Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2772

September 18 ,2011                                                                    Shuwaal 20,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Safiya Xaashi Madar Oo Ka Warantay Waayihii Xanuunka Badnaa Ee Xabsigii Siyaad Barre Oo Ay Ku Dhex Umushay Iyo Wiilkii Jeelka Ku Dhashay Oo 26 Jir Ah

 “Markii La I Xidhay Aniga Oo Xaamilo Ah Ayaan Laba Cisho Ka Dib Jeelka Hargeysa Ku Dhex Umulay, Kolkii La Isii Daayey Ee Siyaad Barre La ii Geeyey Ayuu Igu Yidhi Ma Inantan Yar baa Hub U Xambaarta Adis Ababa” Marwo Safiya Xaashi Madar

Hargeysa, September 18, 2011 (Haatuf) – Marwo Safiya Xaashi Madar oo ka mid ahayd Hormuudkii Dumarkii ee sida weyn uga suntanaa Halgankii Ururka Xaq u dirirka SNM ee dagaalka qadhaadh kula jiray Ciidamadii Kalidii Taliye Maxamed Siyaad Barre ee Somalia ku amar ku taaglaynayey muddada 21-ka Sanadood.

Safiya Xaashi Madar ayaa Halgankaasi ay ka soo gaadhay Tacadi iyo xadhig ay kula kaceen Ciidamadii Faqashtu iyada oo Xaamilo ah, isla markaana Jeelka Hargeysa ku ummushay markay laba cisho Maxbuuska ugu ahayd, taas oo markii dambe loo qaaday Xabsiga Biyo-Muunda oo ku yaala Magaaladda Muqisho oo ay ku xidhnayd Labadaasi Jeel Muddo 4 sano ah.

Marwo Safiya Xaashi ayaa hadda Ku nool Dalka Ingiriiska, isla markaana wakhtigan ku sugan Magaalada Hargeysa oo ay Fasax ku timid iyada iyo Wiilkeeda C/raxmaan oo ah Wiilkii ay ku Umushay Jeelka Hargeysa 26 sano ka hor, waxaanay sidaasi ku sheegtay Waraysi khaas ah oo ay Shalay Wargeyska Haatuf kula yeeshay Gurigeedka Magaalada Hargeysa.

Mujaahid Safiya Xaashi Madar oo ugu horayn ka waramaysa Taariikhdii Muragada lahayd ee ay kula kaceen Ciidamadii Nacabka ahaa ee Siyaad Bare, waxaanay tidhi “Taariikhdii halganka dalkan loo soo maray waa mid aan la ilaawi Karin oo qofkasta oo Somalilander ahi wixii dalkan loo soo maray wuu ogaa, Aniga Jibada Muxubada halgankii SNM waxay i gashay 1981-kii, wakhtigii inamadii Jaamiciyiinta ahaa ee Macalimiintaydii ahayd Hargeysa lagu xidhxidhay,  anigu markaa Ardayad ayaan ahaa ku jirtay Jaamacadii Lafoole, laakiin dareenkii halkan ka jiray iyo wax walba waan la socday iyo inamada wakhtigii la qabqabtay xaq daradii Hargeysa ka dhacday-ba. Markaa intayadii ahayd Ardayda ee reer Somaliland ee Koonfur wax ku baranaysay waanu jiboonay waxaanan Hargeysa imid 1982-kii markii aan Jaamacadii soo dhameeyey, taliskii wakhtigaasina wuxuu caan ku ahaa in Ardayda ugu Maarkiska saraysa la geeyo Dugsiyada Xamar ku yaala si ay wax uga dhigaan, markaas aniga waxa la igu soo qoray dugsiga sare ee Banaadir, markaa waxa aanu lahayd Fasax ilaa bil ahaa oo aanu ku soo salaami jirna dadkayagii iyo qaraabadayadii. Hargeysa waxa ka dhacayey ee ku dhacay dhalinyaradii UFO waan la socday oo waxa ku jiray Nin aanu Ilmaadeer ahayn oo ah Axmed Muxumed Madar, anaga Aabahay waxa uu dhintay anaga oo yaryar, markaa adeerkayo ayaa na soo koriyey waxaanan Hargeysa imid iyada oo la leeyahay inamadii wax waa dil wax waa la layahay ayaan bishaydii fasaxa ahayd ku qaatay Murugo iyo Ciil. Maalintii dhagax-tuurku dhacay anaga oo ku soo socona gurigayagii oo wakhtigaas ku yaala xaafadda Biyo-dhacay ayaa waxa aanu maqalnay rasaastii iyo wixii Ardaydii ku dhacay, waxa ku jiray Ardaydii ku dhintay Dhagax-tuurkaa oo la odhan jiray Badhe oo aan anigu wax u dhigay wakhtigii anigu aan macalimada ahaa ayuu ahaa oo dugsiga Biyo-Dhacay ayaan wax ugu dhigay, run ahaantii arintaasi waxay igu abuurtay Murugo wayn waayo waxa uu ahaa Arday aad u wanaagsan oo aan ilaa imika xasuusto. Hawshii siddii ayey ku dhamaatay inamadii-na waa tii la xukumay oo taariikhda waynu wada haynaa oo waxba kaga noqon maayo, Ilaahay-na maalintaa Dilkii lagu xukumay wuu ka badbaadiyey oo xabsigii 25-ka sano ahaa waatii la xukumay. Aniga oo xaalad si kale ah ku jira dhinacna ku yara faraxsan Dilkaa aan lagu xukumin inamada ayaan Xamar iskaga noqday waxaan Dugsiga sare ee Banaadir ka shaqeeyey sanad dugsiyeed Murugo leh oo aan aad ugu Mashquulay inaan wax badan ka ogaado Tacadiyada ay dawladdu markaa dadkii halkan ku dhaqnaa ay ku haysay.

