Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2583

February 09, 2011                                                               Rabiil Al-Awal 06,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo

Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed

Wasiirka Maaliyada Oo Maanta Wakiilada Horgeynaya Korodhsiimada Mushaharka Shaqaalaha, Ciidamada Iyo Mudaneyaal Ku Hanjabay In Haddii $2,000 Looga Dhigi Waayo Mushaharka Ay Miisaaniyada Cusub Ansixinteeda Luqunta Iskaga Duubi Doonaan

 

Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco!

Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday

 

 

Samsam Cabdi Aadan Oo Sheegtay In Shaqalihii Hawl-Gabka Lagu Qoray Ay Shaqadooda Wadanayaan

 Wasiirka Waxbarashada Marwo Samsan Cabdi Aadan

Hargeysa, February 9, 2011 (Haatuf) - Wasiirka Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa wax aan la qaadan Karin ku tilmaantay shaqaale badan oo hawl gab lagu qoray, waxaanay sheegtay inay shaqaalahaasi shaqadooda sii wadanayaan, marka laga reebo inta iyagu xanuunsanaysa ee daruuf xanuun keento, shaqaalaha hawl gabka lagu qoray ayaa iskugu jira shaqaalihii wasaarada waxbarashada, macalimiin iyo hawlwadeeno kale, shaqaalahaas hawl gabka lagu qoray ayaa iyaga tiradooda lagu sheegay sadex boqol iyo dhawr iyo labaatan qof.

Waxa kale oo ay ka hadashay marwo Samsam mad-bacad cusub oo lagu daabici doono manhajka waxbarashada Somaliland, taas oo ku taala xarunta manaahijta Somaliland, waxanay tilmaantay in ay madbacadaas cusubi wax wayn ka tari doonto baahidii wasaarada ee dhinaca daabacaada buugaagta manhajka, kaas oo hore loogu daabici jiray magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, kuwaas si wada jir ah loogu daabaci jiray buugaagta Somalia loo daabacayo.

Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan waxa ay sidaasi ku sheegtay mar ay shalay saxaafada kula hadlaysay xafiiskeeda, kormeer ay madbacadaas ku soo samaysay ka dib. Ugu horayna marwo Samsam iyada oo ka hadlaysa shaqaalaha hawl gabka la qoray iyo sida ay uga soo horjeeda, waxa ay tidhi “Sadex Boqol iyo dhawr iyo toban shaqaale ah oo ka tirsan wasaarada ayaa hawl gab lagu qoray, taasina wax suurto galaya ma aha. Waayo shaqaalahani waa dadkii khibrada lahaa ee shaqada qabanayay, qof la soo caddeeyay inuu xanuunsanayo mooyaane inta kale shaqadooda ayay qabsanayaan. Waxa xidhay shaqadii 4 qeybood oo ay shaqaalahaasi qabanayeen. Wasaaradu marna ma sii daynayso dadka khibrada leh. Waxaana aanu u saarnay wax ka qabashada arrintaasi guddi ka kooban afar xubnood oo ka tirsan wasaarada ayaanu u saarnay.”

Waxaanay intaas ku dartay iyada oo ka hadlaysa qorshaha wasaarada waxbarashada iyo sida ay u socdaan “Wasaarada Waxbarashadu hawl maalmeedkeedii si wanaagsan ayay noogu socotaa, qorshaha wasaaraduna waxa uu yahay in awooda la iskugu geeyo horumarinta macalimiinta, maamuleyaasha iyo baahiyaha ardayda ee dhinaca waxbarashada. Wasaarad ahaan waxaanu joojinay dhammaan kharashaadkii wasaarada ee ku baxayay waxyaabaha aanu ka maarmi karno 129 Malyan oo shilin S/land ayaanu ku kordhinay in lagu daro kharashka ay qaataan macalimiinta iyo maamuleyaashu”.

“Siyaasada waxbarashadu waa in la daryeelo maamuleyaasha iyo macalimiinta si ay kor ugu kacdo tayada waxbarashada dugsiyada dawlada, waxaanay wasaaraddu gunooyin u sameysay 2200 oo qof, oo markii hore aan gunooyin qaadan jirin, shaqaalihii kalena mushaharkii ayaa loo laban laabay. Miisaaniyada waxbarashadu qaadan jirtayna waa naloo laban laabay oo halkii markii hore ay ka ahayd 4% waxa laga dhigay 8%,taasina waxay dhiirigelisay Ha’yadihii caalamiga ahaa ee la shaqayn jiray Wasaarada Waxbarashada”.

Wasiirka oo ka hadlaysay waxtarka Madbacadan waxay tidhi “Waxa markii hore dhici jirtay in buugaagta manhajka waxbarashada dalka lagu soo daabici jiray dalka Kenya oo mar marka qaarkood ay dhici jirtay in la isku dhex darro buugaagta Somaliland iyo kuwa Somalia. Waxa kale oo dhici jirtay si khalad ah taariikhda iyo calanka Somalia buugaagteena loogu soo daabici jiray, madbcadani muddo ayay taalay oo dhas ayay yeelatay waxaase imika aanu ugu tallo galnay in Map-ka Somaliland iyo calanka iyo taariikhdii dalka lagu daabici doono manhajka waxaanan idin tusay buugaagtii lagu soo daabacayay Nairobi iyo kuwan farqiga u dhaxeeya. Kharashkan buugaagta lagu daabacaana markii hore iyo imikaba waa kharash loogu tallo galay Somaliland, cid kalena nagu maamuli mayso ee sidaynu doonayno ayaynu u daabacanaynaa si carruurteenu ay khariirada Somaliland iyo taariikhda dalka u bartaan. Cidii kharashka inaga caawinaysana ka yeeli mayno inay inagu yidhaahdaan taariikhdiina ka saara”.