Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2887

January 30, 2012                                                                Rabi'al-Awal 07,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Muj Cali Guray Oo Sheegay In Somaliland Fursad Weyni Ugu Jirto Ka Qaybgalka Shirka London, Gacan Ku Dhiigle Moorgan-na Ku Tilmaamay Fulay Dhagar Qabe Ah

“Ninka Nabada Geesi Ku Ah Ayaa Dagaalkana Geesi Ku Ah, Moorgan Cida Uu U Hiiliyana Waxba Tari Maayo Cida Uu Ka Hiiliyona Waxba Yeeli Maayo Waayo Waa Fule 1988-Kii Markii SNM Soo Gashay 20,000 Ciidan Ah Ayuu Xukumayey Waana Ninkii Airport-Ka Isku Qaaday Ee Naanaysta Kula Baxay” 

Hargeysa, January 30, 2012 (Haatuf) – Afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee UDUB Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa ka hadlay shirka kooxaha Somalia uga furmaya magaalada London bisha February ee socota, kaas oo sheegay in Somaliland ay fursad weyni ugu jirto ka qaybgalka shirkaasi, ayaa sidoo kale eedayn culus dusha u saaray Gacan ku dhiigle Maxamed Siciid Moorgan, kaas oo uu ku sifeeyey dhagarqabe aan hadalkiisu wax micno ah u samaynayn shacbiga Somaliland.

Mujaahid Cali Guray waxa uu sidaas ku sheegay waraysi khaas ah oo uu xalay Wargeyska Haatuf khadka telefoonka ku siiyey, isla markaana kaga hadlay arimo door ah oo ay ka mid tahay dagaalada ka socda Magaalada Buuhoodle iyo ujeedada shirkii Taleex ay ka lahaayeen Cali Khaliif Galaydh iyo koox uu ku tilmaamay qurbo joog.

Afhayeenka UDUB carabka ku dhuftay khilaafkii dhawaan soo kala dhexgalay musuuliyiinta xisbigaasi UDUB, isagoo Wasiiradii Rayaale ku eedeeyey inay qodobo ay hore ugu xidheen Musharaxa xisbiga UDUB inay markii danbe ka masuugeen, balse uu isagu markii hore-ba ka soo horjeeday in Musharaxa xisbigooda wakhtigan la doorto.

Ugu horayna isaga oo ka jawaabay hadal ka soo yeedhay Taliyihii qaybta 26-aad ee dawladdii Macangaga ahayd ee Siyaad Barre waxa uu yidhi “Ninka nabada geesi ku ah ayaa dagaalkana geesi ku ah, Moorgan Cida uu u hiiliyana waxba tari maayo cida uu ka hiiliyona waxba yeeli maayo waayo waa Fule. 1988-kii markii SNM soo gashay 20,000 ciidan ah ayuu xukumayey oo taliyaha qaybta 26-aad ayuu ahaa waana ninkii isaga oo halkii uu dadka ku xidhxidhi jiray ku dhuumanaya loogu tagay subaxiina buurtaa Ina Naxar inta uu isku qaaday airport-ka naf xaraaradii tagay ee baxsaday ee Naanaysta kula baxay arintaas”.

Cali Guray oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Moorgan wakhti hore waxa uu ahaan jiray Booligaadh inkasta oo uu saraakiishii Ruushka ka yimid uu ka mid ahaa, hadana col uu hogaamiyey oo dagaal galay oo guulaysta waligii lama arag. Dagaalka uu imika ku baaqayaana waa mid aanu waxba ka taraynin, sarkaal milatari lama odhan karo runtii lamuu mid ahayn saraakiishii waawaynayd ee halgankii sida wayn uga soo qaybqaatay oo lamuu mid ahayn Cabdi Casiis Cali Barre, markuu Hargeysa joogay gurigiisu waxa uu ahaa Night Club habeenka Jimcaha lagu tunto, waxa kaliya ee uu ahaa nin ismaldhakhiye ah oo isdaawada uun, laakiin marka ay runtu timaado nin wax tari kara maaha. Inkasta oo aanu ahayn nin u qalma in loo jawaabo hadana, waxaan leeyahay dabkaas uu shidayaa hada isku dirkaa uu la soo banbaxay waa mid aanu isagu ku gubanayn. Moorgan isaga oo Kismaayo jooga oo kooxyar oo uu Qabyaalad meel ugu ururiyey u qudbadaynaya oo gadhkan Yuhuudiga ah ee uu leeyahay mid la mid ah leh Media-ha waynu ku aragnay isaga oo dadkaas colaad ku abaabulaya oo leh Tolaa’iyeey, imikana waxa uu doonayaa innuu dab kala dhexdhigo Somaliland, xiligan maamul hoosaadada badan la samaystay isagu waxa uu u arkayaa in Calankan buluuga ah ee ay wataan qoladan qurbo jooga u badan ee Somaliland dhexdeeda doonaya inay maamulka ka samaystaan, waxaanu doonayaa in arinku uu inta uu maanta marayo uu ka balaadho. Arintu imika waa khilaaf inaga dhexdeena ah oo beel ka mid ah beelaha reer Somaliland, runtii taasina hore ayey inoo soo martay inaguna Insha Allaah waynu xalin oo wuu iska dhamaan doonaa khilaafkaas yari, markaa ninkan Moorgan la leeyahayna waxa uu doonayaa inuu wax kale ku sifeeyo oo uu dadka saar qabiil iyo munaafaqad la soo dhexgalo”.

Afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee UDUB Muj. Cali Guray mar uu ka hadlayey shirka Taleex iyo ujeedadii laga lahaa, waxa uu yidhi

“Shirkii Taleex ka dhacay horta ujeedadii ay ka lahaayeen qolada qurbo jooga ah ee uu Cali Khaliif Galaydh wataa kamay gaadhin oo intan shiraysaa waxay ahayd in aad u kooban oo 300 qof badhna ay qurbaha ka yimaadeen badhna ay yihiin intii ay masaariifta u soo diri jireen, isla markaana dadka kale rayigooda lama ogolayn xataa sida muuqata beesha Dhulbahante laftigeedu waa beel leh Somaliland oo jecelna inay nabad kula noolaato beelaha kale ee la daga dalka, xalkaasina waa mid u baahan in si wada jir ah loo raadiyo”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata kana hadlaya Cali Khaliif Galaydh iyo danta uu ka lahaa shirkii Taleex, waxa uu yidhi “Cali Khaliif Galaydh-na waxa uu is lahaa shirka London ayaad ku fadhiisan doontaa maamul goboleedkaas uu sheegtay, taasina inaanay suurta galaynin waa la ogyahay. Markaa anigu waxaan taageersanahay xaga nabada oo waxaan jeclahay waliba in la isku dulqaato oo wax walba wada hadal lagu dhameeyo, taas ayaanan mar walba taageerayaa. Hadalkii uu warbaahinta mariyeyna maaha mid macno badan samaynaya oo Cali Khaliif waa nin siyaasi ah oo guur-guurid badan siyaasaduna maaha sida uu moodayo oo siyaasi kuma sheegi karnaba maadaama oo uu colaad ku baaqayo, halkan uu leeyahay ha lagu dagaalamo-na waa halkii uu u dhashay ee uu dadkiisu ku noolaa. Waxa loo baahan yahay dhamaanteena inala gudboon in siyaasadahan bariga dib loo qiimeeyo oo dib wax badan looga badalo oo fiiro intii hore ka badan loo yeesho, isla markaana colaad iyo nabad labada-ba loo diyaargaroobo.  Cali Khaliif Ethiopia-na wuu soo maraa, isla markaana Ethiopia-na cida ku macaaridka ah ee halkan jooga Hargeysa ayaa laga dhexqabtaa oo loo dhiibaa, waxaan fahmi kari laayahay waxa weeyi in iyada oo Madaxwaynaheenii uu Cali Khaliif dambiile ku sheegay, waxa uu imikana uu Jigjiga u joogo ee ay iyagu u galbinayaan ee ay u taageerayaan runtii taas ayaan fahmi kari laayahay”.

Cali Guray mar uu ka hadlayey Maamulka Puntland, waxa uu yidhi “Maamulka Garoowe abaabul dagaal iyo colaad-ba inay inagu soo  afuufaan waa mid looga fadhiyo waayo qoladaa Majeerteen waxa ay rabaa in beesha Dhulbahante u soo baahato oo ay soo ceshadaan Puntand-tii uu Dhulbahantuhu ka mid ahaa oo imika dhamaan beesha Dhulbahante way ka soo go’een maamulka Puntland, hadii ay ka soo go’eena waxay u soo noqdeen dalkoodii iyo dadkoodii reer Somaliland oo run ahaantii uu ka dhaxeeyo xidhiidh qoto dheer oo soo jireen ahi. Arinta ay reer Puntland ka dagaalamayaan ee waxan oo xaasidnimo ah ugu wacani waxa weeyi marka uu Dhulbahante ka tashado waxa meesha ku soo hadhaya reer yar oo Marjeerteen la yidhaahdo oo kaliya, markaa waa taas ta ay ka dagaalamayaan”.

