Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2587

February 14, 2011                                                               Rabiil Al-Awal 11,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo

Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed

Wasiirka Maaliyada Oo Maanta Wakiilada Horgeynaya Korodhsiimada Mushaharka Shaqaalaha, Ciidamada Iyo Mudaneyaal Ku Hanjabay In Haddii $2,000 Looga Dhigi Waayo Mushaharka Ay Miisaaniyada Cusub Ansixinteeda Luqunta Iskaga Duubi Doonaan

 

Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco!

Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday

 

 

MAANSO

Ruuxba Dacal Ka Sudhay  (Mustafe Rooble Xasan  (Suge))

Maansadan oo uu abwaanka da’da yari tiriyay shalay oo bishu ahayd 13/02/2011.  Waxa uu abwaanku ku soo koobay  14 wado oo jacaylku leeyahay oo kala ah 7ba dariiq oo farxad iyo rayn-rayn leh iyo

7ba marin oo dhibaatiyo iyo murugo ah.

Deelayda aan idhi

Dabo huwan tilmaamaha

Waa dareen jacayl oo

Dadku ay xasuustaan

Dunidaa dhamaanrteed

Ruuxba kuu la daran yahay

Inuu dood la qaatuu

Dibnihiisa uba furay

Waxay niyadu doontaa

Ruuxa dagay halbawlaha

Waxay ruuxdu daalacan

Indhahaa ku doogsada

Anna waabaan doorbiday

Taariikhda duugaan

Dib u baadhay caawoo

Maansadii ma daynine

Ruuxa dabarka caashaqa

Dibnahaaga saaree

Dadka kaa dhex saaree

Duudaha ku geeyee

Ama guri dugsoonliyo

marwo kuuba dooray

waa jacayl da waynoo

daayinkeenu keenee

afar iyo toban dariiqlay

keebaaad la daran tahay

1:-idinkuna dadwaynoow

Jacayl waa dab kulul oo

Duubkaaga leefoo

Dadku ay la yaabaan

Diirkaga noociis

2:-marna waa dariiqii

Farxad lagu dabaashoo

Damaashaadska nololeed

Duhur iyo habeenkaba

Naftu aanay dudinoo

La dabaal-dagtaayoo

Dadku kugu maseraan

3:-marna waa dagaal culus

Dooxaya halbawlaha

Middi daab lahaynoo

Daxalkeedu cudur yahay

Dabayluhu sidaanbuu

Dag-dag kugu sadheeyaa

4:-marnawaa dadaloo

Darmo lagu helaayoo

Aqal dadab galkiisiyo

Dumar lal hoydaayoo

Diifaha aduunkana

Ka reebta weeyaan

5:-marna waa dariiqii

Kugu dara badwaynoo

Adigoon dabaashiis

Dariskii aqoonbuu

Baalo daymihiisii

Mugdigiisa daranbuu

Daaf kaa dhigtaayoo

Niyaduna dilaacdaa

Ka didana noloshoo

Adigiyo dareenkiis

Dabo-dheer xumaantiis

Isla daashataanoo

Dadkoo seexday badidii

6:-marna waa naq-dayreed

Ubax soo dilaaciyo

Durdur baalo joogiyo

Shinbiruhu badh duulaan

Badhna soo dagaanoo

Daa’uus ka madax yahay

Dadku ay hayaankood

Diiradii uqaataan

7:-marna waa hu daran oo

Afka dood ka wada

Dhuuni dalab lahayn iyo

Biyo dacara kuu hura

Isha daaji mooyee

Doobtu weedh ka soo bixin

8:-marna waa daruuroo

Intuu roobku uu da’ay

Duufaan lahaynoo

Geeduhuna dacalada

Mankiis uu dilaacoo

Ashqaraar ku sii daray

Dadku eegmadiisana

Darbiyadu u jiidhaan

9:-marna waa dun adagoo

Markaad dayside aadmiga

Nafta kali u daa tidhi

Seetadana la damacday

Kugu day badh furanoo

Wacad laga dulboodaa

10:-marna waa diyaaroo

Markaad duunyo leedahay

Daafaha magaalada

Kolba ruuxaad ka doorani

Dag-dag kuugu imaada

daba-dhoonka saaxiib

sacab kuhu daraayoo

qosol laba dayaaniyo

marwo gaari dumaroo

googol saxar udiiday

dadab lalaa galaayoo

ama geeesi deeqale

daaftaada kaba toos

11:-marna waa dad moogo

  Danyare markaad tahay

Intay dayro kugu tidhi

Ama diiday xaajada

Dadkiina maadays

 kula dabagalleenoo

dugsigiina waad nici

sidii gabadh ladayroo

dalqadii la soo furay

dunni kugu yaraataa

12:-marna  waaba dahaboo

Ubad daadahaysiyo

Dagal lagu ciyaariyo

Intifaac u door roon

Iftiin daminna weeyaan

13;-marna waa dilaayo

Maba laha diir naxa

Iska daa bal maantana

Wuxuu soo dad jiidhaba

Marku dalaq kusoo yidhi

Sida ruux dardanbaad

Kolba dacal ka eeg taa

Dadku ayna maladii

Waaali kugu daraano

Alla dawyo badana

14;-marna waaba daarti

Naruuruhu dul-joogto

Badhaadhaha dantaadiyo

Dariiqyada il dooga leh

Ugu deeqday tabisteed.

Aan duubo hadalke

Alle deqo bixiyoow

Danyar iyo jacayl

Dagmo yaay wadaagine

Laba duul kakala yeel

Laba jihana kala deji

Dalabkaygu waa kaas

Dadka aan utabiyoow

Tolo daw maraan

Manta soo diyaarshe

maanso diiradeediyo

ma ku  deeqday  faaladu

dawgeed ku nooshay?