Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2591

February 18, 2011                                                               Rabiil Al-Awal 15,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo

Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed

Wasiirka Maaliyada Oo Maanta Wakiilada Horgeynaya Korodhsiimada Mushaharka Shaqaalaha, Ciidamada Iyo Mudaneyaal Ku Hanjabay In Haddii $2,000 Looga Dhigi Waayo Mushaharka Ay Miisaaniyada Cusub Ansixinteeda Luqunta Iskaga Duubi Doonaan

 

Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco!

Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday

 

 

Dhalinyarada Somaliland Oo Dood Ka Yeeshay Doorka Ay Kaga Jiraan Siyaasada Dalka Iyo Saddexda Xisbi

Hargeysa, February 18, 2011 (Haatuf) – Dhalinyarada Reer Somaliland ayaa markii ugu horaysay Dood ka yeeshay Doorka ay siyaasada dalka kaga jiraan iyo kaalinta ay ka siiyeen saddexda xisbi hogaanada golayaasha dhexe iyo Fulinta, kuwaas oo daraasad ay sameeyeen ku soo bandhigay saamiga ay dhalinyarada ay saddexda xisbi ka kala siiyeen.

Doodan oo lagu qabtay xalay Hotel Imperial ee magaalada Hargeysa oo ay ka soo qaybgaleen boqolaal dhalinyaro ah, isla markaana ay ka muuqdeen dhalinyaro ku jira golayaasha dhexe ee saddexda xisbi qaran ayaa ahayd mid kali u ah dhalinyarada oo aanay ku jirin, Masuuliyiin Waaweyn iyo Siyaasiyiin dadoodu ka weyntahay 40 jir aanay ka muuqan, taas oo ay soo agaasimeen ururada dhalinyarada ee SONYO iyo SORADI.

Daraasadan oo xambaarsanayd Macluumaadka Doorka dhalinyarada ee dhinaca siyaasada ay kaga jiraan iyo Saamiga saddexda xisbi ay ka heleen golayaashooda Dhexe iyo Fulinta oo xisbi kasta ay soo bandhigeen doorka uu dhalinyarada siiyey ayaa u dhignaa sidan

“Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye wuxuu ka kooban sida la noo sheegay 220 xubnood, waxa dhalinyar ah 44, taas oo boqolkiiba 20% dhalinyaro, halka dadka waaweynina noqonayaan 80%, hadaynu u nimaadno xubnaha Guddiga Gulinta ee Xisbiga Kulmiye waxa uu ka kooban yahay 35 Xubnood, waxa 4 ayaa dhalinyaro ah, taas oo ka dhigaysa 11%.

Xisbiga UCID Golihiisa dhexe waxa uu ka kooban yahay 151, oo 90 ka mid ahi ay dhalinyaro yihiin oo ka dhigaysa boqokiiba 60% dhalinyaro golaha dhexe ee xisbiga UCID, Fulintiisuna waa 34 waxaana dhalinyaro ah 4, taas oo ka dhigaysa 12%. Halka 88% ay yihiin dadka waaweyn.

Xisbiga UDUB oo golihiisa dhexe yahay 161 xubnood, dhalinyarada ku jirta golaha dhexe ay tahay 24 Xubnood, taas oo ka dhigaysa 15% dhalinyarada, dadka waaweyna kas dhigaysa 85%, Golihiisa fulintuna yahay 27 xubnood dhalinyarada ku jirtaana tahay 5 xubnood, dadka waaweya ka dhigaysa 19%. Halka dadka waaeynina ka noqonayaan boqolkiiba 81%.

Sidoo kale dhalinyaradu waxa ay ka doodeen caqabadaha siyaasada ka hor taagan dhalinyarada oo ay ka mid yihiin Dhaqanka, Dhaqaalaha iyo arimo kale ayaa ka dooday siyaabaha ay uga bixi karaan, isla markaana ay dood mug leh ka ciyaaraan siyaasada dalka.

Kuwaas oo tusaale u soo qaatay wadamo badan oo Yurub ah inay hiigsadaan oo Madaxweyne yaal ay ka yihiin niman dhalinyaro ah oo 40 Jiro ah.