|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2610 |
March 13, 2011 Rabiil Al-Thaani 08,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed
Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco! Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday
|
Junrey Balawin Oo U Dhashay Dalka Philippine Ayaa Lagu Wadaa In Uu Ku Guulaysto Nin Ugu Gaaban Aduunka Ninkana lagu wado in uu noqdo ka ugu gaaban Ragga aduunka ku dhaqan ayaa waxa dhererkiisu gaadhaa marka uu taagan yahaya 56cm oo kaliya waxana dherer ahaan uu le eg yahay ilmo sanad jir ah laakiin waa 17 sano jir dhawaana u dabaaldagi doona da’da 18-jirka. Junrey Balawin todobaadkan ayaa loo caleemi saari doonaa ninka aduunka ugu gaaban waxana lagu wadaa in uu ku biiro buuga lagu qoro waxyaabaha mucjsida ama la yaabka ah ee loo yaqaan Guinness World Records. Junrey Balawin wuxu badali doonaa Khagendra Thapa Magarenues oo u dhashay wadanka Nepal oo haatan loo aqoonsan yahay ninka aduunka ugu gaaban oo 18 sano jir ah, kaasi oo 67cm dhererkiisu yahay. “Hadii aan noqon lahaa ninka aduunka ugu gaaban aad ayaan u farxi lahaa” ayuu yidhi Junrey Balawin oo degan deegaanka Zamboanga del Norte ee wadanka Filipiin. Balawin hooyadiis oo lagu magacaabo Concepcion isla markaana 35 sano jir ah ayaa sheegtey in wiilkeeda 17 jirka ah ee dhirirkiisu half mitir yahay aanu kaligiis istaagi karin oo uu dareemayo xanuun isagoo waliba socodka u baaha in la caawiyo. “Inkastoo uu dareemayo xanuunkaasi hadana marka aan u sheego in uu noqon doono ninka aduunka ugu gaaban aad ayuu u dhoolacadeeyaa oo uu u muujiyaa farxad” ayey tidhi Concepcion oo dhashay wiilkan 17jirka ah. Junrey aabihiis oo lagu magacaabo Reynaldo oo 37 sano jir ah wuxu aad ugu hawlan yahay in wiilkiisa 17 sano jirka ah tunka ku qaado isagoo ku saacidaya socodka, waxana uu sheegay in markii wiilkooda uu jiray 12 sano oo ay dareemeen in dhererkiisu caadi aheyn ay dhakhaatiir u geeyeen iyagoo sheegay in loo baahan yahay in la siiyo daawooyin nafaqeyn ah gaar ahaan khudrada fiitamiinka leh. |