Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2726

July 26,2011                                                                                    Shabcaan 24,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Marxuum Mujaahid Yuusuf Talaabo Oo Shalay Aas Qaran Oo Aan Loo Kala Hadhin Loogu Aasay Hargeysa

Hargeysa, July 26, 2011 (Haatuf) – Marxuum Mujaahid Yuusuf Ciise Ducaale(Tallaabo) ayaa shalay aas qaran oo aan loo kala hadhin loogu aasay xabaalaha xaabalaha Naaso-hablood ee Magaalada Hargeysa, ka dib markii maydkiisa  doraad galabnimadii laga soo dejiyay madaarka diyaaradaha ee Magaalada Berbera, iyada oo laga soo qaaday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaas oo uu ku geeriyooday marxuumku.

Aaska marxuum waxa ka soo qaybgalay  shir-guddoonka golaha Wakiilada Somaliland, madaxda axsaabta Qaranka, wasiiro ka tirsan xukuumada, madax-dhaqameedyo iyo dadweyne tiro badan, kuwaas oo ka tiiraanyaysnaa geeridii naxdinta lahayd ee ku timid marxuum Tallaabo.

 Salaadii jinaasada ka dib waxa warbaahinta xabaasha dusheeda kula hadlay masuuliyiin ka mid ahaayeen guddoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi,  oo tacsi u diray shacabka reer Somaliland, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuumku, waxaana uu sheegay inuu ku suntanaa taariikhdii halgankii dalka loo soo galay, waxaanu yidhi C/raxmaan Cirro “Waxaan tacsi u dirayaa Qaranka Jamhuuriyada Somaliland, xaaskii, carruurtii iyo eheladii uu ka baxay ninkaas inagu weynaa ee Yuusuf Ciise Tallaabo, waxaanan Ilaahay uga baryaynaa inuu naxariistii janno siiyo inagana samir iyo iimaan inaga siiyo, halgankii Somaliland ay mar labaad xornimadeeda u soo gashay wuu ku suntan yahay Yuusuf, halgankaas taariikh weyn buu ku leeyahay”.

Madaxweyne ku xigeenkii hore Axmed Yuusuf Yaasiin anha ku simaha xisbiga mucaaradka ah ee UDUB, ayaa isna tacsi u diray qoyskii Mujaahid Tallaabo, waxa uu sheegay in uu ahaa halgamaa naftiisa u horey jiritaanka Somaliland, isaga oo arimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Yuusuf Ciise Talaabo waxa uu ahaa nin cimrigiisa ku dhamaystay halgan oo waxa uu ahaa halgamaa, laga soo bilaabo shaqadiisii macalinimo ilaa dhagax-tuurkii, isaga  oo ka mid ahaa macalimiintii loo xidhay dhhgax-tuurkaas, sidaasaanu ku galay halgankii jabhadii SNM, ilaa wakhtigan aynu joognana waxa uu u halgamayay ummadan, waxaana uu ka mid ahaa raga ku adag in aan calankeena Koonfur la gayn oo uu calankeenu ahaado kan Somaliland ee tawxiidka leh, Tallaabo waxa uu ahaa nin adag oo ummada u dhexeeya, waxa uu ahaa nin aan  qabiil ahayn, waxa uu ka mid ahaa wasiirada ugu cimriga dheeraa wakhtigii Cigaal iyo Rayaale-ba ka horna waxa uu ahaa badhasaabkii gobolka Sanaag”.

Waxa kale oo iyana tacsi u diray  qoyskii, qaraabadii iyo shacabka reer Somaliland masuuliyiin ka mid ahaayeen Cali Maxamed Warancade, ku simaha xog-hayaha guud ee xisbiga UDUB  Cabdixaliim Maxamed Muuse, guddoomiyihii hore baanka dhexe Cabdiraxmaan  Ducaale iyo siyaasiyiin kale, kuwaas oo dhamaantood Ilaahay uga baryay Marxuumka in uu naxariistii janno ka waraabiyay.