Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2579 |
February 04, 2011 Rabiil Al-Awal 01,1432H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed
Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco! Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday
|
“Xiisihii Ii Hayey Dalka Markaan Dibada Joogay Waxa Uu Ahaa Bilaash, Dadkii Waxa Badalay Qixii, Waxaanay Noqdeen Oromo Wada Mu’aamarad Ah” Wasiirkii Hore ee Kalluumaysiga Dr Maxamed Yaasiin Hargeysa, February 4, 2011 (Haatuf) - Wasiirkii hore ee kaluumaysiga, khayraadka badda iyo maamulka dekadaha Dr. Maxamed Yaasiin Xasan oo isaga uu dhawaan madaxwayne Axmed Siilaanyo ka qaaday xilalkii wasiirnimo isaga iyo Wasiirkii hore ee wasaarada Boosaha iyo gaadhsiinta C/rasaaq Ibraahim Axmed ayaa ka dhawaajiyey in uu ku hungoobay imaatinkii uu Somaliland yimid, isla markaana ay isbadashay figradii uu dalka ka haystay markii uu qurbaha joogay, waxaanu sheegay in uu shacbigu dhalan-rogmay markii dadku qaxeen ka dib, waxaanu iftiimiyey in bulshada in badan oo ka mid ah ay ka shaqeeyaan xumaan iyo mu’aamarado. Dr Maxamed Yaasiin waxa kale oo uu tilmaamay in wasaaradaas loo magacaabay ay ahayd wasaarad dhib badan, waxaanu sheegay in ay wasaaradu maalulaysay dekada Berbera oo uu sheegay in madaxda dalka ugu saraysa ilaa shacbiga halka ishoodu ku maqan tahay ay dekada tahay, waxaanu intaa ku daray in ay dekadu galaafatay isaga, isla markaana waxa uu digniin u diray wasiirka cusub ee kaluumaysiga C/laahi Geeljire oo uu ugu baaqay in uu ka daba tago dekada oo uu sheegay in laga hoos saaray wasaarada kaluumaysiga. Wasiirkii hore ee kaluumaysigu Maxamed Yaasiin waxa uu ku dooday in wasaaradiisu ahayd meesha kaliya ee dakhli u soo xoraysay dalka, waxaanu amaan u soo jeediyey maariyihii hore ee dekada Berbera Eng. Cali Cumar Maxamuud (Cali Xoor-xoor), kaas oo uu sheegay in uu wax wayn u soo qabtay qaranka, isla markaana uu ahaa nin ka adag shaqadiisa, Maxamed Yaasiin waxa kale oo uu mahad celin wayn u soo jeediyey masuuliyiin uu sheegay inay ka caawiyeen in uu xil ka qabto xukuumada madaxwayne Axmed Siilaanyo. Wasiirkii hore ee kaluumaysiga, khayraadka badda iyo maamulka dekadaha Dr. Maxamed Yaasiin Xasan waxa uu sidaas ku sheegay mar uu ka hadlayey xaflad ay xilka kula kala wareegayeen isaga iyo wasiirka cusub ee kaluumaysiga C/laahi Jaamac Cismaan (Geeljire), taas oo ka qabsoontay xarunta wasaarada warfaafinta ee magaalada Hargeysa, isla markaana ay ka soo qayb galeen masuuliyiin ka tirsan xukuumada, xildhibaano, masuuliyiin ka socotay saxaafada madaxabanaan iyo marti sharaf kale, ugu horayn isaga oo ka hadlaya figrada uu dalka ka aaminsanaa markii uu qurbaha joogay iyo waxa uu la kulmay, waxa uu yidhi “Aniga xiisihii ii hayey dalka markaan dibada joogay waxaan ogaaday inuu bilaash yahay waayo dadkiiba waxa badalay qixii ay ka qaxeen dagaaladii, waxaanay noqdeen oromo oo mu’amar miidhan ayay noqdeen, waayo waxaan arkay inta lagula qoslo ayaa mu’aamar kale lagu galinayaa, hal mid ayaan laakiin ka faa’iday oo waxaan bartay dalkaygii iyo dadkaygii. Ugu danbayb waxaan idinkula dardaarmayaa in aad dalka ilaashataan, waayo dalkan waa loo soo dhintay, anigu Lixle inaadeerkii ayaan ahay, halgankuu soo galayna waad ogtihiin, markaa halgankaas ayuun baan ku dardaarmayaa”. Isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana ka hadlaya wasaaradii uu masuulka u ahaa ee kaluumaysiga, waxa uu yidhi “Sheekadaydu waxay iskaga badnaan doontaa kaftan, waan idiin soo diyaar garoobay, laakiin intaanan kaftamin waxaan jeclahay inaan ka waramo wasaaradii aan masuulka ka ahaa mudada lixda bilood ah ee Kaluumaysiga, runtii lix bilood oo aad Somaliland xil u haysaa ma yara, waxaan halkan salaam iyo hambalyo iskugu dirayaa inaan u mahad celiyo dadkii u sababta ahaa inaan Somaliland wasiir ka noqdo, waa niman iga istaahila in aan u mahad naqo, waana asxaabtaydii, waxaan si gaar ah ugu mahad naqayaa Guddoomiyaha wakiilada