Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2880 |
January 22, 2012 Safar 28,1432H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Didier Drogba Oo Sheegay In Aanu Chelsea Ka Tageyn Ilaa Bisha June Weeraryahanka kooxda Chelsea Didier Drogba ayaa xaqiijiyay in uu ku negaan doono Stamford Bridge ilaa bisha June ee sannadkan. Drogba, oo 98 gool u dhaliyay Chelsea 217 kulan oo uu u saftay ayaa si xoogan wayn loola xidhiidhinayay inuu u wareegayo kooxda reer China ee Shanghai Shenhua. Lakiin 33 jirkan ayaa xaqiijiyay in aanu ka tageynin kooxda lagu naanayso Blues ee Chelsea bishan January inta uu furan yahay suuqa kala iibisga ciyaartoyda. Drogba ayaa sheegay inuu doonayo inuu kusii raaxaysto garoonka Stamford Bridge oo aanu weli ka daalin, lakiin mar la weydiiyay in ay taasi la micno tahay in uu ka tagayo Chelsea waxana uu ku jawaabay: “ilaa June ayana joogaya” Iyada oo uu ciyaaryahanka reer Ivory Coast qandaraaskiisa uu dhacayo bisha June waxa uu u furan yahay inuu la hadlo kooxo kale. Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay u soo bandhigeyso 12 bilood oo ay heshiiska ugu kordhineyso, lakiin kooxda China ayaa diyaar la ah heshiis seddex sanno oo uu ku qaadanayo mushahar ka badan kan Chelsea. Dhinaca kale agaasimaha kooxda LA Galaxy Tim Leiweke ayaa qirtay in uu jeclaan lahaa in uu ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea Frank Lampard keeno Los Angeles. “Taageero ayaan u ahay Frank Lampard. Waxan qabaa in uu yahay ciyaaryahan weyn, marka ay Chelsea igu soo dhacdo waxa markiiba maskaxdeyda ku soo dhaca Lampard” ayuu yidhi Leiweke. “Labo sano ayay nagu qaaday markii hore in aan Beckham halkaan keeno. Waxan haatan ka shaqeyneynaa ciyaaryahanka xiga ee Europe nooga imanaya” |