Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2868

January 08, 2012                                                                           Safar 13,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

W/Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Oo 4 Abwaan Mushaharkii Ka Jaray Iyo Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Oo Ka Hadlay

Waxa Ka Mid Ah Abwaanada Mushaharka Loo Diiday Abwaan Boon Xirsi Iyo Basbaas

Hargeysa, January 7, 2012 (Haatuf) – Wasiirka Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dhaqanka Somaliland Cabdi Siciid Faahiye ayaa la sheegay inuu horjoogsaday Mushahar 4 Abwaan iyo 7 Shaqaale ah oo hore Wasaaradiisu hawlgab ugu qortay, isla markaana markii danbe ay ka maarmi waayeen, kuwaas oo ay ka mid yihiin Abwaano waawayn oo Somaliland si wayn looga yaqaano.

Abwaanadan ayaa waxa ka mid ah Jilaaga weyn ee Xuseen Xirsi Cabdi (Boon Xirsi), Ismaaciil Cabdi Ibraahin (Basbaas), Maxamed Jaamac Xirsi (Labasul) iyo Maxamed Cabdi Wabax iyo 7 qof oo shaqaale ka ahaa Wasaaradaasi, kuwaas oo la sheegay in Wasiirka Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dhaqanka Cabdi Siciid Faahiye uu u diiday Shaqaalahaasi inay mushaharkooda korodhsiimada ah ee ugu jiray Miisaaniyada Wasaaradaas ee 2012-ka inay qaataan, maadaama ay hore u ahaayeen hawlgab aan qaadan Mushaharka la kordhiyey.

Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay Wasaaradda Ciyaaraha oo lagu diidayo bixinta Mushaharka Shaqaalahan, balse xubno ka mid ah shaqaalaha Mushaharka loo diiday oo nagu soo booqday Xafiiska Wargeyska Haatuf ee Hargeysa ayaa noo xaqiijiyey jiritaanka warkaas.

Sidoo kale mar aanu khadka tilifoonka kula xidhiidhnay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Muxumed Aw Cabdi Ismaaciil, isla markaana wax ka waydiinay jiritaanka warkaas, waxa uu sheegay inay jiraan shaqaalahaas oo uu u soo gudbiyey inay Mushaharkooda wixii sanadka cusub ka danbeeya ka qaadanayaan Wasaaradda Ciyaaraha, isla markaana ay arintu xagooda ka soo dhamaatay, tilmaamayna inaanu waxba kala socon arintaas.

Muxumed Aw Cabdi waxa uu tibaaxay inay khalad tahay in shaqaalahaas Mushaharkooda la iska hortaago, isla markaana ay arintaas dabagal ku samayn doonaan. Ugu horayna isaga oo arintaas ka hadlaya, waxa uu yidhi “Guddi aan ka mid ahay oo 4 Wasiir ku jiraan ayaanu falanqaynay cida hawlgabka noqonaysa, waxaananu isla garanay in Abwaanada loo baahan yahay, wixii hawlgab lagu qorayna Musharkooda la raaciyo Miisaaniyada 2012-ka, kuwaas oo Hay’adda shaqaalaha ka qaadan jiray Mushaharkooda oo bilaa korodhsiimo ah, markaa ka dib waxaanu qornay warqad aanu leenahay Abwaanada iyo shaqaalahaas ay Wasaarada Ciyaaraha iyo Dhaqanku ka maarmi wayday waa in 2012-ka Mushaharkooda Wasaarada loogu wareejiyo, maadaama oo ay Abwaanadu wali hayaan shaqadoodii caadiga ahayd”.

Guddoomiyuhu isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Inkasta oo aanay Shaqaalahaas iyo Abwaanadaasi aanay aniga ii iman oo aanay wax cabasho ah ii soo gudbinin, markaa hadii ay run tahay in Wasiirku diiday musharkooda oo ay jirto waa khalad, markaa arintaasi anaga xagayagii way ka soo dhamaatay, arintaasna waanu ka daba tagi waxa ka jira”.

Dhinaca kale nuqul ka mid ah Warqadda Qoraalka ah ee hay’adda shaqaaluhu u dirtay Wasaarada Ciyaaraha iyo dhaqanka oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha hay’adaas Muxumed Aw Cabdi Ismaaciil oo Haatuf heshay, waxa ay u dhignayd iyada oo dhamaystiran:-

“Ku: Wasaaradda Dhalinyarada Ciyaaraha iyo Dhaqanka

Ujeedo: Soo Celin Shaqaale

Tixraac Warqada Summadeedu tahay WDH&DH/02-71/2011 ee ku taariikhaysan 03/07/2011, kuna saabsan soo celin shaqaale.

Guddida Hay’adda Shaqaalaha dawladda (Civil Sarvice Commision) waxa ay idiin ogolaatay inay idiin sii shaqeeyaan shaqaalaha hoos ku qoran oo ka mid ahaa shaqaalihii aad hawlgabka ku soo qorteen, hase ahaatee aad cadayseen inaad ka maarmi Karin. Magacyadda 11 shaqaale oo ay ku jiraan 4 abwaan iyo darajadda musharkooda oo  iskugu jiray A, B iyo C waxay kala yihiin:-

Magacyada Abwaanadda

1.     Xuseen Xirsi Cabdi (Boon Xirsi)

2.     Maxamed Cabdi Wabax

3.     Ismaaciil Cabdi Ibraahin (Basbaas)

4.     Maxamed Jaamac Xirsi (Labasul)

Magacyada shaqaalaha

1.     Axmed Maxamed Nuur

2.     C/qani Daahir Cali

3.     Cosob Saleebaan Xasan

4.     Xuseen Geele Rooble

5.     Ciise Cali Aareeye

6.     Maxamed C/laahi Guuleed

7.     Cismaan Ilyaas Cali

Sidaa daraadeed shaqaalahani waxa uu mushaharkooda hore ka qaadanayaa Hay’adda shaqaalaha dawladda inta laga gaadhayo 2012”.

Dhinaca kale mar aanu Xalay isku daynay inaanu Wasiirka Ciyaaraha Cabdi Siciid Faahiye wax ka waydiinayo warkaas sheegaya inuu horjoogsaday Mushaharka iyox xuquuqda shaqaalahaas ayaanay noo suurto galin, isla markaana uu xidhnaa Tilifoonkiisu.