Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2727

July 27,2011                                                                                    Shabcaan 26,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Beckham Oo Canaan Iyo Waano Isku Raaciyay Mari Balotelli

Ciyaaryaahanka reer England ee David Beckham ayaa erayo waano ah u jeediyaya weeraryahanka qaranka Talyaaniga iyo kooxda Manchester City xidiga lagu naanayso (bad boy) Mario Balotelli waanadan ka timid dhinaca ruucadaaga reer England ee David Beckham ayaa timid xili uu Balotelli ku jiro fadeexad gool khasaariyo tii ugu xumayd, kadib markii si ula kac ah shabaga u garab mariyay kubada fursad uu gool ku dhalin lahaa ciyaar dhex martay kooxda Beckham ee LA Glaxary. Xidigan Talyaaniga ah oo si kadis ah loo badalay markii uu goolka khasaariyay ka dib ayaa waxa uu ilaa hada kusii adkaysanayaa in uu doonanay in uu goolka dhaliyo isaga oo arintaa ka hadlyana waxa uu yidhi : “ilaa hada goolka waxan la doonayay shabaga in aan ku hubsado”. 20-jirkan reer Itay ee Mario Balotelli, waxa garoonka laga soo saaray iya oo ciyaartu socota  30-qiiqo oo kaliya waxana u yeedhay tababaraha ay dalka kasoo wada jeedaan ee Roberto Mancini. Mario waxa uu kubada ku laagay cidhibta isaga oo goolka si fudud u dhalin kari lahaa taasina waxa noqontay u qaadan waa shaki abuuray. Arinta muranka dhalisay dadka ka hadlay waxa kamid ah David Beckham  waxan uu yidhi isaga arinta ka hadlaya : " dib ayaan ka daawaday waxanu Mario u muuqday mid is moodsiiyay in uu  ku dhex jiro offside”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu Beckham yidhi mar kale

" kuwa difaacaya  Mario, run ahaantii waxa ay aaminsanyihiin in uu  offside ku jiray, laakiin maaha in aad ka fikirtaa offside iyo la’aanteed,

Ugu danbaytii Beckham waxa uu kala dardaarmay Balotteli in ay ciyaarta daawanayaan ciyaal muhiimaduna tahay in la ilaashado xirfada kubada waxan uu  hadalkiisa kusoo koobay “ waa in aad noqotaa qof xirfad leh, waana in aa dhalisaa goolka si kasta oo ay tahay”.