Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2835 |
November 30 ,2011 Muharam 05,1432H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Isticmaalka Badan Ee Xumad Jebiyaha Paracetamol Oo Keena Dhibaato Caafimaad Sida aynu la wada socono haddii uu qofku qaato ama aad u isticmaalo dawo ama kimiko in ka badan xadigii loogu talo galay waxa ay badanaa xaga caafimaadka u keentaa dhibaato weyn oo halisa. Cilmi-baadhayaal xaga caafimaadka, oo u dhashay dalka Ingiriiska, ayaa daraasadii ay sameeyeen waxay natiijadii noqodtay. Haddii uu qofku isticmaalo xanuun jebiyaha kiniinka ama dawada Paracematol, oo maalin walba la qaato ama la isticmaalo muddo dheer ay keeni karto halis weyn, taas oo u horseedi karta qofka dhimasho. Cilmi baadhayaashaas ama khubaradaas caafimaadku waxa ay ogaadeen in 663 kays (case) oo caafimaad ah oo ay baadhitaan ku sameeyeen ay ka heleen in beerkoodu uu dhaawac soo gaadhay, sababtuna ay ahayd isticmaalka badan Paracetamol. oo ay aad u isticmaaleen xanuun jabiyahan Paracetamol. Dadka aad u isticmaala xanuun jabiyahan,Paracetamol, waxay inta badan dhaawac u geysataa beerka iyo maskaxda (brain). Sida ku qoran daraasadan, isticmaalka badan ee daawadani waxa kale oo ay keentaa in uu qofku u baahdo in kalyaha la safeeyo (dialys) iyo in laga caawiyo xaga neefta. Waxaa kaloo cilmi baadhista ku jirtay in khatarta ama halista ah in uu qofku uu u dhinto dhaawac kaga yimaada isticmaalka dawadan ay guruubkan ku badan tahay. Haddaba haddii uu xanuun ku hayo oo aad isticmaasho dawadan,Paracetamol, waxna kuu tari waydo, la xidhiidh dhakhtarkaaga, intii aad isticmaali lahayd ama cuni lahayd kiniino xadi badan oo dawadan Paracetamol |