Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2779

September 26 ,2011                                                                    Shuwaal 28,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Qoysaska Ku Soo BarakacayDeegaanka Gargaara Oo Qarka U Saaran In Macaluul Ba’ani Ku Habsato Iyo Xukuumada Siilaanyo Oo Muqdisho Ku Mashquulsan

Boorama, September 26, 2011 (Haatuf) – Qoysaska ka soo barakacay Abaaraha ku habsaday deegaanada Lughaya ee ku soo qulqulaya Tuulada Qargaara ee deegaanka waqooyi ee gobolka Awdal ayaa la sheegay in tiradoodu ay soo kordhayso, isla markaana ay ku noolyihiin xaalad qalafsan.

Qoysaskan oo tiradooda lagu sheegay in ka badan saddex boqol oo qoys oo xoolihi ay ka saareen Abaaruhu ayaa ku sugan xaalad biyo la’aaneed iyo cuno yari ah, isla markaana khatar ugu jira in Macaluul ka dilaacdo, iyadoo aan wax gurmad ah oo ay ka heleen xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo hay’addaha caalamiga ah ee dalka joogaa aanu jirin.

Sida uu ku soo waramay Wariyaha Haatuf ee gobolka Awdal Haashim Goth.

Waxa si aad ah u soo kordhaysa qayladhaanta ka soo yeedhaysa dadka barakacaayasha ah ee ka soo hayaamaya deegaanadii ay ku noolaayeen ee degmada Lughaya ee Gobolka Awdal, dadkaas oo ay haleeleen Abaaro dabadheeeraday, barakacayaashan ayaa ku qulqulaya deegaanka Gargaara oo ka tirsan degmada Lughaya,

Gudoomiyaha Degmada Lughaya Baxsane Siciid Aye oo Saxaafada uga waramay goobta ay ku soo barakaceen dadkani ayaa sheegay in ay u baahan yihiin dadkani gurmad degdeg ah oo lala soo gaadho. Gudoomiyaha oo ka waramaya xaalada barakacayaashan maalinba maalinta ka dambaysa isa taraya ayaa cadeeyay in aanay weli helin dadkaasi wax gurmad ah. Isla markaana dadka ku nool deegaanka dadkani ku soo barakeceen iyaga laftooda xaaladooda laga dayrinayo.

Sidoo kale Guddoomiyaha Lughaya, Baxsan Saciid ayaa sheegay in dad fara badan oo ka soo barakacay tuulooyinka hoos taga Lughaya, ay u baahan yihiin gargaar deg deg ah, isagoo tilmaamay in cudurka shuban biyoodka uu faraba’an ku hayo.

Baxsane waxa uu sheegay in qoysaskan oo horey biyo la’aan uga soo barakacay deegaannao kale oo gobolka ku yaallo aysan noloshooda waxba iska badelin markii ay soo gaadheen tuulada Gargaara, waxaana uu Xukuumada Somaliland,maamulka gobolka Awdal iyo hay’adaha gargaarka ka codsaday in ay dadkaasi gargaar u fidiyaan.

Dadka barakacayaasha ee ku soo qaxay deegaanadan ayaa u badan caruur, haween iyo dad waayeel ah, waxaana ka muuqda oogada sare ee caruurta iyo hooyooyinka goobtaas soo gaadhay nafaqo daro, waxyna dadkaasi ka dalbanayaan, dadkooda, dawlada iyo hayadaha caawimada bixiyaa in looga soo gurmado xaalada gaajada iyo daranyada ay ku jiraan ayuu yidhi Baxsane.

Qayladhaantan aadka u adag ayaa ku soo beegmaysa xili xukuumada Somaliland gurmad dhaqaale ay geysay dhibaatada ka taagan K/Soomaaliya, waxaana imika laga sugayaa xukuumada Axmed Siilaanyo jawaabta ay ka bixiso qaylodhaanta ka soo yeedhay shacabka Lughaya.

Sidoo kale waxa la sheegayaa in Jawaabtii ugu horaysay ee xukuumadu ka bixiso qaylodhaanta xaalada Abaaraha degmada Lughaya ay noqotay in ay xilkii ka qaado gudoomiyihii degmada Lughaya Baxsane Siciid oo ahaa masuulka keli ah ee dadkiisa qaylo dhaanta u samaynayay, sababta xilka looga qaadayna waxaa loo malaynayaa ka dib markii uu warbaahinta dalka u soo bandhigay xaalada ay ku sugan yihiin dadka ay Abaaruhu saameeyeen ee ku dhaqan degmada Lughaya.

Xaalada Abaareed ee ka taagan xeebaha g/Awdal gaar ahaan degmooyinka saylac iyo Lughaya ayaa ah mid aan hore u soo marin dadka ku dhaqan deegaanadaas, waxaana la sheegayaa in mudo dhawr sano ah aanay deegaanadaasi helin roobab ku filan, ilaa hadana ma hayaan gurmad ka soo gaadhay dawlada Somaliland iyo hay’adaha gargaarka bixiya.