Markaa anigu waxaan go’aansaday in Inanka aan u dhaxay ee aan caruurta u leeyahay ayaanu sanadkaa Is-mehersanay oo isagu wakhtigaa Sucuudiga ka shaqaynayey, markaa anigu waxaan go’aansaday inaad dalka gabi ahaanba iskaga tago calool xumadiisa. Markaa waxa Agaasimaha guud wasaarada waxbarashada Somalia ahaa nin la odhan jiray Saleebaan Maxamuud Aadan, markaas isagii ayaan badalkii ka soo qaatay oo aanu ku idhi Aabahay wuu dhintay markaa caruurtayadii ayaan doonayaa inaan u dhawaado oo aan caawiyo, sidaas ayaan Xamar kaga imid dibna aanan ugu noqonin sababta oo ah waxaan halkana ugu imid Murugo iyo Macalimiintaydii oo la wada xidh-xidhay.

Waxa aan markaa tagay Sucuudi Arabia oo aan ku aqal galay, isla markaana aan joogay mudo 2 sano ah, maadaama oo aan ahaa qof wax bartay Sucuudiga laftigiisii wuu iga hor yimid oo shaqo ayaan jirin, markaa Ilmo yar ayaan halkaa ku soo dhalay oo waan iskaga soo noqday. Markii aan Wadankayga ku soo noqday runtii Alxamdulilaah kumaan nasiib xumaan Shaqo wanaagsana waan helay, wakhtigaas Uur ayaan lahaa oo odayga ayaa dalka fasaxyo gaagaaban ku iman jiray, isla markaana iyada oo sidaas ah waxa igu jirtay Jibo Isbadal doon. Markaa waxa anigii ii yimid ninkii Mujaahidka ahaa ee ururka dhalinyarada haystay iyo ku xigeenkiisii goor habeenimo ah, waanu kulanay oo waa ardaydii waxay igu yidhaahdeen qofka qudha ee aanu isku halayn karno ama aanu isleenahay wuu idin bad-baadin karayaa oo sirtiina ayuu qarin karayaa maanta waa adiga, waxaananu wada joognaa Hargeysa, hawlahayagana waanu wadanaa ee sidaas Safiyaay noo ogow.

Markaas halganka waa lagu wada jiray oo Djibouti ayuu dhaqaalaha ugu badani inaga soo gali jiray, waxa aniga xiligaas la ii magacaabay Xubin Dhaqaale oo Ilaahay iyo anaga mooyaane aanu qof kale oo Binu-aadam ahi ogayn”.

