Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2904

February 19, 2012                                                            Rabi'al-Awal 27,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Wiil 3 Jir Ah Oo Calooshiisa Lagu Arkay Mataankiisa

Dhakhaatiirta wadanka Peru ayaa sheegay in ay  qaliin ku sameynayaan wiil 3 jir ah oo la sheegay in wiil mataano la, ah uu calooshiisa ku jiro.Isbac Pacunda oo ah 3 jir ayaa la sheegay in uu calooshiisa ku jiro wiil lama taano ah kaas oo  leh indho, dhago iyo timo. Dr. Carlos Astocondor oo qeybta qaliinka madax uga ah isbitaalka Las Mercedes Hospital oo ku yaala magaalada Chiclayo ee waqooyiga gobalka Lambayeque ee wadanka Peru ayaa usheegay wakaalada wararka ee Associated Press in wiil mataankiisa caloosha kaga jiraa uu uu korayay xaga culeeska iyo xaga dhererka. Sheekadan oo loogu magac daray (uur ku jire uurka kale kujiro) waxa ay noqotay mid ay aad ula yabeen dad yawoga adunka. "In qof uu ku dhex noolado qof kale waa wax iska caadi ah sida hooyaduba ay uurka ugu heyso caruurta laakin tani waa mid yaabkeeda leh ayuu yidhi Dr. Carlos Astocondor. Dr. Carlos Astocondor iyo 12 dhakhtar oo kale ayaa qaliin aan natiijadiisa la, ogeyn ku sameyn doona wiilkan uu ku jiro walaalkii ay mataanaha ahaayeen. Dr. Carlos Astocondor ayaa sheegay in 500,000 ee qof ee dhalata mid kamida lagu arko mucjisooyinkan oo kale. Inkasta oo ayna tan oo kale hore udhici hadana 2008-dii dhakhaatiir ayaa gabadh 9 jir ah oo u dhalatay dalka Giriiga, kasoo saaray uur ku jir uu dhererkeedu ahaa 2-inch .