|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2884 |
January 26, 2012 Rabi'al-Awal 03,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Wefti Uu Hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Oo Kulamo La Yeeshay Waxgaradka Degmada Xiingalool Hargeysa, January 26, 2012 (Haatuf) - Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami iyo wefti uu Hoggaaminayay oo maalhaman u dambeeyey safarka shaqo ku joogay gobolka Sanaag ayaa shalay socdaal ku tagay degmada Xiin-galool ee Bariga Sanaag, isla markaana dhagax dhigay dhismaha Saldhig Booliis oo laga dhisayo Xiingalool iyo Sariibad cusub oo iyana laga hirgelinayo Tuuladda Damala-xagare oo hoos timaada degmadaasi, mashaariicdaasi oo ay maalgelinayso xukuumada Somaliland. Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhiga iyo weftigiisu waxay shalay kulan balaadhan kula yeesheen degmada Xiin-galool cuqaasha iyo waxgaradka deegaankaasi, kuwaasi oo ay ka wada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa baahiyaha adeegyada bulshada ee ka jira degmadaasi iyo sidii loo xoojin lahaa amaanka. Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa cuqaasha iyo waxgaradka deegaankaasi ku booriyay inay awooda saaraan ilaalinta nabadgelyada, waxaanu tilmaamay in horumarka ay u baahan yihiin lagu gaadhi karo nabad-gelyo. Wasiirku waxa uu u balan qaaday waxgaradka deegaanka inuu baahiyahooda kala duwan u gudbin doono xukuumada Somaliland. Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Maayarka degmada Xiin-galool Maxamuud Xasan Maxamed, waxaanu uga waramay xaalada nabadgelyo eec deegaankaasi waxaanu sheegay in ay deegaankaasi u baahan yahay horumarin weyn oo dhinacyada kor u qaadista goobaha Caafimaadka, Waxbarashada, Sariibadaha iyo Rugaha Booliska oo uu tilmaamay inay gabaabsi ku yihiin degmada. Maayarku wuxuu weftigan uga mahad celiyay socdaalkooda waxaanu tilmaamay inay indhahooda ku arkaan xaalada Xiingalool. Waxa kale oo halkaasi ka hadlay cuqaal iyo waxgaradka deegaanka oo xukuumada uga mahad celiyay Sariibada iyo Saldhiga laga kala dhisayo Xiingalool iyo damala-xagare. Weftigan waxa xubno ka ah Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada oo ka soo jeeda deegaankaasi iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumada Somaliland.
|