Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2776

September 22 ,2011                                                                    Shuwaal 24,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Daafaha Dunida: Wax Ka Baro Dalka Boqortooyada Maroko

Dalka boqortooyada Morocco. Dalka Marooko waxa uu ku yaalaa dhinaca waqooyi galbeed ee qaarada africa waana wadanka ugu galbeedeeya dalalka carbeed ee qaarada Africa  bulshada carabtuna waxa ay u taqaanaa (Maqrib) oo macneheedu yahay galbeed ama cadeed dhaca. Dalka marooko waxa uu xuudo la wadaagaa dalalka  Algeria iyo Saxaraha galbeed (Western Sahara) oo maamulkiisa Marooko sheegato laakiin aqoonsi doon ah,  dhinaca galbeedna waxa kaga taala bada Atlaniga ( Atalatic Ocean) dhinaca waqooyi waxa  dacalka kaga haysa bada dhexe ee kala qaybisa qaaradaha Africa iyo Europe. Caasimada dalka Marooko waxa la yidhaa  Rabat, waxana ay ku talaa dhinaca w/galbeed ee dalka. Bedka uu ku fadhiyo dalka boqortooyada Marooko waxa lagu qiyaasaa  172,413.92, oo (mayl laba jibaraan) una dhiganta

446,550.00, oo (kiiloo mitir laba jibaraan). Qiyaas ahaan dalka Marooko waxa uu ku dhawyahay baaxada gobolka

(California) ee dalka marayknka. Dadka ku uuman dalka Marooko wax lagu qiyaasaa  in kabadan  31-milya oo ruux.

Cabirka la saadaaliyay sanadka 2050ka ee bulshada reer Marooko ayaa la rajaynayaa in ay kor u dhaafto  50-milyan oo ruux.

Luuqadaha lagaga hadlo dalka Marooko waxa ugu horeysa  luuqada Carabiga oo ah luuqad maxaliga madaama oo ay dadku yihiin bulsho Carab ah. Waxa kale oo jira dad ku hadla luuqada Berberka halka luuqada Fararnsiiska laga isticmaalo badanaa goobaha shaqada iy dowlada xafiisyadeeda.  Dadka aqoonta leh ee reer Marooko waxa lagu qiyaasaa boqolkiiba  43.7%  Diimaha laga haysto dadla wax kamid ah diinta Islaamka oo ay badiba dadka Marookaanka ahi ay haystaan dadka Muslimka ah eek u dhaqan dalkana waxa lagu qiyaasaa

Boqolkiiba  98.7%, halka diinta kiristanka ay ka haystaan boqolkiiba  1.1%, boqolkiiba  0.2%-na waxa ay ka haystaan diinta Yuudiyada.

Celceliska cimriga ragga reer Marooko ayaa lagu qiyaasaa  67-sano halka dumarkana lagaga qiyaaso 71-sano. Qaabka ay ku shaqayso dowlada ka arimisa dalka Marooko waa boqortooyo dastuuriya (Government Type constitutional monarchy)

 Lacagta laga siticmaalo dalkana waxa la yidhaa Moroccan dirham (DH)

Warshadaha ka shaqeeya dalka boqortooyda Marooko waxa ay badnaa ka shaqeeyaan Macdanaysiga, Cuntooyinka, Hargaha, Dunta, qalabka dhismaha iyo Dalxiiska.

Beerahana waxa laga beeraa Qabadinka/Sareenka, khudrada dhanaan sida Liimaha iyo Canbaha, Saytuunka, iyo  khudrada cagaaaran waxa siidoo kale dalka laga dhaqaa xoolo nool. Dhulka la isticmaalo ee dalka Marooko waxa lagu qiyaasaa boqolkiiba

Agriculture barley, wheat, citrus, wine, vegetables, olives; livestock

21%. Khayraadka dabiiciga ah ee dalkana waxa kamid ah,  macdanaha

phosphates, iron ore, manganese, lead, zinc, kaluunka iyo Milixda (Cusbo).