Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2885 |
January 27, 2012 Rabi'al-Awal 04,1432H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Maayarka Degmadda Sallaxley Oo Ka Warbixiyey Waxyaabaha UQabsoomay Iyo Waxa Ay Rajaynayaan Inay Qabtaan Salaxlay, January 27, 2012 (Haatuf) – Maayarka degmadda Sallaxley ee gobolka Maroodi Jeex Ismaaciil Yuusuf Xuseen ayaa shalay soo bandhigay waxqabad sanadeedkiisiim, kaas oo tafaasiil ka bixiyey carqalado ku gadaaman hawlmaalmeedkooda, isla markaana daboolka ka qaaday waxyaabo badan oo u qabsoomay. Md Ismaaciil Yuusuf waxa uu sheegay in deegaanka degmadda Sallaxley uu yahay mid aad u balaadhan, isla markaana aanay ku filnayn ciidanka bilayska eek u sugan Magaaladaas, kaas oo sidoo kale soo qaaday baahiyo dhinaca adeegyada caafimaadka ah oo haysta degmadaas. Maayarka degmadda Sallaxley Ismaaciil Yuusuf Xuseen ayaa waxa uu halkaas ku soo bandhigay waxyaabo badan oo ay maamu ahaan guul ka gaadheen iyo waxyaabo ka dhiman oo uu tilmaamay inay u qorshaysan tahay inay wax ka qabtaan wakhti dhaw. Maayarka degmada Sallaxley waxa uu sidaa ku sheegay mar uu shalay warbaahinta kula hadlayey xafiiskiisa Magaaladda Sallaxley, kaas oo sidoo kale soo qaado Ceel Riig ah oo degmadda biyo loogu soo saarayo. Dhinaca kale Ismaaciil Yuusuf Xuseen waxa uu mahadnaq balaadhan u soo jeediyey Ururka Gaaroodi Garabakiisa Haweenka oo Wada Dhismaha Cusbitaalka Sallaxley. Si kastaba ha ahaatee waxa uu ugu danbayn Guddoomiyaha Golaha deegaanka Sallaxley la dardaarmay guud ahaan bulshadda deegaankaas gudo iyo dibadba, kaas oo ugu baaqay inay ka wada qaybqaataan horumarka deegaankooda iyo guud ahaanba ka Somaliland.
|