada loo dhisayay baa la joojiyay, taa bal horta ha isweydiiyaan maamulkan sare iyo kala hooseeyaa”. |