Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2618

March 22, 2011                                                                Rabiil Al-Thaani 17,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo

Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed

Wasiirka Maaliyada Oo Maanta Wakiilada Horgeynaya Korodhsiimada Mushaharka Shaqaalaha, Ciidamada Iyo Mudaneyaal Ku Hanjabay In Haddii $2,000 Looga Dhigi Waayo Mushaharka Ay Miisaaniyada Cusub Ansixinteeda Luqunta Iskaga Duubi Doonaan

 

Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco!

Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday

 

 

“Ma Haboona In Wasiirka Maaliyadu Waxkasta Si Caadifadaysan  Uga Hadlo, Balanqaadkii Kulmiye-na Ujeedadiisu Waxay Ahayd………”

“Sadexda Xisbi-ba Rag Digtaytaris Ah Ayaa Haysta, Hadii Ururo La Furona Waxkastaaba Waxay Isku Badali Doonaan Ku Meel Gaadh” Wasiirkii Hore Ee Cadaalada Dhoole-Yare

Hargeysa, March 22, 2011 (Haatuf) - Wasiirkii hore ee Wasaarada Cadaalada Somaliland Aadan Axmed Cilmi (Dhoola-yare) ayaa sheegay in xisbiga Kulmiye balanqaadyadiisii Ololaha doorashada ay ahayd oo kaliya inuu meesha ka saaro dawladii hore ee Rayaale, isla markaana balanqaadyadii faraha badnaana ee Kulmiye aanay waxba ka suurtoobin, oo wali shaqaalaha dawladu mushaharooyinkii loo kordhiyey aanay wada qaadan.

Aadan Axmed Dhoole-yare waxa kale oo uu ka digay in la furo ururo siyaasadeed, taas oo uu sheegay in hadii la furo ururo oo ay meesha ka baxaan saddexda xisbi ee jira in dawladda, Baarlamaanka iyo hay’adaha kala duwan ee xukuumadu ay noqon doonaan ku meel gaadh.

Mr Dhoola-yare waxa uu sidoo kale ku taliyey in meesha laga saaro awooda hogaamiyayaasha xisbiyada, taas oo uu ku tilmaamay mid ka mihiimsan in la furo wakhtigan ururo cusub.

Wasiikii hore ee Cadaalada Aadan Axmed Dhoole-yare waxa kale oo uu sheegay in Wasiirka Maaliyadu uu ka gaabiyey  hawlihii loo igmaday, taas oo uu sheegay inuu faraha kula jiro hawlo aanu lahayn, isla markaana kula taliyey inuu la tashado aqoonyahanada dalka ku sugan ee dhaqaalaha aqoonta fiican u leh.

Wasiirkii hore ee cadaalada Somaliland Aadan Axmed Cilmi (Dhoole-yare) waxa uu sidaas ku sheegay Waraysi uu Xalay Khadka Telefoonka Ku Siiyey Haatuf, Isagoo Arimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxa cadaatay in balanqaadkii xiligii ololaha uu sameeyey xisbiga Kulmiye  inuu ahaa balan qaad ujeedadiisu ahayd sidii meesha looga saari lahaa xukuumadii hore ee Rayaale, waxyaabo badan ayaan dalka kala socdaa, shaqaale badan ayaan waraystay dad badan oo waxgarad ah oo arimahan falanqaynaya ayaan arkay, waxa jira dalka shaqaale aan 4 bilood mushahar qaadan, waxa jira shaqaale aan wali qaadan mushaharkii ay dawladii hore ku lahaayeen, arimahan oo dhami waxay u baahan yihiin dad dhaqaale-yahan ah oo ka fikira oo Odoros sameeya, isla markaana falanqeeya dhaqaalaha iyo dakhliga dalka soo gala, isla markaana ku sargooya baahiyaha jira iyo mushaharooyinka  shaqaalaha iyo ciidamada. Maanta hadii aad aragto iskuuladii ardaydeenii wax alaala wax loo dhigaa ma jirto, macalimiintii tayada lahaa oo dhami iskuuladii way ka tageen.

Waxa muuqata in macalimiintii la lugooyey oo ardaydii been loo sheegay, markaa iyada oo aan waxba la qiyaasin ayaa mushaharooyinkii la iska kordhiyey, waxaynu nahay dal aan dhaqaale badan haysan oo ilihiisa dhaqaaluhuba yahay Dekadda Berbera iyo Kastamkaa galbeedka, waxa ahayn inay Kulmiye hore uga fiirsadaan balanqaadkii ay ku soo galeen Kaambaynka ee ay lahaayeen 300% ayaanu kordhinaynaa, aduunka kamay dhicin, waxa taa cadaynaya mushaharkii la yidhi 100% ayaa la kordhinayaa in lala liito oo aanay shaqaalihii ilaa hada mushahar qaadan dhawr bilood. Arimahaas oo dhami waxa weeyaan waxyaabaha aynaan xaqaa’iqa iskaga sheegayn ee ay xukuumadanina maanta ku ceebaysan tahay, dawladii horena lagu riday marka waa in loo soo noqdaa xaqiiqda”.

