|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2580 |
February 06, 2011 Rabiil Al-Awal 03,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed
Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco! Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday
|
Berbera: Maayar Cabdalle Oo Ka Warbixiyey Hawl-Galo Lagu Banaynayo Wadooyinka Iyo Goobaha Mihiimka Ah Hargeysa, February 6, 2011 (Haatuf) – Maayarka Magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil Cabdalle Maxamed Carab (Cabdalle Sandheere) ayaa ka warbixiyey hawl galo lagu burburinayo meheradaha sida sharci darada ah uga dhisan hareeraha wadooyinka, kaas oo maalintii sadexaad galay, waxaanu sheegay in hawl galadaas lagu banaynayo wadooyinka iyo goobaha mihiimka ah ee badhtamaha suuqa, waxaanu ka dhawaajiyey in barnaamijkani uu socon doono mudo saddex bilood ah. Maayar Cabdalla waxa uu amaan u soo jeediyey ganacsatada yar yar ee iyagu lahaa meheradaha ku agyaala wadada hareeraheeda, waxaanu tilmaamay in aanay hawshaasi u qabsoonteen dawlada hoose hadii aanay kala shaqayn hawlahaas lagu dayactirayo bilicda magaalada muwaadiniintii iyagu lahaa dhismayaashaas la burburiyey. Waxa kale oo uu ka hadlay mashaariic horumarineed oo uu sheegay inay maamulada gobolada Somaliland oo dhami ay ku dayactirayaan magaalooyinkooda, isla markaana waxa uu sheegay in dawladaha hoose ee gobolada dhamaantood ay xidhiidh wanaagsan oo wada shaqayneed dhaxeeyo. Maayar Cabdalla Maxamed Carab waxa uu sidaas ku sheegay mar uu xalay wargeyska Haatuf waraysi khaas ah ku siiyey khadka tilifoonka, isaga oo ku sugan magaalada Berbera, ugu horayna isaga oo ka hadlaya hawlaha lagu burburinayo meheradaha yar yar ee ku hareer yaal wadooyinka, waxa uu yidhi “Barnaamijkan dayactirka bilicda magaalada Berbera intii aanaan ku dhaqaaqin waxa aanu la kulanay shacbiga oo aanu gudiyo ka dhexsamaynay, waxaananu marka hore shacbiga tusnay inay danta shacbigu tahay magaalada oo quruxbadnaata, runtiina waan uga mahad naqayaa sidii gobonimada lahayd ee ay noola shaqeeyeen. Run ahaantii hadii aanay muwaadiniinta iyagu iska leh meheradahaas yar yar aanay nala-shaqeeyeen waxba noomay qabsoomeen, shacbiga reer Berbera waxay muujiyeen inay yihiin shacbi xadaariyiin ah oo wanaaga iyo harumarka jecel, maamul ahaana aad ayaanu ugu mahad naqayaa muwaadiniintaas ganacsatada ah ee nala qaatay in ay nagala shaqeeyaan bilicda magaalada”. Maayarku Isaga oo hadalka sii wata isla markaana ka hadlaya jaad layaasha, waxa uu yidhi “Qolada jaad layaashuna iyaguna sidaas oo kale ayey gudi iska soo saareen, waxaanay yidhaahdeen waanu banaynaynaa meelaha mihiimka ah oo dhan, iyagana aad ayaan ugu mahad naqayaa, waxaanay u hogaansameen sharciga, iyaga oo aanay boolis iyo cidna u tagin ayey baneeyeen goobihii mihiimka ahaa oo dhan”. Maayar Cabdalle Mar wax laga waydiiyey inta uu barnaamijkaas lagu dayactirayo magaaladu uu socon doono, waxa uu yidhi “Qorshahani waa qorshe ilaa sadex bilood soconaya oo aanu wax kaga qabanayno bilicda magaalada oo aanu talaabo talaabo u marayno meheradaha wadooyinka soo galay ee u baahan in wax laga qabto oo dhan. Dadkana marka hore ogaysiis ayaanu wada siinaa, walina may dhicin cid cagaf la dul keenay oo aayar laga dumiyey, hadii ay taasi jirto saxaafad ahaan waad maqli lahaydeen, arimahaas oo dhani waa kuwo si taxadir leh u socda”. Maayar Cabdalla Maxamed Carab mar uu ka hadlayey cabashooyinka dad waynaha aan iyagu meel ay ku ganacsadaan haysan, waxa uu yidhi “Runtii way jiraan dad cabasho noogu yimaada, inkasta oo aanay badnayn, kuwaasna waxaanu ku nidhaa Berbera inay magaalo bilicsan oo lagu soo hirto noqoto nagala shaqee, ama soo daydayda meel macquul ah oo aad ka degto suuqa, ama meel kiro ah iska raadso hadii aad awoodo, xaqiiqdiina cabashadu waxay inta badan timaadaa marka guryo la rarayo ee caruur la rarayo, anaguna maanu rarin caruur iyo guryo-toona ee waxaan rarnay sandaqada iyo karaatoon ka dhisan wadooyinka magaalada, taasna qofkasta oo muwaadin ah oo arinta dhinaca wanaaga ka eegaa waa arin ay faa’idadeedu u muuqan karto”. Maayar Cabdalla mar uu ka hadlayey dawladaha hoose ee gobolada iyo sida ay u wada xidhiidhaan iyo inay la wadaagaan barnaamijyada horumarinta ah, waxa uu yidhi “Waxa xaqiiq ah hada in ay maamulada kale ee gobolada sida Boorama, Hargeysa, Burco iyo gobolada kelaba ay nala wadaagaan hawlaha lagu horumarinayo magaalooyinka, runtiina arimahaas xidhiidh wanaagsan ayaanu ka wada leenahay maamulada goboladaas, runtiina shacbiga gobolaas ayaa qaybta ugu wayn ka qaadan kara bilicda magaalooyinka Somaliland, hadii ay la shaqeeyaan maamuladoodana waxa marag ma doon ah inay heli doonaan magaalooyin qurux badan oo kuwa caalamka la mid ah”. |