Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2855 |
December 23,2011 Muharam 27,1432H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Daafaha Dunida :Wax Ka Baro Dalka JamhuuriyadaGreece(Giriiga) Dalka jamhuurada Greece. Dalka Giriiga oo lagu magacaabo jamhuurida Hellenic, waxa uu kamid yahay wadamada ugu faca wayn taariikhda qaarada Yurub. Dalka Giriigu waxa uu kamid yahay wadamad bariga qaarada yurub. Wadamada ku hareeraysan ama xuduudaha la wadaagana waxa kamid ah Bulgaria, Mecendonia, Albania iyo Turkiga. Caasimada dalka jamhuuriyada Greece (giriiga) waxa la yidhaa Athens. Bedka: Bedka dalka Giriiga waxa lagu qiyaasaa 50,942.32, oo (mayl laba jibaaran) una dhiganta 131,940.00, oo (kiiloo mitir laba jibaraan). Celcelis ahaan baaxada dhulka uu ku fadhiyo dalka Giriigu marka lagu daro jasiiradaha waxa uu ku dhowyahay gobolka ( Alabama) ee dalka Maraykanka. Dadka: Dadka u dhashay wadanka Giriiga oo taariikh ahaan kamid ah dadyoga ugu taariikhda dheer qaarada Yurub ayaa tiradooda lagu qiyaasaa 10-miyan oo ruux, waana tirakoobkii la sameeyaya sanadkii 2010-kii. Sidoo kale dadka Giriigu waxa ay kamid yihiin dadyoga sii tiro yaraanaya ee qaarada Yurub waxana sanadka 2050-ka la saadaaliyay in dadka giriigii ay noqon doonaan 9-milyan oo ruux. Afka:Luuqada Giriiga (Greek) oo ah luuqada maxaliga ah ayaa dadka ku hadlaa kor u dhaafaan boqolkiiba 99% waxana soo labaeeyaa oo dalka Giriiga lagaga hadlaa luuqadaha English-ka iyo French-ka oo ah luuqado caalami ah. Aqoonta: Dadka aqoonta leh ee u dhashay dalka Giriiga waxa lagu qiyaasa in ay gaadhaan boqolkiiba 95.0% . diimaha laga haysto dalka Giriiga waxa dadka ugu badani haystaan Diinta Kiristanka gaar ahaan Mad-habta Greek Orthodox, oo dadka haysta lagu qiyaaso boqolkiiba 98%, Diinta Islaamka oo laga haysto wadamda ku Xeeran dalka Giriiga oo Turkga iyo Albenia kamid yiniin dadka Giriiga ah ee haysta waxa lagu qiyaasaa boqolkiiba 1.3%, diiimaha kale ee soo hadhayna dadka haystaa kama badna boqolkiiba 0.7%. Cimriga: celceliska cimriga ragga reer Greece, waxa lagu qiyaasaa 76-sano, halka dumarka Giriiga ah da’doodu ka gaadho ilaa 81-sano. Dawlada: Dawlada dala Greece (Giriiga) ayaa ku dhaqanta ama ku shaqaysa nidaamka Jamhuuriga ah (Government Type parliamentary republic). Lacagta: Lacagta laga isticmaalo gudaha dalka giriiga waa lacagta wadamada Yurub ee euro-da (EUR). Warshadaha:Warshadaha dalka Giriiga waxa kamid ah shaqooyinka ay qabtaan Dalxiiska, diyaarinta Cuntooyinka, Tubaakada, Dunta, Kiimikooyinka, Macdanaysiga, sifaynta Baatroolka, iyo birta. Beeraha: Beeraha dalka Giriiga waxa ka baxa oo laga beeraa dalagyo ay kamid yihiin Sonkorta, Galayda, Qabadiga, Xabuubta/Tamaadho, Saytuunka, Tubaakada, Baradhada iyo khudrado kale. Xoolaha: dalka jamhuuriyada Greece waxa laga dhaqdaa qaybo kamid ah xoolaha nool oo ay lo’du ugu horeyso lo’da dalka Giriigana waxa loo dhaqdaa caano ahaan. Dhulka la adeegsado ee dalka Giriiga waxa lagu qiyaasaa boqolkiiba 19% kamid ah cabirka guud ee ay ku fadhiyaan jasiiradaha uu ka kooban yahay Giriigu. Khayraadka: Khayraadka dabiiciga ah ee dalka Giriiga waxa kamid ah macdanaha bauxite, lignite, magnesite, marble, awoodaha biyaha lagaga dhaliyo Korontada ee (hydropower) iyo Baatroolka. N.B dalka Giriigu waa dalka ugu Jasiiradaha badan qaarada Yurub waxana dhinaca koonfur bari kaga yaala badaha Ionian Sea, Agien Sea iyo Sea of Crete. Oo u dhaxaysa dalka Turkiga iyo Greece. |