Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3020

July 4 2012                                                                          Shabcaan 14,1433H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Ardayda Kuuliyadda Isgaadhsiinta (Injineerin-ka) Ee Jaamacadda Gollis Oo Shahaadooyin Ku Mutaystay Tababaro Ay Ku Soo Dhamaysteen Shirkada Nationlink

Hargeysa, July 4, 2012 (Haatuf) – 10 Injineer oo ka tirsan 65 Arday ee Kuuliyada Isgaadhsiinta (Telcommunication) ee Jaamacadda Gollis dhigta ayaa Tababar Internship ah oo ay ku qaadanayeen Shirkadda Isgaadhsiinta ee Nationlink ku mutaystay Shahaadooyin ay wada jir u guddoonsiiyeen shirkadaas iyo Jaamacaddu.

Sidoo kale Ardayda ayaa iyaguna dhinacooda Shahaado sharaf guddoonsiiyey Shirkadda Nationlink, halka shirkadaasi ay dhinaceeda shahaado sharaf guddoonsiisay Jaamacadda Injineeradaas oo bisha September ee sanadkan la filayo inay qalin jabiyaan ay wax ka dhigtaan ee Gollis University, isla markaana ku amaantay inay soo saartay arday si wanaagsan wax u bartay.

Xaflad  lagu gudoonsinayey ardaydaas Shahaadooyinka lagu gudoonsiyey Huteel Maansoor ee Magaalada Hargeysa, isla markaana ahayd Munaasibad si wayn loo soo agaasimay ayaa waxa ka soo qaybgalay Masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Wasarada Boosaha iyo Isgaadhsinta Somaliland Ali Elmi Geele,

Agasimaha Wasarada Boosaha iyo Isgaadhsinta Eng. Shaqale, Masuulka socday shirkadda Nationlink Mr. Mahamud X. Muse, Khabiir Telecommunication ah oo la yidhaahdo Eng. Mohamed Abdilahi Yasin, Guddoomiyaha Jaamacadda Gollis Dr. Saed Ahmed Hassan, La taliyaha guddoomiyaha Ahmed Jambir Suldan iyo Marti sharaf kale oo tiro badan.

Sidoo kale waxa furay xafladas Ahmed Jambir oo tilmamay in Jaamacada Gollis u taagan tahay in ay bulshada ka haqabtirto kuuliyadaha loo bahanyahay, waxa kale oo uu amaan dusha u soo jeediyey shirkada Isgaadhsiinta ee Nationlink.

Waxa kale oo ka hadlay halkaas Eng. Mohamed  A/lahi Yasiin oo ah khabir ku talax tegay Cilmiga Isgadhsiinta kaasi oo ka sheekeeyey isgadhsiinta dalka sheegayna in Taawarada Isgaadhsiintu ay dhib ku hayaan dadweynaha ku dhaqan Somaliland.

Sidoo kale Waxa isaguna halkaas ka hadlay Maxamud X. Muse oo socday Shirkadda Nationlink,kaas oo tilmaamay sida ay u caawiyaan bulshada gaar ahan ardayda Jamacadaha, halkasina waxa uu mahad naq uga soo jeediyey Jaamacada Gollis

Dhinaca kale waxa isaguna halkaas ka hadlay Wasiirka Boosaha iyo Isgadhsiinta Cali Cilmi Geelle oo u mahadnaqay Maamulka Jaamacadda Gollis iyo Shirkada Nationlink , sheegayna dhamaan shirkadaha isgadhsiintu inay meel fican kaga jiraan gacan siinta bulshada ay la noolyihiin.

Waxa kale oo halka ka hadlay hormoodka kuliyada isgadhsiinta Eng Mahamud maxamed Cise, oo ka hadlay aqoonta isgaadhsiinta , isaga oo tilmamay bahida loo qaba ay badantahay, dadka soo bartayna ay yar yihin. Una mahadnaqay shirkadii tababarka siisay ardayda kuliyadiisa iyo ardaydii dhamaysatay tababarka  xirfada telcomunicationka.

Waxa ugu danbayntii mahadnaq baladhan u soo jeediyey dhaman dadki ka so qayb galay oo uu ugu horeyo wasirka isgadhsinta, shirkada nationlink, khabirka telcomunicationka oo qalab ugu deqay jamacada iyo ardaydi dhamaysatay tababarka.