C/raxmaan Ciro, sida wanaagsan ee sharafta leh ee uu iila dagaal galay wakhtigii dagaalka ololaha lagu jiray ee xilalka loo wada cararayey, waxa kale oo aan isna halkan uga mahad celinayaa Guddoomiyaha golaha guurtida saaxiibkay Saleebaan Nuur oo isaguna si hagar la’aan ah ii garab istaagay, waxa kale oo aan isna u mahad naqayaa Guddoome ku xigeenka golaha wakiilada saaxiibkay C/casiis Samaale, waxa kale oo aan isna aad ugu mahad naqayaa saaxiibkay, inaadeerkay xildhibaan Duur, waxa kale oo aan isna si wayn ugu mahad naqayaa saaxiibkay xildhibaan Cali Mareexaan, waxa kale oo aan isna u mahad naqayaa saaxiibkay Xildhibaan Waabeeye iyo xildhibaan Farxaan intaas oo dhan waa ragii ka daneeyey inaan Somaliland wasiir ka noqdo waanan u mahad naqayaa dhamaantood, waxaanan rajaynayaa inanay lixdii bilood ee aan wasiirka ahaa aanay ku hungoobin”. Waxaanu intaas ku daray isaga oo hadalkiisa soo wata, isla markaana ka waramaya taariikh nololeedkiisii, waxa uu yidhi “Anigu wax badan maan jirin, hadii aan idiin sheego halka aan ka soo jeedana waxaan ka soo jeedaa Magaalada Berbera, waxa la iga kaxeeyey aniga oo 2 sano jira, waxaan Somaliland ka maqnaa 48 sanadood, runtii waad dareemi kartaan qof Somaliland ka maqnaa 48 sanood oo isaga oo aan joogin laba wiig loo dhiibay xil wasiirnimo, qof wadankiisii iyo dadkiisii mudo intaa leeg ka maqnaa oo markuu yimidna la yidhi xukun, waad dareemi kartaan dhibka iyo culayska ay leedahay, waanan u mahad naqayaa madaxwaynihii gartay inuu wasiir iga dhigo isaga oo og wakhtigaas dheer ee aan Somaliland ka maqnaa, oo uu waliba ii dhiibo wasaaradiii ugu cuslayd dalka ee kaluumaysiga, khayraadka badda iyo maamulka dekadaha. Idinkaan idiin dhiibaye waxaad ka sheekaysaan ceel Somaliland oo dhami doonayso inay weel darsato, adiga oo aan u lahayd wax aqoon ah oo mudo 48 sanadood ah ka maqnaa dalka, nin kasta oo dalka xil ka hayo ka ugu sareeya ilaa ka ugu hooseeya waxay wada eegayaan ishaa Berbera oo kaliya, laakiin marka xilkii laguu dhiibo ee aanad dadkiina kala garanayn, lagu yidhaa kani waa mujaahid, kani waa ina hebel. Runtii wasaarad aad iigu hawl badan ayey ahayd, markii aan laba bilood xilkeeda hayey waxaan is idhi inta aad tigidh goosato ma iska tagtaa, taasna waan ka maagay oo shacabka ayaan u tudhay”. Dr. Maxamed Yaasiin mar uu ka hadlayey dakhli badan oo ay dekadu soo xaraysay xiligii kala guurka, isla markaana amaan u soo jeedinaya maareeyihii hore dekadda Berbera Cali Xoor-xoor, waxa uu yidhi “Wadanka meesha kaliya ee dakhli lacageed lagu wareejiyey waxay ahayd wasaarada aan masuulka ka ahay, oo maarihii hore ee dekada saaxiibkay Eng. Cali Xoor Xoor, oo xilka si sharaf leh u wareejiyey, wadankana hanta ku wareejiyey, Cali Xoor xoor waa la igu eedeeyey laakiin waxba kama qabo saaxiibkay, waayo wadanka ayuu wax u qabtay, marka aad taa ka tagto imikana dekadu si wanaagsan ayey u shaqaysaa, intii aan xilka hayey waxaan aad ugu dadaalay in dekadeena aan ku xidho dekadaha geeska Afrika, waxa ugu wayn dalalka aanu xidhiidhka la samaynay wasiirka maaliyada Djibouti iyo wasiirka dekadaha oo runtii xidhiidh wanaagsani naga dhexeeyo, waxaananu ku dadaalnay in Somaliland ay ka qayb gasho tartanka dekadaha Africa. Imika waxa dhamaaday heshiiskii shanta sano ahaa ee Ethiopia aynu la galnay ee ahaa inay dekadeena isticmaasha, markii aanu hawshaa galnayna waa la I casilay, laakiin kuwa iga danbeeya ayaa hawshaa dhamaystiri”. Maxamed Yaasiin mar uu ka hadlayey dekada, isla markaana uu baaq u dirayey wasiirka cusub, kaas oo uu sheegay inay isaga galaafatay, waxa uu yidhi “Waar ninka aniga iga danbeeyoow dekada iska ilaali, waxaan leeyahay dekadii waa la igala hadhay ee C/laahoow ka daba tag, waxaan halkan ku hayaa warqadii xilka la igaga qaaday oo aan dekada lagu soo darin, markaa Xirsi iyo madaxtooyada u tag C/laahi Geeljiroow bal kaluunka uun yaan laguu dhiibine dekadana ka dab tag, kolay anigay dekadaasi i galaafatee adna iska ilaali”. |