Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2724

July 24,2011                                                                                    Shabcaan 22,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Maydka Marxuum Yuusuf Talaabo Oo Maanta Berbera La Keeni Doono, Laguna Aasi Doono Hargeysa Iyo Madaxweynaha Oo Tacsi U Diray

Nairobi, July 24, 2011 (Haatuf) - Guddoomiyihii siyaasadda ee xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB Yuusuf Ciise Ducaale (Talaabo) ayaa shalay ku geeriyooday Cusbitaal ku yaala magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, oo muddo bil ah halkaasi Cusbitaal ugu jiray lagu dawaynayey.

Alle ha u naxariistee geerida Marxuum-Yuusuf Ciise Talaabo waxa saxaafada u xaqiijiyay Guddoomiye Ku Xigeenka xisbiga UDUB ahna Madaxweyne Ku Xigeenkii hore. Axmed Yuusuf Yaasiin.

Marxuumka ayaa la sheegay inuu u geeriyooday xanuun wadnaha ka hayay in muddo ah

Marxuum Yuusuf Tallaabo waxa uu dalka ka soo qabtay xilal ay ka mid ahaayeen Wasiir Ku Xigeenadda, Cadaalada, Waxbarashada iyo Macdanta iyo Biyaha. waxa kale oo uu soo qabtay Badhasaabka Gobolka Sanaag.

Meydka Marxuum- Yuusuf Tallaabo waxa lagu wadaa in la keeno magaalada Hargeysa si Aas Qaran loogu sameeyo.

Ku simaha guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Udub Mudane. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyskii, qaraabadii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Yuusuf Ciise Ducaalle (Tallaabo) waxaanu Marxuumka ILAAHAY uga baryay inuu naxariistii Janno ka waraabiyo qoyskiisii iyo taageereyaasha xisbiga UDUB-na samir iyo iimaan ka siiyo.

Dhinaca kale Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, Bahda Waxbarashada, Xisbiga UDUB iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, oo uu ka tacsiyadaynaayo Geerida Naxdinta leh ee ku MARXUUM, YUUSUF CIISE DUCAALE (TALAABO) oo ku geeriyooday Waddanka Kiiniya (Nairobi) Maanta 23-07-2011.

Marxuumka oo ahaa Masuul Xilal kala duwan ka soo qabtay Xukuumadihii hore ee JSL, kana mid ahaa ururkii Dhaqdhaqaaqa Xornimada ee SNM, qayb libaaxna ka qaatay Dib u dhiska nabadaynta ama hubka dhigista ee Maleeshiyo beleedkii markii danbe noqday xooga Ciidamada JSL,

Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Cabdillaahi Maxamed Daahir  (Cukuse)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.