Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2842

December  08 ,2011                                                                    Muharam 13,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

“Waxa  Uu Yidhi Ninka Garaadka Ahi, Waa In La Dilaa, Xataa Muu Odhan Waa In Xilka Laga Qaada, Labada Nin Ee Seemaal Lagu Dilay Ilmaabti Ayaanu Ahayn Oo Xigto Ayaanu Ahayn”

Gen. Nuux Taani

Hargeysa, December 8, 2011 (Haatuf) - Taliyaha Ciidanka Qarranka Somaliland Gen. Nuux Ismaaciil Taani ayaa Shalay dhinac iskaga leexiyey eedaymo ay salaadiin iyo siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Awdal u jeediyeen, eedaymaahaas oo ahaa inuu ku lug lahaa dilkii dhawaan ka dhacay degada Seemaal.

Gen. Taani ayaa daboolka ka qaaday in uu arintaasi ka madaxbaanaan yahay, isla markaana aanay jirin wax gacan ah oo uu ku leeyahay arintaas, waxaanu eedaynta loo soo jeediyey ku tillmaamay waxba kama jiraan.

Taliya Ciidanka Qaranka Nuux Ismaaciil Taani ayaa waxa uu sidaas ku sheegay mar uu shalay u waramayey qaar warbaahinta ka mid ah, ugu horayna isaga oo arintaas ka hadlaya, waxa uu yidhi “Anigoo ku suntan, amnigii qarranka Taliye ciidan ah qof weliba oo caqli lihi wuu garan kara inaanay iga suurtagal ahayn inaan ku meeraysto waxyaabaha yar ee noocaasi ah, waxaan u arkaa eedayntaasi mid danno gaar ah laga leeyahay.

Waxan maqlayey nin Garaad ah oo guurtida ku jira oo igu eedaynaya anigu inaan ka danbeeyey arrintaasi, wuxuu yidhi garaadku isagoo VOA-da weraysi siinaya waa in la dila, xita ma odhan waa in xilka laga qaada wuxuu yidhi waa in la dila, waxaan u gudbiyey kiiskiisa maxkamadda iyadana noo gar qaadi doonta”.

Taliyuhu Isaga oo hadalkiisa sii watan, waxa uu yidhi “Waar nimanyahow anagu waanu is qabanaa, dhiniciina idinku miyaydaan is qaban oo aydaan is dhaamin.

labada nin ee is dhalay ee halka lagu dilay anaga ilma abti ayaanu ahayn xigto ayaanu ahayn, sokeeye ayaanu ahayn cid walba ka xiga kuwa halkaasi ka tororogta haya ka xiga ka damqday oo ilmaabtiyaday ahaayeen, waar siday ku dhici karta in xita aniga farta la igu soo fiiqo, aniga danbiga haddii aan galo iyo haddii kale-ba dalku wuxuu leeyahay hay’addo wax baadha kuwaasi ayuunba igu caddayn kara”.