Mar uu ka hadlayey furista ururada siyaasada, waxa uu yidhi “Maaha in maanta la isku qabsado ururada ha la furo iyo  la furimaayo waxa dhibaatadaa keentay xukuumadda maanta talada haysa, taas oo wakhtigii doorashada ku gashay kaambayn, waxa kale oo ay kaambayn ku gashay arimo faro badan oo ay mid yihiin mushahar kordhin dhisitaanka wadooyinka isku xidha gobolada iyo degmooyinka dalka, waxa imika cadaatay in Caqabado badan ay dawladda ka hortimid, waxyaabo badan oo markii hore la fududaana  ay adkaadeen hada. Hadii aan ka hadlo arinkan furista ururada siyaasada aniga fikirkayga waxaan aaminsanahay in aanay wakhtigan macquul ahayn, sababo badan awgeed, markaa maadaama oo aynu  nahay dawlad curdin ah oo aan dhaqaale badana haysan, isla markaana doorashooyin hawl badan ka soo baxay, waxa  ila haboon in aan lagu dagdagin wakhtigan furista ururo cusub. Waxa jirta dhibaato ilaa 60-kii ina haysatay, taas oo ah caadifada ururada, markaa waxaan leeyahay arinteenu yaanay noqon laabna la kacay lugana kuma taagni, waxa mihiim ah in la ogaado in aanay micno badan samaynayn in urur la furto, waxa loo baahan yahay in laga fikiro daruufo farobadan oo dalka haysta”.

 “Aniga fikradayda hadii maanta la furo Ururadda oo la tartamo, isla markaana uu xisbul xaakimkii Kulmiye dhaco, oo sadexda xisbi (Kulmiye, Udub iyo Ucid) ee maanta baarlamaanka ku jiraa ay dhacaan,waxa  iswaydiintu tahay yaa ka masuul ah ummada, xisbul xaakim yaa noqonaya, maanta hadii ururo la furo dawlada, baarlamaanka iyo waxkastaaba waxay isku badali doontaa ku meel gaadh, sababta oo ah xisbiyadoodii way dhaceen. In badan waxa ku dhaca ummada reer Somaliland wax faro badan oo aanay ka fiirsan inay ku yimaadaan mustaqbalka, markaa waxaan ugu danbayn ku soo koobayaa fikirkayga furista ururada inaanay wakhtigan haboonayn in aynu furno ururo siyaasadeed, waxaanan leeyahay shacbiga madaxwaynaha yaan lagu dirqiyin oo yaan culays lagu saarin arintaas”.

Wasiirkii hore ee Cadaalada  Aadan Axmed Cilmi (Dhoolayare) mar uu ka hadlayey sadexda xisbi, waxa uu yidhi “Sadexda xisbi rag Digtataris ah ayaa haysta, hadii aynu furno ururo siyaasadeedna Digtaytaro kale oo badan ayaa soo bixi doona, aragtidaydu waxa weeyi in sadexdan urur dib u habayn lagu sameeyo oo la sharciyeeyo, waana in raga la leeyahay jeebkooda ayey ku jiraan xisbiyadu laga soo saaro, waana in gudi loo saaro oo baarlamaanku ka shaqeeyaan, si loo helo xisbiyo dhisan oo gole dhexe leh oo wax walba u dhan yihiin, isla markaana taladu ka go’do golayaasha xisbiyadda ee aanay ku koobnaan uun hogaanka sare, oo sifo sharciya leh oo magacyadoodu yaalaan wasaarada cadaalada, Komishanka, Maxkamadaha, taasi waxa  ay ka hortagaysaa in marka golaha dhexe shirayo in ninka gudoomiyaha ahi uu soo qor-qorto wuxuu doono. Waana in marka ay shirayaan ay Komishanka iyo Acadmiyadu ay goob joogayaal u soo dirsadaan shirarkaas, si loo ogaado in shir sharciya iyo doorasho sharciya inay dhaceen oo aan nina shir dibada looga soo saarin”.

