Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 29285

May 23, 2012                                                                                Rajab 03,1433H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Romelu Lukaku “Waligeyna Ma Cafin Doono Tababare Andre Villas-Boas”

Romelu Lukaku ayaa sheegay inuusan cafin doonin tababarihii laga ceyriyay Chelsea Andre Villas-Boas.

Romelu Lukaku ayaa Chelsea ay kula soo wareegtay 18 milyan ginni xagaagii lasoo dhaafay, balse tababarihii hore ee Andry Villas Boas ayaa u sheegay in aanu qeyb ka aheyn qorshihiisa Champions League-ga, taas oo ciyaaryahanka u diiday in uu qaato bilad.

Ciyaaryahankii hore ee Anderlecht ayaana u muuqday mid aan looga baahneyn kooxda markii uu hogaanka u haayey tababarihii reer Portugal ee Andre Villas-Boas.

Lukaku oo cadheysan ayaa yidhi sida ay qortay The Sun; “Waxa jira hal qof aanan waligey ka cafin doonin wixii uu igu sameeyay, waana tababarihii hore”“Kaliya intaas maaha. Sidoo kale qaabka uu iila hadli jiray iyo sida uu iila dhaqmayay” “Bilowgii waxa ay aheyd wax qariib ah. Maan fahmi karayn qaabka uu iila dhaqmayo, kamanaan helin wax sharaxaad ah” “Marka tababarka la joogo waxa uu iga ciyaarsiin jiray garabka midig ama bidix. Ciyaaraha tababarka waxan ku soo geli jiray bedel ahaan. Xaqiiqdii wax aan ka bartay ma jiraan”.

“Kooxda xitaa waan u sheegay. Waan fahamsanahay in uu cadaadis ku hoos jiray, lakiin waxan sidoo kale ka fekerayay shaqsiyadeyda. Horumar ayaan sameeyay bilihii ugu danbeeyay”.