Marwo Safiya Xaashi Madar iyada oo ka hadlaysa waxa ay iska shabahaan Kacdoonkii dhagaxtuurka ee ardaydii iyo macalimiintii UFO iyo kuwa hada ka socda dunida Carabta, waxay tidhi “Kacdoonada maanta ka dhacay Tunisia, Masar iyo Libiya anigu wakhtigaas ayaan arkayey awooda uu leeyahay Arday Kacdoon sameeyaa iyo inay Ardaydu wax badali karto oo uu Isbadal samayn karayo. Nasiib wanaag markaa inamadii Madaxda ahaa oo uu ka mid ahaa Maxamed Aar Maxamed oo dhinacna Caa’ilada ka mid ahaa oo aan Habaryar u ahaa iyo C/risaaq Axmed (Juxo) ayaa ii iman jiray oo xidhiidhkayagu sidaas ayuu u socon jiray. Waxa jirtay Gabadh iyaduna kalideed gaar u samaysay dhaqdhaqaaq muhiim ahaa oo dhinaceeda iyaduna qoladaas xidhiidh la samaysay oo iyaduna marka ay aragto dhalinyar raba inay baxaan, waxay odhan jirtay malaha bixida waxa ka wanaagsan gudaha oo halkaas gabadhaas isku mawqif ayaanu ka ahayn oo anigu waxa aan aamin-sanaa in cadawga lagu curyaamin karo hadii gudaha la joogo, inantaasi waxa ay aas-aastay arday tiradoodu ahaayeen 6 wiil oo arday ah iyo afar hablood, Ardaydaas waxa ka mid ahaa Xasan Cismaan, Maxamed Xasan, Cabdi C/laahi (AHN) ayaa ka mid ahaa, C/kariin ayaa ka mid ahaa, Ilyaas Qase oo London jooga ayaa isaguna ka mid ahaa, Cumar Daacad (AHN) ayaa ka mid ahaa, Siciid Daahir Jaamac oo isaguna jooga London ayaa ka mid ah. Dhalinyartaas dhamaantood way tababartay si marka danbe ay isku difaacaan, anigu markii aan soo noqday ayaan waxyaabo badan ogaaday oo xataa waxa aanu ogaanay waxyaabo fashilmay markii nala xidhay. Dhinaca kale hablihii kale ee iyagana dhinacooda loo abaabulay waxa ka mid ahaa Fihiima Daahir Jaamac, Umayma Axmed iyo Nimco Muxumed oo iyadu markaa Hormuud u ahayd hablaha, aniguna wakhtigaas waxa aan ahaa xubintaa dhaqaalaha oo ardayda-na aanay is ogaan Karin oo ka madax banaan, sababta oo ah anigu Xaas ayaan ahaa oo waan cuslaa oo gabadh uur leh ayaan ahaa, markaa anigu waxaan filayey inaan noqdo qofka ugu danbeeya ee Fashilma laakiin hadana tii Ilaahay ayaa timid oo Ducument iyo waxbaa la helay”.

Mujaahidad Safiya iyada oo hadalkeeda sii wadata kana hadlaysa siddii loo qabtay wakhtigaas dhalinyaradii, waxa ay tidhi “Waxa dhacday wakhtigaas in saddex inan oo ka mid ah dhalinyaradii oo wada socda ayey Roondo ku soo baxday oo ay qabatay mid ka mid ah, markaas ayaa inankii Toojar iyo dhibaato badan oo loo gaystay awgeed ayaa guri yar oo ay iskugu iman jireen ayaa Ducument yar oo ay ku qorqoran tahay far si kale ah oo cid taqaana mooyaana aanay cid kale akhriyi Karin markaas Ducument-gaas ayaa halkaas ku fashilmay. Ducuments-kaas waxa ku qornaa Dhalashadaydii, waxaan ahaa iyo waxaan qabto-ba, qof walbana waxa ku qornayd shaqadii loo qorsheeyey. Dagaal wayn ka dib waxa la soo qabtay Xasan Cismaan oo Madaxdii ururka mid aha, markaas anagu ismaanaan lahayn waydin noolaan doontaan sababta oo ah waxa uu ahaa Markhaati wayn oo hawlahayaga oo dhan ogaa, Isaguna tacadi badan ka dib sidii dhiig loogu shubayey wuu noolaaday”.

La soco Cadadka dambe iyo Waraysigan oo ay Safiyi kaga hadlayso Waayihii iyadoo Xaamilo ah Xabsiga ku Qabsaday, Markii Siyaad Bare loo geeyey iyo Wiilka Xabsigaasi Ku dhashay oo isna ka hadlay Marxaladaasi uu ku dhashay iyo Waxbarashadiisaba.