Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2865

January 04, 2012                                                                           Safar 10,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

W/Boosaha Iyo Isgaadhsiinta Looma Baahna Ayaan Odhan Lahaa Hadii La Heli Lahaa ICT Commission Shaqaynaya

Eng. Axmed Cali Ubaxle

Janauary 2, 2012 mar aan Akhriyay qaar ka mid ah wargeysyada ka soo baxa Magaalada Hargeysa waxay indhahaygu ku dhaceen Maqaal ka hadlayay hay’adaha madaxa banaan ee ay ka mid yahiin ICT-gu oo guddi wasiirra ahi ku tala bixiyeen in la baabi’yo ama la hoos geeyo wasaarado iyo wakaalado kale.

Inkasta oo aanan si rasmiya u ogayn kuwa ay yahiin guddigan wasiirada ahi iyo heerka aqoontooda xagga technologiga iyo communication-ka  haddana waxan la yaabay sida fikaraddani ku timi, maadama oo aanay hadda ama markii horeba jirin Hay’ad ICT hawlgal ah oo (effective) ah ama dalka wali laga maqlay siyaadda ay ku shaqayso, hogaankeeda  iyo wax qabad ay samaysay toonna, iyada oo xaqiiqadii ay hayaddani ahayd mid aad iyo aad loogu bahan yahay, isla markaana ay muhiim tahay inay ka madax banaanato dhamaan shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo Hay’adaha dawliga ahba, waayo waa  Commission ka ICT waa kan ay  tahay inay shuruucda iyo kala hagista u sameeyaan (regulate) dhamaan dhinacyada isgaadhsiinta siiba (telecommunication ka iyo Information Technologyga).

Inabadan oo hore ayaannu ka hadlay sidii loo heli lahaa sida caalamka kale cid kala hagta, kala xadaysa islamarkaana dabagal iyo korjoogtayn ku samaysa qaabka iyo nidaamka ay ku shaqeeyaan bahadan isgaadhsiintu, sida dunida kale in la helo cid gacanta ku haysa talefoon numberka (numberka Umadda), goysa qiimaha talefoonka islamarkaana soo dedejisa in la sameeyo lana mideeyo shirkadaha maxaliga ah si ay dadka shirkadaha kala duwani u wada hadli karaan.

Waxaan u arkaa inay dib u dhac iyo aqoon darro jirta tahay in laga waayo Somaliland ICT hawlgal ah (effective ICT commission) oo hanata jihaysana baahida loo qabo waa jibaadkii ICT ga.  Sida aynnu wada ognahay waxa wali jirta in ashax xumadii iyo shandhayn la’aantii isticmaalka internetku ka jiro dalka, halka maanta dalalkii aabaha u ahaa anshax xumada ay iyagii joojiyeen in si furan loo gali karo meelaha anshaxumada faafiya ee internetka laga helo.

Waxaynnu wada ogsoonahay ilaa iminka inaan labada shirkadood  ee u waawayn dalka xagga isgaadhsiinta (Barakaat iyo Somtel) aysan wada hadli karin, waxaynnu ognahay in taleefanka ama wada hadalka shirkadda gudaheeda aynnu airtime badan ka bixinno iyada oo sidaynnu wada ognahay ay istimcalayaan (network) isku mid ah. Waxaynnu ognahay in wasaaradda maaliyaddu ilaa hadda ahaynin qoraal rasmiya oo tusaale ahaan (Telesom) sheegaya tirada isticmaalayaasha shirkadda, haday noqoto Talefoon iyo hadday noqoto internet toonna, taasina ay markhaati u tahay badnaanta dakhliga dawladda soo gali lahaa si bulshada wax loogu qabto ee aan soo xaroon.

Ugu danbayntii helitaanka ICT Commission hawlgal ahi waxa uu inoo qaban lahaa dhamaan waxan aan soo sheegnay oo dhan, waa haddii uu noqdo Commission leh ujeedooyin sax ah, islamarkaana hawlgal ah, mana aha waqtigii iyo goortii aynnu maqli lahayn talo aan ahayn inannu u guntanno xildheeraad ahna iska saarno sidii loo dhisi lahaa Commission wax ku oola meeshana looga saari lahaa in lagu daro Wasaaradda Boosaha,  oo talo ahaan aan anigu odhan lahaa iyada nafteeda ayaan looba baahnayn haddii la heli lahaa commission shaqaynaya oo xilkiisa iyo waajibaadkiisa loo asteeyay.

Eng. Axmed Cali Ubaxle