Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2869 |
January 09, 2012 Safar 14,1432H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Qabyaalada Oo Khatar Ku Ah Qaranimada Iyo Dimqraadiyada Somaliland Saeed A. Dualeh Waxaan halkan qalinka u qaatay inaan ka hadlo Qabyaalada iyo sida ay khatar ugu tahay qaranimada iyo dimqraadiyada somaliland. Marka hore bal aynu fahano waxa ay kale yihiin qabyaalada iyo qabiilku? Qabiilka ayaa ah isu taga dad xigto wadaaga sida dhiig, isir, dhul, degaan, dhaqan iyo diin oo meel ku wada nool, waana abtirsiimo lagaga garto dadka intiisa kale sida Allah (scw), inoogu sheegay Quraankiisa ( Waxaanu idinka yeelnay shucuub iyo qabaai'l si aad midkiinba ka kale ugu garto). Qabyaalada ayaa ah dareen ficiltan oo baniaadanka ku abuuran oo ah midi laba af leh, mid togan iyo mid taban labadba, oo haddii dhinaca wanaagsan loo isticmeelo wanaag horseedi karta, waa marka bulsho meel degani ay u horseedo inay aayaheeda ku horumariso sida inay sameystaan xeerar, dhaqano iyo hanaan maaliyadeed oo ay ummadooda ku dhaqaan, haddii si khaldan loo isticmaalna halaag iyo baaba aan loo kala hadhin bulsho geysiin karta. Qabyaalada oo qaab taban loo isticmaalo waxay bulshada ka tuurta indhaha waxayna dhaxalsiisa Mugdi , Jaahilnimo, Caadalad daro, Dulmi iyo Mawqif la'aan, waxayna aakhirka horseeda Naceyb, Dagaal, Burbur dhaqaale iyo mid Maskaxeed intaba. Haddba, tan iyo intii ay Somaliland lagaga dhawaaqay habka axsaabta badan oo hadda in ku dhow tobon sano ka soo wareegtay ayaa la filayay in ay wiiqanto qabyaaladu oo dadka loo siiyo fursad inay doortaan axsaab kuwaas oo bulshada ka iibiya afkaar saliim ah oo ka madhan caadifad qabyaaladysan oo ku dhisan horumar iyo wanaag, laakiin nasiib daro arrinkaas waxa laga la kulmay guul daro weyn. Akhristow, Axsaabta somaliland ka jirtay Muddo ku dhow Tobon sano waa KULMIYE, UCID IYO UDUBE ayaa ahaa kuwo gebi ahaantoodba ku dhisan nidaam qabali ah oo ah is xulifaysi ay markasta ku kacayeen hogaamiyayaashoodu, sidoo kale, wax dimqraadiyad dhab ah oo guddaha axsaabtaas ka jirtay ayaan gebi ahaanba jirin, taas oo horseeday inuu noqdo xisbi kasta mid ay taladiisa iyo go'aamadiisu ay hagaan oo keliya koox yar oo kolba danta ay leeyihin ku fushada xisbiga, taas oo maanta aynu aragno aakhirkii in ay keentay in ay burburaan laba ka mid ah axsaabtaasi waa UCID IYO UDUB, halka xisbiga kulmiye na la dhawrayo marka uu qabsdo shirweynihiisa inkasta oo isaga markii hore ba sida hagbada la isugu wareejiyey, halkaas oo aad ka garanto dhiilka ku dhisan qabyaalada ee ka jirtay markii hore ba xisbiga gudihiisa. Guntii iyo Gebogabadii, waxa aniga ii muuqda khatar weyn Allah ha inaga hayee, haddii aan hanaanka siyaasada axsaabta hagaysa wax weyn laga qaban, waa in Xukuumad iyo shacaba laga wada qeyb galo in la saxo waxyaabaha inaga khaladan oo bulshadu ay hagto iyadu siyaasadeed, dhaqaalaheed intaba sida ay hadda shucuubta horumartay u nooshahay oo aynu ka fogaano nin siyaasi ah oo dani kugu jirin cidu doono ha noqdee oo aynu ku qiimeyno qofka waxa uu inoo qabanayo waayo waxa kuligeen dani inoogu jirta cusbitaalka guud, dugsiga caruurtadu dhiganayso iyo laamiga aad marayso oo lagu hagaajiyo, laakiin ku dooro qabyaaladi ku wadi mayso cid ay cawraysna waa adiga iyo ehelkaa oo keliya. Allah Mahad leh Saeed A. Dualeh |