Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2591

February 18, 2011                                                               Rabiil Al-Awal 15,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo

Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed

Wasiirka Maaliyada Oo Maanta Wakiilada Horgeynaya Korodhsiimada Mushaharka Shaqaalaha, Ciidamada Iyo Mudaneyaal Ku Hanjabay In Haddii $2,000 Looga Dhigi Waayo Mushaharka Ay Miisaaniyada Cusub Ansixinteeda Luqunta Iskaga Duubi Doonaan

 

Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco!

Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday

 

 

Faysal Cali Waraabe Waa Nin Gambadh Ugu Soo Fadhiistay Aflagaadada Somcable

C/laahi Axmed Caarshe

Guddoomiya Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid Faysal Cali Waraabe, wuxu beryahan dambe caadaystey in uu kala garan waayo dantiisii qaarka u ahayd iyo tii qaranka.

Sida ay bulshada caam ahaan la wada socoto xukuumadda madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud {iillaanyo}, waxay jirtey muddi yar oo kooban oo todoba bilood ah, mudadaa yar xukuumaddu waxay qabatay waxqabad muuqata oo ka qiimo badan tii ay qabatay 7 sanadood ay jirtey xukuumaddii Rayaale.

Hadaba Faysal Cali Waraabe, isaga oo ka xun haruumar ay samaysa mudada yar xukuumadda madaxweyne Siillaanyo, ayuu Faysal Bilaabay Dacaayado been ah iyo aflagaadooyin uu ku dhaleecaynayo xukuumadda madaxweyne Siillaanyo.

Runtii Faysal Cali Waraabe kuma cusba shacabka Somaliland, balse hore ayay bulshadu u baratay shaqsiyaddiisa iyo waxa uu yahay, Faysal ka mid ahayn dadkii dalka u soo halgamay, balse wuxu ka mid ah qoladii jaajuusiinta u ahayd Maxamed Siyaad Barre, waxa lagu tilmaamaa Faysal in uu ka mid ahaa raggii markhaati beenalaha ku furay dhalinyaradii mujaahidiinta ahayd ee UFO, ku waasoo ahaa dhalinyaro aqoonyahona ah oo isu xil saaray in ay dadkooda caawiyaan, Faysal in markhaati ku furayna waxa ka markhaati ahaa oo dhalinyaradaa ka mid ka ahaa Muj: Maxamed Baaruud oo manta nool.

Faysal isaga oo aan Somaliland waxba ku darsan ayuu aas-aasay xisbiga UCID, oo muddo dheer uu xoog ku haysto isaga oo aan ogolayn in cid kale ay xisbiga ka dhex muuqato, wuxuuna ka dhigay xisbiga boors marna garoonka kala dhoofo marnaba dib la soo noqdo marka uu shilimo yar ku soo uruursado.

Faysal dhegihiisa iyo afkiisu isma maqlaan waxa uu imika yidhaahdo saacad ka dib ayuu burinaya ninka noocaas ah bulshaw maxaynu ku sifayn karnaa?

Su’aashaa jabaabteeda idinka ayaan idiin deynayaa.

Waxa kale ahayd in Faysal ka xishoodo dadka uu u sheeganayo in uu yahay guddoomiye xisbi, iyada oo ahayd in Faysal Bulshada ka xishoodo in uun haddii uu wax isku falayo waayo? Laba jeer ayuu isu soo taagay jagada madaxweynanimo labadii jeerba wuu dhacay, welina wuu soo taagan yahay xisbigana xoog buu ku haystaa, ninka noocaas ah ee aan lahayn milgaha siyaasadeed side buu ummadda wax ugu sheegi karaa?

Sidoo kale Faysal waxa caado u ah in uu ku dhaqmo qabyaalad, waa ninka isaga oo guddoomiye sheeganaya afqabiil gambadh ugu soo fadhiistay in uu wax ka sheego SOMCABLE, isaga oo leh nin aanu isku reer nahay baa la siin waayey, Faysal waa ninka isaga oo kursi doonaya ay ka badbaadi waayeen wadamada aynu jaarka nahay sida Itoobiya iyo Jabuuti, welina uu aflagaadeeyo Jabuuti isaga oo Faysal ka xun sidii qiimaha iyo qaayaha lahayd ee dawlada Jabuuti u soo dhowaysey madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siillaanyo.

Hadaba maanta waxaan shacabka u sheegi lahaa waxa Faysal la qaylinayaa waxa ay tahay, Fyasal Xukuumaddii Rayaale wuxu ka qaadan jirey lacag uu Rayaale ku odhan Jirey haddii aad lacag i siin weydi Siilaanyo ayaan raacaya oo kursiga ayaanu kaa tuuranaynaa, madaxweyne Siillaanyona wuxu ku leeyahay wasiirka arrimaha dibedda iga dhig, haddii kale waan kugu qaylanayaa.

Haddaba ninka noocaas ahi side buu u noqon karaa hoggaamiye dalka, maxaase lagu aamini karaa nin aan afkiisa iyo dhegihiisa midna anay is maqlaynin?

Runtii ma jirto haba yaraatee wax lagu aamini karo Faysal, waayo? Maaha qof masuuliyad qaadi kara, waxaana odhan lahaa Faysaloow wasiir ku xigeen weydiiso

Siillaanyo inta aad leedahay wasiir buuxa iga dhig, waayo wasiirnimada uma qalantid, mana tihid qof sir leh sirta dalkana cidina kuguma aami karto, waxaan ku leeyahay.

Waxaana hadalkayga ku soo koobayaa oo aan leeyahay Faysal wuxu la mid yahay habartii jarajooga ku adixiyo-aadsatey ee la yidhi maxaad la fadhiisan!!!!