Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2856 |
December 25,2011 Muharam 29,1432H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Daafaha Dunida :Wax Ka Baro Dalka BoqortooyadaSpain Dalka boqortooyada Spain (Kingdom of Spain). Dalka Spain waxa uu kamid yahay wadamada qaarada Yurub gaar ahaan kuwa ku yaal dhinaca koonfur galbeed ee qaarada. Dalka spain waxa uu kamid yahay wadamada midowga yurub waxana kamid ah wadamda uu la wadaago xuduudaha dalka Faransiiska (France) iyo dalka Bortaqiiska (Portugal). Caasimada dalka Spain waxa la yidhaa Madrid waana magaalo dadka ku dhaqani ay gaadhaan (3,137,083). Dalka Spain waxa uu ka kooban yahay dhul baaxadeed aad u balaadhan oo isku xidha badaha Atlantic-ga iyo Mediterranean-ka iyo dalka Portugal oo ku yaal jihada koonfur galbeed ee qaarada Yurub iyo dalka jamhuuriyada Faransiiska oo ku yaal galbeedka qaarada yurub. Bedka: dalka Spain waxa uu kamid yahay wadamada ugu dhulka balaadhan guud ahaan dalalka qaarada yurub bedka dhulkiisana waxa lagu qiyaasa 194,897.42, oo (mayl laba jibaaran) una dhiganta 504,782.00, (kiiloo mitir laba jibaaran). Qiyaas ahaan baaxada dalka Spain waxa ay ka balaadhan tahahay laba jeer baaxada bobolka (Oregon) ee dalka Maraykanka. Dadka:Dadka ku dhaqan dalka Spain waxa ay kor u dhaafaan 46-milyan oo ruux, waana tirakoobkii laqaaday sanadkii 2010-kii. saadaasha laga bixiyay dadka Spanish-ka ee sanadka 2050-ka waxa lagu sheegay in ay dadka Spanish-kii nooqon doonaan 32-milyan oo ruux tiradaas oo ka hooseysa tii sanadkii 2010-kii ee dadka Spain 14-milyan oo ruux. Saadaashan ayaa wax ay ka dhigaysaa dalka Spain mid ka mid ah dalalka tirada dadkoodu hoos u dhacayso sanadaha soo socoda Waana tusaale muujinaya in dadka Spanish-kii ay noqon doonaan kuwa ugu tirada yar aduunka iyo qaarada yuruba hadii sidaa saadaashu muujisay ay waxa u dhacaan. Afka: Luuqadaha lagaga hadlo dalka waxa kamid ah Castilian-ka iyo Spanish oo ah luuqadaha ugu muhiinsan dalka Spain oo dadka ku hadlaa ay gaadhaan boqolkiiba 74%, luuqada Catalan-ka waxa ku hadla dadka gaadhaan boqolkiiba 17%, halka luuqada Galician ay kaga hadlaan dad gaadhaya boqolkiiiba 7%, luuqada Basque, oo kamid ah luuqada lagaga hadlo dalka Spain waxa ku hadla dad gaadhaya boqolkiiba 2%. Dadka aqoonta leh ee u dhashay dalka Spain waxa ay gaadhaan boqolkiiba 97.0% Diinta: Diimaha dalka laga haystana waxa ugu horeysa diinta kiristanka gaar ahaan mad-habta Roman Catholic-ga oo dadka Spanish-ka ah ee haystaa gaadhaan boqolkiiba 99%, dadka aan kiristanka ahayn ee ku dhaqan dalka Spain waxa lagu qiyaasaa boqolkiiba 1%. Cimriga: Ragga u dhashay dalka Spain waxa ay da’doodu gaadhaan 75-sano, dumarka reer Spain-na waxay jiraan celcelis ahaan 82-sano. Dawlada: Qaabka ay ku shaqayso dowlada dalka Spain waa nidaabka Baarlamaaniga ah oo ku tiirsan talada boqortooyada mudada dheer soo xukumaysay dalka Spain (Government Type parliamentary monarchy). Lacagta: lacagta dalka laga isticmaalaa waa lacagta dalalka Yurub ee euro (EUR). Warshadaha: Warshadaha dalka Spain waxa lagu farsameeyaa dunta, kabaha, cuntooyinka, birta, kiimikooyinka, dhismaha’maraakiibta, mashiinada iyo Mobilada, waxa kale oo dalka Spain ku yaalaa meelo siwayn u soo jiida dadka dalxiisayaasha ah. Beeraha: Beeraha dalka waxa ka baxa khudrad, dhirta midhaha leh, Saytuunka, sonkorta, khudrada dhanaan (Citrus) ee ka baxada wadamada ku xeeran bada Mediterranean. Xoolaha: dadka reer Spain waxa ay dhaqadaan qaybo kamid ah xoolaha, sidoo kalena waxa ay ka faa’iidaystaan kaluunka. Dhulka la isticmaalo ee dalka Spain waxa uu gaadhaa boqolkiiba 30%, kamid ah dhulka uu ku fadhiyo dalka Spain. Khayradka: khayraadka dabiiciga ah ee dalka waxa kamid ah macdanayha dhuxul dhagaxda, lignite, iron ore, uranium, mercury, pyrites, fluorspar, gypsum, zinc, lead, tungsten, copper, kaolin, potash, iyo awooda biyaha lagaga dhaliyo Tamarta ee (hydropower). |