Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2838

December  04 ,2011                                                                    Muharam 09,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Aabaha Dhalay Askarigii Lagu Dilay Yogoori Oo Hadal Ka Soo Yeedhay Wasiirka Ganacsiga Gaashaanka Ku Dhuftay,  Sheegayna In Wiilkiisa Dhintay Aanu Ka Tirsanayn Bileyska

“Warka Wasiirka Ganacsigu Sheegay Waxba Kama Jiraan, Cida Ay Xukuumadu U Dirtay Arrinta Dilka Inankayga Waxa Ku Jira Kuwo Madax Kuti Ku Noqday Siyaasada, Madaxweynaha Ayaanan Kala Hadlayaa Sida Wax U Dhaceen” C/Llaahi Calas

Hargeysa, December 4, 2011 (Haatuf) - Kornayl Cabdillaahi Xaaji Jaamac Calas oo ah Aabaha dhalay askarigii Salaasadii todobaadkii hore lagu dilay degmada Yogoori ee gobolka Sool ayaa beeniyay hadal ka soo yeedhay Wasiirka ganacsiga C/risaaq Khaliif Axmed oo sheegay in waftiga xukuumada iyo beeshiisu ay heshiis ka gaadheen dhacdadii lagu dilay inankiisa, warkaas oo uu ku tilmaamay mid waxba kama jiraan ah, cadeeyayna in beeshiisu ay go’aan ku gaadhay marka gacanta loo soo galiyo gacan ku dhiiglihii dilka inankiisa in wada hadal furmi karo.

Cabdillaahi Xaaji Jaamac ayaa sidoo kale sheegay in inankiisa la dilay marxuum C/samad oo uu taliyaha ciidanka qaranku Nuux Ismaaciil Taani uu ku sheegay askari Bilays ah uu ka tirsan yahay Ciidanka Qaranka ee saldhiga 7aad ee jiida Sool, waxaanu sheegay in cidda xukuumada u dirtay shaqaaqada Yogoori aanay ahayn ciddii ku haboonayd arrinkaasi, balse ku tilmaamay cid siyaasada madax-kuti ku noqotay.

C/llaahi xaaji Jaamac oo Hargeysa soo gaadhay oo wargeyska Haatuf shalay xogwaraysi khaas ah kala yeeshay halka ay marayso dhacdadii lagu dilay inankiisa, ayaa waxa uu yidhi “Horta waxaan ka jawaabayaa warka wasiirka ganacsigu ku qoray wargeyska saxansaxo maalintii shalay ee uu ku sheegay in odayaashi beesha iyo waftiga xukuumadu ay go’aamo heshiis ah wada gaadheen, xaqiiqdu waxay tahay beeshu shalay bay shirtay go’aanada ay gaadhayna waxa uu nuxurkiisu yahay marka gacan ku dhiiglihii dilay wiilka C/llaahi Xaaji Jaamac naloo keeno ayuun baynu wada hadlaynaa, ci kale oo aanu wada hadlaynaa ma jirto, ayaa lagu yidhi waftiga xukuumada, waxa heshiis ah iyo go’aano kale oo lala galay haba yaraatee ma jiraan, sidaa darteed warka wasiirka ganacsigu sheegay waxba kama jiraan beeshu mawqifkeedii way cadaysay, cid xukuumadu u dirtayna shaqaaqada dilkaasi dhacayna maaha ciddii arrinkaasi galitaankiisa ehelka u ahayd ee saxda ahayd, balse waa cid aan waayo aragnimo siyaasadeed lahayn oo madax-kuti ku noqotay siyaasada”

Mr Cabdillaahi Calas oo aanu waydiinay inankiisa la dilay oo taliyaha ciidanka qaranku ku sheegay inuu ka tirsanaa ciidanka Bilayska, balse la sheegayo inuu ciidanka qaranka ka tirsanaa waxa arrimahaasi ka jira, waxa uu yidhi “Inankaygu kamuu tirsanayn Ciidanka Bilayska balse waxa uu ka mid ahaa ciidanka qaranka gaar ahaana waxa uu kka mid ahaa ilaalada taliyaha saldhiga 7aad ee ciidanka qaranka ina Cambaashe ee fadhigoodu yahay jiida hore ee gobolka Sool, sidaa dareed wiilkayga lagu dilay Yagoori Bilayska kamuu tirsanayn ee Milatariga ayuu ka mid ahaa”

Mar aanu su’aalnay talada uga qorshaysan wiilkiisa askariga kale ee ciidanka qaranka ee la sheegay inuu dilay waxa uu yidhi “Beeshu waxay iga sugaysaa ciddii ay kala xaajoon lahaayeen dhacdadaa wiilkayga lagu dilay, sidaa darteed waxa ii qorshaysan inaan arrintaasi Madaxweynaha kala hadlo oo aan uga xog waramo wixii xaqiiq ah iyo sidii arrinkaasi u dhacay wixii go’aana ee uu i siiyo ayaan ku dhaqmayaa inta ka horaysana ka hordhici maayo”

Taliyaha ciidanka qaranka Nuux Ismaaciil Taani shir jaraa’id oo uu ku wehelinayay taliyaha ciidanka Bilayska Maxamed Saqadhi Dubad ay Arbacadii todobaadkii hore ku wada qabteen Hargeysa ayaa isagu ku sheegay in dhacdadaasi dilku ku timid laba askari oo Bilayska iyo Milatariga ka kala tirsan oo gabadh ku jaafaa-jirqay, ka dib markii ay rasaas isku waydaarsadeen askarigii Bilaysku geeriyooday kii ciidanka qaranka ka tirsnaana uu madaxa ka dhaawacmay.