Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2789

October 07 ,2011                                                                   Dul-Qacda  10,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Hoos U Dhac Ku Yimid Dakhliga Kenya Ka Soo Gala Dalxiiska Iyo Dawladaha Reer Galbeedka Oo Muwaadiniintooda Uga Digay Inay Tagaan Xeebaha Dalkaasi

Lamu, October 7, 2011 (W.Wararka) – Hoos u dhac weyn ayaa ku yimid dhaqaalihii Kenya ka soo gali jiray Dalxiisayaasha ka yimaada dalalka Maraykanka iyo Europe kadib markii todobaadadii u dambeeyey kooxo Soomaali ahi ay falal afduub iyo dil kula kaceen dalxiisayaal u dhashay Faransiiska iyo Ingiriiska.

Xeebaha Dalxiiska ee Quruxda Badan ee dalkaasi ayaa waxa ka soo gala dhaqaale aad u farabadan, isla markaana dad badan oo Kenyan ahi ay ka helaan shaqooyin adeegyada ay u qabanayaan dalxiisayaasha Ajnabiga iyo Maalqabeenada Kenya ee ku dalxiisaya goobahaasi.

Mudooyinkii u dambeeyey dadkaasi dalxiisayaasha ah ayaa ka baxayey goobaha lagu dalxiiso ee Xeebaha u dhow Somalia, iyaga oo ka walwalsan in kooxo dablay Soomaali ahi ay halkaasi ka afduubaan dalxiisayaasha ka soo jeeda wadamada reer Galbeedka. Shaqaale ku tiirsanaa goobaha Quruxda badan ee loo soo dalxiiska tago oo ahaa dad ay noloshoodu ku xidhnayd, isla markaana ka kala yimid dalalka Bariga Afrika ayaa shaqooyinkii ay goobahaasi dalxiiska ka hayeen ku waayey.

Saacado ka dib markii todobaadkii u dambeeyey ay koox Soomaali ahi Afduub ku fuliyeen Haweenay Faransiis ah oo Nasasho ku timid xeebahaasi Lama ee dalka Kenya, taas oo keentay in Hotelkii laga afduubay oo ay degenaayeen sideed qof oo dalxiisayaal ahi ay ka fakadeen goobtaasi afduubku ka dhacay oo ahayd hotel aad u saxmad badan oo ay ku soo dagi jireen dadka dalxiisayaasha ahi.

“Wakhtigani waa uu noo dhamaaday, waana in hadda ka dib aad iska hubiso xaalada goobaha aad u dalxiis imanaysay” sidaasi waxa tidhi Stefano Moccia, oo ka mid ahayd shaqaale qaabilsan dalxiiska oo la rasaaseeyey markii la afduubayey Haweenayda Faransiiska ah.

Stefan ayaa waxa ay intaasi ku dartay in dawladda Kenya looga baahan yahay inay kor u qaado amaanka goobahan dalxiiska oo ay yimaadaan dalxiisayaasha ka kala yimaada aduunka iyo Maalqabeenada Kenya.

Xiliyadan oo dalxiisayaasha Kenya yimaada ay xaami ahaayeen laga bilaabo bisha November oo halkii habeen lagaga kirayn jiray qolalka Hurdada dalxiisayaashaasi $1, 800 ayaa noqotay meel Cidlo ah, xeebahaasi oo ah meel ciid iyo cad-ceed wanaagsan oo ay ku raaxaysan jireen Dalxiisayaashu ayaa hadda dhibaato weyn ay ka soo wajahday kooxo Soomaali ah oo falal afduub ah halkaasi ka geysta.

“Tobanaan Kun oo qof ayaa ku tiirsanaa Dalxiisayaasha oo ka heli jiray Nolol maalmeedkooda, taas oo hadda khatar gashay” sidaasi waxa yidhi Dario Urbani, oo ah Agaasimaha Suuqgeynta ee Hotel-ka Romantic, oo ku yaala magaalo xeebeeda Lamu oo ay ka baxeen Dalxiisayaal Maraykan ah kadib markii weerarkaasi dhacay.

“Iyagoo Dalxiisayaasha halkan joogaa aanay wakhtibadan ku lumin inay ka fikiraan bixitaankooda ayaa waxa ay ku odhanayaan, ma doonayo inaan naftayda khatar galiyo, waananu ka tagaynaa” ayuu intaasi ku daray Dario Urbani.

Dalka Kenya ayaa ahaa dal ay ka soo galaan Warshada Dalxiiska lacag ku dhow $1 Billion Dollar, isla markaana tobobaan kun oo Kenyan ahi ay shaqo ka heli jireen, iyadoo dalkaasi ay ku noolyihiin dad Fuqaro ah oo maalintii ku nool wax ka yar $1 dollar.

Maaha markii ugu horaysay ee dhibaato la soo gudboonaatay Dalxiiskii dalka Kenya, balse waxa jirtay in hoos u dhac weyni sidan oo kale ku yimid dakhligii dalkaasi ka soo gali jiray Dalxiisku xiligii ay Rabshadihii ka dhashay doorashadii dalkaasi ka dhacday 2007 ilaa 2008-dii ay sababeen inuu Istaago Dalxiiskii dalkaasi lagu iman jiray.

Dhinaca kale Dawladaha Maraykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa soo saaray Digniino ay u jeedinayaan Muwaadiniintooda in aanay u safrin goobaha dalxiiska ee dalka Kenya, gaar ahaana Xeebaha xuduuda Somalia u dhow. Wasiirka Dalxiiska ee Dalka Kenya Najib Balala ayaa ku booriyey ganacsatadu inay halkaasi joogaan oo uu ganacsigoodu furnaado, waxaanu yidhi “Markaad Albaabada u laabtaan Huteelada, waxaad abuuraysaan Xayiraad aan loo baahnayn”.