Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2881 |
January 23, 2012 Safar 29,1432H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Furayaasha Horumarka Buugan oo uu qoray qoraaga da’da yar ee Aadam Maxamuud Maxamed (Adam widhiidh) waa buug xambaarsan waayaha kala duwan ee nolosha, Waxana uu qoraagu buugan ugu magacdaray furayaasha horumarka,Q.14AAD ………………………………….. maxamed naasiradiin (al-albaani): albaani waa caalim reer yurub ah shaam ku dhashay 1914kii miilaadiga oo waafaqsan 1332 hijriyada sheekhu markuu koray wuxuu ka shaqeeyey nijaarnimo iyo cilmul xadith-ka dabadeedna wuu isku wadi kari waayey kadib wuxuu bilaabay inuu ka shaqeeyo saacadaa ilaa uu caan ku noqday saacada oo dadkii oo dhami ay barteen wuxuu ahaa caalim aad iyo aad u dadaal badan waqtiyadii danbe marktabada wuxuu ku jiri jiray 18 saacadood, sheekhu wuxuu ahaa mid aad u xifdi badan oo aan hore wax u ilaabin waxa ka hayn jiray indhaha xanuun fudud kadib wuxuu sheekhu utagey doctor kaasoo kula taliyey in aanuu lix bilood waxna akhriyin taas oo uu sheekhu u hogaansamay markii hore laakiin markii ay qisadii layaabka lahayd ee caanka ku noqotay sheekha taariikhdiisa wuu u hoggaansami waayey dhakhtarkii dhacdadaas oo loo bixiyey waraaqdii lunta, taas oo uu aad u baadhey marktabadii markii loo sheegay in ay waraaqdaasu maqantahay wuu ka baadhay kutubtii(jawaamicda) oo uu ka eegay 152majaladood, taasoo ilaahay sheekha u furay aqoon aad u fara badan oo uu ogaaday kitaabo fara badan oo maktabada yaala, waxuuna shaki ku jirin inuu yahay ninkii diinta boodhka ka tumay, culimada xadith-ka ee xilligan danbena uu calan ka u sido, waxa uu u dhintay dhiig la,aan ku dhacday daraadeed, wuxuunadardaarmay in aan loo barooranin, ilaahayna danbi dhaaf loo weydiiyo uuna maydho abuu c/laahi cizar khadar oo ay saaxiib ahaayeen in maydkiisana lala dhakhsado, dabadeed maydka salaadii lagu tukaday waxaa tukiyey ardaygiisii maxamed ibnu ibraahim shuqra wuxuu geeriyooday 5/8/1999 oo waafaqsan 23/4/1420. alla ha u raxmado… culimadii muslimiinta waa kuwaa waao ku dayashadooda wax uun baad ka faa,idaysaa, qof kuna hiigsi la,aan ma socon karo, waxay ahaayeen rag aan waqtigooda dayicin waxay ahaayeen rag fahmay in ay diinteenu tahay midku tuseysa shay wal oo jira , xadaarad iyo horumar kaste waa diin heshiisyada iyo balanta ina fartay ilaalinteeda, waa diin akhlaaqeed. Haddaba walaal ogow taariikhda dadkaaga waayo taariikhdu waa fanni aad iyo aad u muhiima ku baraya siyaasada, waxa wanaagsan, waxa xun, iyo waxa lagu burburayo ba. Waa toosh aad sidato oo aad isaga ilaalinaysid meelaha qorfaha ah iyo khiyaamooyin ka cadowyada, dhibaatada haysata maanta arday iyo macallin, ganacsade, siyaasi iyo cid wal oo muslmka ka mida waa in aanay akhriyin taariikhdii dadkoodii hore waa in aanay u fiirsan hogaamiyayaashoodii caanka ahaa hadduu ahaan lahaa saddaam xuseyn iyo inamadiisii kuwo akhriya taariikhda muqiira ibnu shucba, ribciyi ibnu caamir, salaaxa diin Al ayuub, ibnu taymiya , sayfudiis qudus, daahir biyebras Lawguma tageen guri hoostii lama khiyaameeyeen waayo taariikhdu waa ay isa soo celcelisaa,hadday culimada joogtaa iyo dawladaha muslimka ahi ee maanta jooga ay iska kaashan lahaayeen cadowga alle jabintiisa waxa hubaal ah in aynu u jabin lahayn sidii ay u jabiyeen sheikhul islaam ibnu taymiyah, alciz ibnu cabdil salaam iyo sayfudiin quds iyo daahir biyabras. Markaay iskaashadeen waxay kaga takhalluseen tattaarkii. ((ku noolow saamaxaad,ku noolow sabir, ku noolow ixtiraam, oo qadari qiimaha nolosha))
Lasco……….. |