Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2851

December 19 ,2011                                                                    Muharam 23,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Xaguu Ku Dambeeyey Komishankii Tacliinta Sare?

Said Abdullahi Dualeh

Waxaan yar jecelaystay inaan ka hadlo ahmiyada jamacadaha u leeyihiin dalka iyo dadka iyo dayaca baahsan ee ardayda Somaliland ka haysta jamacadaha ee xukuumada Somaliland ka warqabto ee waxba laga qaban ilaa iyo hadda.

Runtii, jamacadahu waa xarun cilmi baadhis, aqoontu ka soo unkanto, bulsho kasta u horseeda horumarka, hagtana habka dhaqan dhaqaale ee bulsho, waa goob ay ka soo baxaan madaxdii beri hogaamin iyo badbaado u noqon lahayd dadka iyo dalkaba. Runtii, dunida horumartay ayaa marka aad eegto jamcadaha waxay saldhig u yihiin noloshooda asaasiga ah, tusaale ahaan, dawladaha reer galbeedka waxay horumarka baxadaas leeg u gaadheen waa iyaga oo si toos ah ugu xidhan jamacadaha, waxaana marka aad u fiirsato arkaysa inay siyaasadaha dawladu fuliso ay yihiin kuwo ka soo maaxday maskaxda khubarada jamacadaha, kuwaas oo dawaladooda kala taliya dhinacyada kale duwan ee khuseeya arrimaha dhaqaalaha, dhaqanka, siyaasada iyo militariga iwm. waxaana dunida horumartay dhaqaale badan sanadkasta ku bixiyaan tayeyantooda si hawsha ay bulshada u hayaan u noqoto mid midho dhal ah oo wax ku oolah.

Haddba, Tan iyo intii wadankeenu dib ula soo noqoday xornimadeenu waxa dalkeena ka hano qaaday jamacado badan haba iska liitan culuunta ay dhigayaan iyo dhaqaalahooduba. laakiin waxa horumarkaas hortaagan waa iyada oo aan jirin siyaasadii dawaladeed ee hagi lahayd Jamacadaha somaliland ka jira. Waxaan maqlay in Dawlada uu madaxda u yahay siilaanyo sameysay komishanaka tacliinta sare (Somaliland Higher Education Commision). Runtii, waxaan la yaab ah in dib loo maqal komishankaas, oo kaliya ku kooban yahay warqad madaxtooyada ka soo baxday oo qudha oo aanay jirin hawl maalmeed ay qabtaan.

Akhristow, waxa runtii , aad arkaysa maalin kasta in  jamacadaha la iska furto oo ninkii afar kursi heli kara ardayda ku baadho magaalada hargeisa dhalinyaradeenii aan waqtigu siin inay jamacado helaan dibadeed, ka dibna u sheegan inay jamacadoodu ku xidhan tahay jamacad ku taal Ethopia, Uganada iwm, iyada oo cidna hubin meesha uu sheegay inuu ku xidhan yahay jamacadiisu, eegina inuu leeyahay awoodii aqooneed, goobtii waxbarasho ee uu ku bixin lahaa aqoonta iyo maclimiinta dhigaysa intaba, waxaana timaada in ardayda laga urursado dhaqaale badan ka dibna la seejiyo mustaqabalkooda iyo himiladoodiiba.

waxaan kale oo aynu la socona in dad wax ma garto ahi ay jamacado wax ay ku sheegan hargeisa ka furtaan oo dabadeed la siiyo warqada ogolaanshiyaha lagu dhigto jamacada ardayda dugsiga dhexe ku jira ama dhameysanba dugsi sare (University admision) iyada oo laga furanayo kharashka jamacada uu ku galayo, iyaga oo ardayda eegin inuu ka soo baxay dugsi sare oo leeyahay aqoontii uu jamacad ku geli lahaa.

Haddaba ugu danbeyntii, arrimahaas aan soo sheegay iyo kuwo kale oo badani waa kuwo ku gadaaman da'yarta soo kacaysa ee ku nool guud ahaan dalkeena, waxaana dawlada Somaliland ku waajib ah inay la xisaabtano masuuliyadii ay u igmatay komishankii ay magacowday ee ka shaqeynin hawlahaas aynu ognahay iyo in dib u eegis dhameystiran oo hufan lagu sameeyo hanaanka shaqo ee ay u shaqeeyan jamacadeeheenu oo noqday xiliyadan danbe goob dhaqaale lagu urursado oo aan la tix gelin tayada waxbarasho ee ardayda somaliland. waxaana u baahan in bulshadeenu iyo dawladeenu maskaxda ku hayno haddii tayada iyo horumarinta jamacadaha laga shaqeeyo in guud ahaan hagaagayso kobaca nolosheena bulsho dhaqaale iyo siyaasad ahaanba, waana in ay dawlada somaliland arrinkaas ahmiyad weyn siiso haddii kale waxaynu noqon doona wadan ay jaahilnimadu iyo aqoon ku dhisan qabyaaladi hagi doonto oo qeyrkii ka hadha.

Alla Mahad Leh

Said Abdullahi Dualeh

Bristol, United Kingdom