Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2902

February 16, 2012                                                              Rabi'al-Awal 24f,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Daafaha Dunida: Wax Kabaro Dalka Jamhuuriyada  Marshall Islands

Dalka jamhuuriyada Jasiiradaha Marshal Islands (Republic of the Marshall Islands). Dalka Marshall Islands waxa uu  kamid yahay wadamada ku yaal  waqooyiga Australia ee lagu magaaco Oceana. Caasimada Jasiiradaha Marshal Islands waxa layidhaa Majuro.

Bedka: Bedka uu ku fadhiyo dalka Jasiiradaha Marshal Islands waxa lagu qiyaasaa 70.00, oo (mayl laba jibaaran) una dhiganta  181.30,oo (kiiloo mitir laba jibaaran). Jasiiradaha Marshal Islands waxa lagu qiyaasaa in ay u dhigmaan baaxada ay ku  fadhido caasimada dalka Maraykanka ee  (Washington, DC).

Dadka: Daka ku dhaqan Jasiiradaha Marshal Islands waxa lagu qiyaasaa (64,522) ruux, waana tirakoobkii la qaaday sanadkii 2010-kii. Saadaasha dadka reer Marshal Islands ee sanadka 2050-ka waxa lagu wadaa in ay noqon doonaan  dad ka badan (347,893) oo ruux.

 

Afka: Luuqadaha lagaga hadlo dalka Jasiiradaha Marshal Islands waxa kamid ah Ingiriisiga (English) iyo  laba luuqadood oo ah kuwo maxali  ah oo  kasoo  kala jeeda  Malayo-Polynesian iyo  Japanese.

Aqoonta: Dadka reer Jasiiradaha Marshal Islands ee aqoonta leh waxa lagu qiyaasaa boqolkiiba 93.0%.

Diinta: diimaha ay kala haystaan dadka reer Marshal Islands waxa kamid ah  diinta Kiristan (Christian) dadka ugu badanina waxa ay haystaan Protestant. Cimriga: Ragga u dhashay dalka Jasiiradaha Marshal Islands waxa da’doodu gaadhaa           64-sano, halka dumarka reer Marshall ay ka gaadhaan  67-sano.

Dawlada: Qaabka ay u shaqayso dowlada dalka Jasiiradaha Marshal Islands waa nidaamka Dastuuriga ah (Government Type constitutional government) lacagta:lacagta laga isticmaalo dalka Jasiiradaha Marshal Islands waa lacagta dalka Maraykanka (United States dollar) (US$).

Warshadaha: Warshadaha dalka waxa lagu farsameeyaa: copra, kaluunka, looxa, farsamada gacanta, diyaarinta iyo soo dhawaynta dalxiisayaasha iyo hawlo kale.

Beeraha: Beeraha dalka Jasiiradaha Marshal Islands waxa laga beeraa dalagyo ay kamid yihiin: Qumbaha, Xabuubta, Xabxabka iyo khudaarta. Xoolaha: dadka reer Marshal Islands waxa ay dhaqdaan Digaaga, waxa kale oo jasiiradaha Marshal Islands laga  dhaqdaa Khansiirka. Dhulka  la isticmaalo ee dalka Jasiiradaha Marshal Islands waxa lagu qiyaasaa wax ka yar boqolkiiba 1%.

Khayraadka: Khayraadka dabiiciga ah ee dalka Jasiiradaha Marshal Islands waxa kamid ah macaadiinta: phosphate oo aan wali lala bixin, waxsoosaarka bada iyo macaadiinta bada.