Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2891 |
February 03, 2012 Rabi'al-Awal 11,1432H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Taliyaha Ciidamada Qaranka Oo Ka Warbixiyay Asbaabaha Baajiyay Munaasibadii Ciidanka Iyo Dagaalkii Buuhoode Hargeysa, February 3, 2012 (Haatuf)-Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Gen,Maxamed Xasan C/llaahi (Jidhif) ayaa ka hadlay asbaahaha loo qaban waayay xafladii loogu dabaal-degi lahaa Sanad guurada 19-aad ee ka soo wareegtay aasaskii Ciidanka Qaranka oo ku beegayd shalay 2 February Taliyaha ciidanka Qaranka Gen. Jidhif oo shalay warbaahinta ugu waramay Xarunta Miiska Saraakiisha ayaa dhamaan ciidan-weynaha qaranka ugu horayn hambalyo u uga diray Ciidamada Qaranka iyo qoysaskoodaba iyo Guud ahaan shacbiga Somaliland oo uu u rajeeyay inay sanadkan kiisa kale ku gaadhaan bash-bash iyo barwaaqo. Taliyuhu waxa uu iftiimiyay sababta ay u baaqatay xuskii loo samayn jiray munaasibadan, taas oo uu ku tilmaamay in Xeer Milateri jidaynayo in taliyaha ciidanka qaranku haddii aanay muddada xil hayntiisu gaadhin Lix bilood ka warami Karin ciidanka qaranka, waxaanu xusay inay jiraan fadhiisimo badan oo aanu soo marin muddadii koobnayd ee uu xilka taliye-nimo ee ciidanka qaranka hayay.waxa uu balan-qaaday in sannadka soo socda ay weynayn doonaan munaasibada aasaaska ciidanka qaranka, waxaanu yidhi “Maadaama maanta oo ay ku beegnayd sanadguuradii 19 aad ee kasoo wareegtay aasaaskii ciidanka qaranka waxaan hambalyo iyo bogaadin uga dirayaa dhamaan ciidamada qaranka Somaliland iyga iyo xaaskoodaba iyo shacbi weynaha reer Somaliland in sanadkaa sanadkiisa ay ku gaadhaan cimri dherer iyo badhbadh iyo barwaaqo, shacbi waynaha Somalilandna waxaan u dirayaa taas tu la mid ah gobollada dalka oo dhan haday Sool, Buuhoodle, Togdheer, Sanaag, Saaxil, Maroodi jeex, Awdal iyo Salal Taliyuhu mar uu ka hadlayay dagaaladii ka dhacay dhawaan deegaanka Buuhoodle ee dhex maray cutub ka midah ciidanka iyo maleeshiyo beeleed ka soo jeeda deegaankaasi oo somalialnd diid, ah waxa uu sheegay in shaqaaqadii dagaal ee ka dhacday Buuhoodle uu sababay dagaal Ooge ka yimi dhinaca degmada Taleex oo halkaasi yimi, isla markaana ummada deegaankaasi ugu baaqay dagaal uu ku doonayo in qalalaase iyo xasilooni daro uu ka abuuro deegaan nabdoon, waxaanu yidhi “waxaan ka hadlayaa shaqaaqadii ka dhacday Buuhoodle anigu siyaasad gali maayo oo runtu sida ay ahayd ayaan idiin sheegayaa, shaqaaqadu waxay bilaabantay khamiistan khamiisteedii, sidaa la socotaan waxa magaaladaasi tagay ninfidmo wade ah oo dalka maalmahanba kula wareegayay, Taleex buu yimid ninkaasi, ummada reer Somaliland ee halkaas ku sugan waxa uu ugu baaqayay oo wax xorayn la yidhaahdo oo aan jirin ayuu faafinayay, caafimaadka umada wax umuu qaban, tacliinta, ishooda kale umuu sidin, isagu dibadaha ayuu ku nmool yahay, caruurtiisu jaamacadaha ayay ku jiraan markaa dadka taas oo dhami ka maqan yihiin oo dawlada, Ciidamada Somaliland dadaal ugu jirtay , ciidamadu dadaalka ugu jireen ayuu isku dayay inuu ummada kiciyo oo aan suuto gal ahayn inuu ugu baaqo” Taliyaha ciidanka Qaranku waxa uu farta ku fiqay in Dawladda Somaaliland ay ku hawlanayd horumarinta degaamadaasi iyo sidii adeegyada bulshada iyo baahiyahooda aasaasiga ah wax looga qaban lahaa, Gen. Jidhif wuxuu u soo jeediyay bulshada deegaanada Buuhoodle iyo Sool ay caqligooda kaashadaan oo ay meel iska dhigaan fikirka khaldan ee dagaal Oogaha lagu soo dhex tuuray ku marin habaabinayo. Taliyaha Ciidamada Qaranku waxa uu gabo gabadii cadeeyay in ciidanka qaranku ay ku sugan yihiin fadhiisimadoodii jiidaha kala duwan ee gobolada bariga Somaliland isla markaana aanay jirin awood dib uga soo riixi karta goobaha ay ku sugan yihiin. |