Mujaahid Cali Guray mar wax laga waydiiyey shirka kooxaha Soomaalida uga

Cali Guray mar wax laga waydiiyey halka uu ka taagan yahay Shirka London ee Somaliland lagu casuumay, balse shakiga badan laga muujiyey, waxa uu yidhi  “Anigu waan taageersanahay marka horena waan taageersanaa shirka uu Ingiriisku ku baaqay, waana wax wanaagsan hadii magaca Somaliland la inagu casuumay oo aynu shirkaa kaga qaybgalayno, sababtu waxa weeyi in dadaaladii la sameynayey 20-ka sanadood ee xalka loogu raadinayey Somalia ay qireen inay wada fashilmeen, markaa Somaliland waxa ay indhaha ka lalin jireen oo aynu odhan jirnay Somaliland waa loo baahan yahay oo bulshada caalamka ayaa u baahan. Hadalkii uu ku hadaaqayey Ra’isal Wasaaraha Somalia-na waa beentii oo kooxaha ka qaybgalayaa waxay sitaan calamkii Somalia ee buluuga ahaa, kaas oo ah calanka Somalia, markaa Puntland, Galmudug, TFG iyo Ehlu-suna Waljameeca intaasi-ba waxay sitaan calankaas buluuga ah, halkaasna waxa ka muuqata inaanay dawladda TFG-gu aanay matali karaynin intii xataa Somalia la isku odhan jiray, markaa hadii aanay jirin Somaliland kala qaybsan oo saddex calan kala sidataa ma ma jirto. Ajandaha lagaga hadlayo shirka London waxyaabo badan oo Somaliland khuseeya ayaa ku jira oo ay mid yihiin xaga Kaalmada, Budhcad-badeeda iyo Argagixisada waa waxyaabo ina taabanaya oo mandaqada ka mid ayeynu nahay. Qodobka tooska ahi waxa weeyi waxa dhamaanaya mudadii dawladdaTFG-ga loo xilsaaray inay maamulaan halkaas oo waxa ay kaga eegtahay bisha August ee sanadkan, markaa hadii ay bulshada caalamku rabto inay dhibaatooyinkaas xalkooda ay Somaliland kala qaybgasho oo waayo aragnimada aynu arimahaas u leenahay wax la inaga waydiiyo ama runta la isku sheego oo la yidhaahdo dhibaatooyinkaas Somaliland wax wayn ayey ka tari lahayd hadii la aqoonsado, markaa maadaama oo aynu dan leenahay waa inay aad u danaynaa meelkasta oo ay imanayaan cid wax inoo ogol, markaa inaynu inaga iyo Soomaaliya noqono laba dal oo jaar ah oo is kaalmeeya, waxay noqonaysaa kaalin wixii hore oo dhan ka firfircoon”.

Afhayeenka UDUB mar uu ka hadlayey khilaafkii kala irdheeyey xisbigooda halka uu salka ku hayey, waxa uu yidhi “Khilaafkaas UDUB sidii aanan markii hore ugaga muuqan Media-ha ayaan hadana jecelahay inaanan ugaga muuqan, khilaafkanina waxa uu ka dhexbilaabmay kooxo gudida fulinta ah, labadoodu-na way isla ogolaayeen in Musharaxa la soo qadimo, aniguna waxaan ka mid ahaa ragii diidanaa Musharaxa imika ha la soo qadimo, markaa anigu waxaan gaar noqday markii labadoodaas dhinac ay isla qaateen in Musharaxa la soo qadimo oo lacag badan uu shubo cidii Musharaxa xisbiga danaynaysaa, arintaasina mid ay isla ogolaayeen ayey ahayd laakiin natiijadeedii kamay wada farxinin labadii dhinac. Mida kale anigu uma arko Jamaac Cali Xuseen uu khaldan yahay oo intuu qandaraaskii bixiyey ayuun buu dadkii tartamayey ka mid noqday, lacagta badan ee Musharaxa lagu xidhayna waxa dabada ka riixayey waxay ahaayeen Wasiiradii xukuumadii hore, khilaafka jirana hadii laga wada hadlo waa wax si dhakhso ah loo dhamaynkaro, laakiin hadii uu Cali Warancade damac ku jiro waxay ahayd in shuruudii uu sameeyey uu u maro Musharaxa xisbiga”.