Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2839

December  05 ,2011                                                                    Muharam 10,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Wasiirada Qoyskaskoodu Dalalka Dibadaha Degan Yihiin Iyo Kuwa Dalka Nagida Ku Ah

Hargeysa, December 5, 2011 (Haatuf) - Golaha Wasiirada Xukuumada Somaliland oo tirooda guud ka kooban tahay 30 xubnood oo iskugu jira 24 Wasiir iyo 6 Wasiir ku xigeen, ayaa intooda badan ay qoysaskooda iyo caruuraha ay dhaleen ay ku sugan yihiin dalalka dibadaha, kuwaas oo inta badan masuuliyada iyo xilalka ay u hayaan qaranka kaga mashquula socdaalada qoysaskooda dibadaha ku nool, oo ay safaro ugu baxaan.

Halka ay jiraan xubno dalka gudihiisa ay ku sugan yihiin qoysaskooda iyo caruuraha ay dhaleen.

Xubnaha golaha wasiirada ee qoysaskooda iyo caruurtoodu ay dalka gudihiisa ku sugan yihiin ayaa waxa ka mid ah:-

1. Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare marwo Samsan Cabdi Aadan, oo uu ubadkeeda oo dhami Ay ku sugan yihiin dalka gudihiisa.

2. Wasiirka Boosaha iyo isgaadhsiinta Axmed Xaashi Oday

3. Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Nuur Caraale (Duur)

4. Wasiirka Cadaalada Xuseen Axmed Caydiid.

5. Wasiirka dhalinyarada, Ciyaaraha iyo dhaqanka Cabdi Siciid Faahiye.

6 Wasiirka Maaliyada Maxamed Xaashi Cilmi

7. Wasiirka Diinta iyo Aw Qaafta Sheekh Khaliil C/llaahi Axmed

8. Wasiirka Caafimaadka Dr Xuseen Muxumed Axmed (Xuseen Xoog)

9. Wasiirka hawlaha guud iyo guriyaynta Ismaaciil Muumin Aare

10. Wasiirka dibu dajinta C/risaaq Cali Cismaan

11. Wasiir ku xigeenka hawlaha guud Cali Cabdi Saa’iq.

12. Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan

13. Wasiirka xanaanada xoolaha Dr Cabdi Aw Daahir.

14. Wasiir ku xigeenka caafimaadka Nimco Xuseen Qawdhan

15. Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha C/risaaq Khaliif

La soco…