Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2860 |
December 29, 2011 Safar 04,1432H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Urur Cusub Oo Magaciisa La Yidhaahdo SLMN Oo Shalay Lagaga Dhawaaqay Hargeysa Hargeysa, December 29, 2011 (Haatuf)-Urur cusub oo magaciisa la yidhaahdo Somaliland National Movement (SLMN) ayaa markii ugu horeysay lagaga dhawaaqay Huteelka Fish And Steak ee magaalada Hargeysa, Ururkaasi oo uu cusub gudoomiye ka yahay Aqoonyahan C/Raxmaan Axmed Shunuf oo ku dhawaaqista Ururka uu gadhwadeenka ka yahay munaasabadii furitaanka ka hadal kooban u jeediyay taageerayashiisa ayaa sheegay in ururka SLNM u dhamaan gobollada Jamhuuriyadda Somaliland oo dhan ku leeyahay taageerayaal, isla markaana uu u taagan yahay horumarinta ku Dhaqanka Dimuqraadiyadda iyo horumarinta bulshada reer Somaliland. Gudoomiyaha ururka Cusub ee SLNM C/raxmaan Axmed Shunuuf waxa uu ugu baaqay guddiga diiwaangalinta ururada siyaasad iyo hay’adaha kale ee ay khusayso in loo baahan yahay in la kordhiyo muddada lagu diiwaan gelinayo ururada siyaasadda. Ugu horayn Aqoonyahan C/raxmaan Sunuuf, isaga oo ka hadlaya arrimaha ururada iyo muddadii lagu diiwaangalinayay oo muddo gaaban inay tahay, waxa uu yidhi “Oday Xaafadeed lama dooranayo, balse waxa la dooranayaa ururadii berito dalkani tobanka sannadood ee soo socda hogaamin lahaa sidaasi darteedna waxa loo baahan yahay in muddada la kordhiyo lagu diiwaan gelinayo ururada” Mar uu ka hadlayay ka urur ahaan arrimaha siyaasadiisu ku wajahan tahay waxyaabaha ay horumarin doonaan waxa uu yidhi “Waxaanu doonaynaa inaanu da’yarta Jaamiciyiinta ah ee aqoonta leh, isla markaana shaqo la’aanta suuqayda iyo gidaarada fadhiya aanu ka kicino waayo waa Maskaxdii dalkan berito hogaaminayey, isla markaana dalkan horumarin lahaa oo siyaasada qadiimka ahayd ee dalkan lagu soo hogaaminayay wax badan ka badasha, Ururkana xubnahiisa waa dad Aqoon leh ayaa ku midoobay, ururkan Calankiisu waa Calan midabkiisu Dahabi Cagaar ku dhex jiro, Calaamadiisuna tahay Cadcadeed soo baxaysa, kaas oo ka tujumaya in la gaadhay xilligii dalkan ay hogaamin lahaayeen dad aqoontooda uga faa’iideeya dalkan iyo ummadan-ba inay u horseedaan Baqwaaqo iyo horumar ay ku gaadhaan”ayuu yidhi gudoomiyaha ururkan cusub C/raxmaan Axmed Shunuuf Sida uu gudoomiyaha ururkani sheegay calaamada ururkani waxa ay noqonaysaa Calan dahabi ah oo cagaar ku dhex jiro iyo calaamadiisa oo ah cadceed soo baxaysa, ayaa madasha furitaanka ururka lagaga dhawaaqay ay dhalinyaro farabadan iyo dadweyne badani ku sugaanaayeen ayaa shalay si rasmiya isku diiwaangaliyay. |