Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2773 |
September 19 ,2011 Shuwaal 21,1432H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Hay’adda Edc Oo Madaxwayne Siilaanyo Guddoonsiisay Shahaado Sharaf, Kuna Amaantay Waxbarashadda Bilaashka Ee Xukuumadiisu Hirgalisay Hargeysa, September 19, 2011 (Haatuf) - Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay ka gudoomay Haa’yada Caalamiga ah ee EDC shahaado sharaf ay ku maamuuseen doorka uu ka qaatay kor u qaadista xaalada waxbarashada ee dalka. masuuliyiinta Haa’yada EDC waxay ku ammaaneen Madaxwaynaha kaalinta uu ka soo qaatay kobcinta iyo kor u qaadista heerka waxbarasho ee Somaliland oo ay wax weyn ka qabatay xukuumadiisa sanad jirka ahi. Saraakiil ka socday Ha’yada EDC waxay sheegeen inay Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ay ku ammaanayaan waxbarashada dugsiyada Hoose/Dhexe ee ay lacag la’aanta ka dhigeen, taasi oo waxtar u yeelatay Kumanaan arday oo danyar ah, kuwaasi oo la daalaadhacayay lacag bileedka ardayda dugsiyada waxbarashada lagaga qaadi jiray. Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo kulankaasi ka hadlay ayaa Haa’yada EDC uga mahad celiyay shahaado sharaftan ay ku maamuuseen waxaanu tilmaamay inay dhiiri gelin u tahay dedaalka xukuumadiisu ugu jirto kor u qaadista tayada waxbarashada Somaliland. Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay ahmiyad weyn siinayaan in si tartiib tartiib ah kor loogu qaado tayada waxbarashada Hoose iyo sare ee Somaliland. Madaxweynuhu waxa uu Ha’yadaha caalamiga ah ee Wasaarada waxbarashada kala shaqeeya dhinaca waxbarashada u soo jeediyay inay sii xoojiyaan taageeradooda dhinaca waxbarashada la xidhiidha. Dhinaca kale,Agaasimaha Guud ee tacliinta sare wasaarada waxbarashada Somaliland Khadar Axmed Diiriye,ayaa sheegay in markii u horaysay ay dalka lagu qabanayo shirweyne ku wahajan kor u qaadista waxbarashada dadka ku hadla afsoomaaliga oo ay ka mid yihiin Somaliland, Jabuuti, Kenya iyo Soomaaliya . kaasi ay ka qabgalayaan Haa’yadaha ka shaqeeya horumarinta waxbarashada, Jaamacadaha dalalka dariska iyo jaamacado ka socda dalalka UK, Maraykanka iyo Canada. Agaasimaha Guud waxa uu sheegay in sanadkii hore shirkan lagu qabtay dalka Malawi. |