Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2880 |
January 22, 2012 Safar 28,1432H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
“Waxaanu Doonaynay In Taleex Laga Soo Saaro Talo Ciidamada S/Land Ee Afarta Sano Iyo Dheeraadka Haysta Laascaanood Lagaga Xoreeyo, Laakiin Koox Ayaa Ku Soo Duushay” C/Samad Cali Shire, Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Hargeysa, January 22, 2012 (Haatuf) - Madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka Puntland C/samad Cali Shire ayaa cambaareeyay maamul goboleedka Khaatumo ee lagaga dhawaaqay shirkii ka socday degmada Taleex ee gobolka Sool, sheegayna in shirkaasi oo ujeedada laga lahaa ay ahayd sidii beesha Dhulbahante loo midayn lahaa, isla markaana ciidamada qaranka Somaliland eek u sugan deegaanada gobolka Sool looga xorayn lahaa ay ku soo duuleen koox siyaasiyiin ah oo shirkaasi majaro habaabiyey, waxaanu intaa ku daray in maamulka Puntland aanu aqoonsanayn go’aanada ka soo abxay shirkaasi Taleex. C/samad Cali Shire waxa uu sidaasi ka sheegay xaflad lagu xusayay maalinta saxaafada Somalia, oo lagu qabtay shalay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.C/samad Cali Shire oo isagu kasoo jeeda deegaanada Taleex ee shirkaasi lagu qabtay, ayaa khudbadii uu ka jeediyay madashaasi oo uu kaga hadlay, waxa uu yidhi “Shirkaasi Taleex lagu qabtay oo ay abaabulkiisa lahaayeen Madaxdhaqameedyada beesha Dhulbahante oo ujeedada laga lahaa ay ahaayeen in natiijo wanaagsani ay ka soo baxdo, oo beesha Dhulbahante lagu mideeyo, kadibna Ciidamada qaranka Somaliland ee muddada afarta sano iyo dheeraadka haystay Laascaanood laga xoreeyo, nasiib daro koox siyaasiyiin ah oo shirkaasi kusoo duulay ayaa natiijooyinkii laga lahaa marin habaabiyey, waxyaalaha ka soo baxayna maaha waxyaalo lagu qanci karo, ciidamada qaranka Somaliland waxaan ugu baaqaynaa inay ka baxaan deegaanada gobolka Sool”. |