Aadan Axmed Cilmi (Dhoolayare) mar uu ka hadlayey wasiirka maaliyada iyo kordhintii mushaharooyinka, waxa uu yidhi “Maaha inuu wasiirka maaliyadu iska yidhaahdo mushaharkii waxaan kordhiyey 100%, waxan eryey 300 macalin oo wasaarad waxbarashada ka tirsanaa, anigu waxaan aaminsahay in aanay xukuumadu ku wada socon markii uu wasiirka maaliyadu kaligii ku dhawaaqayey mushahar kordhinta isaga oo aan ka fiirsan. Waxa jira siyaasad u gaar ah oo ay xukuumadu ku shaqayso, waxa weeyaan marka mushahar la kordhinayo in uu madaxwaynuhu ku dhawaaqo. Maaha in uu qof si caadifiyad ah iskaga dhawaaqo go’aan sidaa u wayn, isla markaana saamaynaya bulsho dhan, Somalidu waxay tidhaahdaa ‘Talo aan la ruugin waa lagu rafaadaa’. Anigu waxaan ogahay in bisha April mushaharkeedii sidii loo bixin lahaa oo ciidamada loo siin lahaa ay khatar badani ku jirto, waxa kale oo dhibta jirta ka mid ah Doollarku waligii muu gaadhin Somaliland halka uu maanta gaadhay taasina waa khataro dhaqaale oo bulshadeena dhex heehaabayso. Duruufuhu way badan yihiin reerkii $100 loo soo dirayey dhib ayaa ka haysata miciishada kacday iyo doolarka qiimihiisu hoos u dhaca wayni ku yimid. Wasaaradii ganacsigu kama hadlayso dhibaatooyinka jira iyo miciishada kacday. Haday ganacsiga tahay waxa ka hadlaya wasiirka maaliyad, haday badhasaabada tahay waxa la hadlaya wasiirka maaliyada, hadii shaqaale la eryayo waxa ka hadlaya wasiirka maaliyada, maaha in wasiirka maaliyadu wax kasta si caadifadaysan uga hadlo waxa waajib ah in qof waliba uu shaqadiisa ku eekaado, arintani markaa waa rin lagu dagdagay sababta oo ah waxaynu dal yar oo dhaqaale ku filana aan haysan, dawladdo inama caawiyaan, wadamada caalamka ama aynu jaarka nahay waxa miisaaniyadooda kaba wadama caalamka, inaga miisaaniyadeena lama kabo dhaqaale aynu meel  kale ka helnaana ma jiro. Cashuurta imika wasaarada maaliyadu leedahay ha la qaado waxa ka horeeya sharciga, markaa in marka hore sharciga la sameeyo ee aan dadka inta suuqa laga qabqabto aan lagu odhan lacag keena, sharciyad ayaa ka horaysa wacyi galinbaa ka horaysa, baarlamaanku inuu baasgareeyo ayaa ka horaysa. Waxa loo baahan yahay oo kale in lacagtu socoto oo ay suuqa gasho, isla markaana ay soo noqoto, miisaaniyadana badanka waxa iska leh shacbiga sababta oo ah dawladu miisaaniyada shacbiga ayey wax kaga iibsataa haday raashin tahay iyo haday shidaal tahay iyo haday baabuur noqotoba, markaa hadii la hayo waxba ma soconayaan. Waxa iyaguna jira dal-daloolooyin badan oo xaga amniga ah, markaa madaama oo aanay shaqaalihii wali wax  mushahar ah aanay qaadan Kacdoon ayey taasi keeni kartaa, waxa iyaduna jirta wada shaqayn la’aan wayn oo ka dhaxaysa wasaaradaha dawladda, taas oo ay ka muuqato wasaarada duulista iyo hawadu lacagta ay baarlamaanka u soo gudbisay ee ay ku kordhisay lacagtii ay markii hore laga qaadi jiray dadka ka soo daga madaarada dalka, waxay ahayd in arintaas ay wasaarad maaliyadu ka dhexmuuqato, sababta oo ah waa wasaaradii dakhli ururinta xukuumada u qaabilsanayd, markaa waxaan xukuumada u soo jeedinayaa maadaama oo wakhti dheeri u hadhay inay dib iskugu soo noqoto”.

Waxa uu intaas ku daray Dhoole-yare isaga oo ka hadlayey doorkii ay xukuumadii hore ka qaadan jirtay isbad-badalka lacagaha iyo miciishada

“Dawladayadii hore waxay mar walba ka warhayn jirtay xaaladda suuqyada lagu sarifo doolarka iyo lacagaha adag, waxaanay ula socon jirtay si joogto ah, ama lacag Somaliland ah ha lagu sii daayo ama doolar ha lagu sii daayee, taasna waxa loo samayn jiray si aanu halkiisa uga dhaqaaqin doolarka iyo noocyada kala duwan ee miciishadu, dalkeena maanta waxa laga helayaa oo jooga rag dhaqaale-yahan ah, markaa  waa in ragaas laga faa’idaysto oo la hawl galiyo. Waana in laga wada tashadaa arimahan oo ay baanka dhexe iyo wasaarada maaliyadu si  hagar la’aan ah ugu shaqeeyaan shacbiga si culayskan wayn wayn ee saarani aanu  meesha uga bixin, ugu danbayn waxaan soo jeedinayaa in raga dhaqaalaha yaqaana lala tashado oo taladda dhaqaalaha dalka laga qayb galiyaa”.