Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 21 2014                                             Jamadi Al Thani 21,1435H     

 

 

 

 

Jaaliyada Sheffield Oo Mar Kale Cadaysay In Aanay Soo Gaadhin Lacagtii Xukuumadu Ku Taakulaysay Xafladii Aqoonsiga Ee Loogu Sii Dhiibay Wasiirka Macdanta

Sheffield, April 21, 2014 (Haatuf) - Maxamed Cabdilaahi Ciise oo  ka mid ah bulshada reer Somaliland ee ku dhaqan Sheffield ayaa mar kale sheegay in aanay soo gaadhin lacagtii xukuumada Siilaanyo ugu talo gashay inay ku taakulayso xafladii aqoonsiga golaha deegaanka Sheffield u fidiyey Somaliland taas oo loogu dhiibay wasiirka macdanta Xuseen Cabdi Ducaale (Waji-xun).

Mr Maxamed Cabdilaahi ayaa sidaasi ku sheegay waraysi uu siiyey shabakada wararka ee Qarannews.com waxaanu intaa ku daray in jaaliyad ahaan ay iyagu dhabarka u riteen kharashaadka iyo qabashada Xaflado waaweyn oo ka dhacay hotelada qaaliya oo ay ka mid tahay tii lagu bulshada Sheffield ku qaabishay gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland.

 “Lacagta $20,000-ka kun ee dollar anagu maanaan arag, wixii maalintaa Somaliland la ictiraafayey ku baxay ee aanu dhinacayaga bixinay risiidhadoodii anagaa haysana bulshada ayaa laga ururiyey, maanaan arag lacagtaasi sidii aanu maalintii hore u nidhi maanaan arag ayaanu hadana u leenahay, xildhibaanadii soo dagay marti-bay ahaayeen haday lacag dawladu lahayd taalay xagaad ku ogayd, runtii jaaliyadan waxaan leeyahay arinkaa waxaad ka qabateen cidi ma dafirsana, intii aad ka gaysateena cid ka gaysatay ma jirto.Dhaqaalihii dawladu ugu soo tabarucday cid kale oo ka warhaysaa aanay jirin”.

Ayuu yidhi Maxamed Cabdilaahi Ciise oo ka mid ah xubnaha ugu firfircoon ee bulshada Somaliland ee ku dhaqan Sheffield, waxaanu yidhi mar uu baaq u dirayey Jaaliyada Sheffield “Waxaan leeyahay arinka halkaa ha lagu joojiyo oo magaalooyinka kale ee aanay u gudbin ha laga daayo carqlada oo hadii qof waliba maalin email ama telefoon diro ma u malaynaysaan in magaalooyinka kalena ay wax inooga hirgalayaan, runti tanina way sigatay, markaa waxaan odhan lahaa saaxiibkay Aadanow iyo ragii kale ee la shaqaynayey cagaha dhulka dhiga waxani maaha wax aad idinku kaligiin ka shaqayseene.

Labaatanka kun ee dollar labaatan dhalinyar ah oo Somaliland jooga ayay shaqo u abuurayeen oo sanad ay wax tari lahaayeen”.