Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3069

August 30 2012                                                                  Shuwal 12,1433H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Maleeshiyo Ogaadeen Ah Oo Dad Xoolo Dhaqato Ah Ku Soo Weerary Xarshin Iyo Dadka Deegaanka Oo Ka Hortagay

Dagaalkaas Oo Laysku Gabal-Dhacsaday Waxa Dhinaca Xarshin Kaga Dhaawacmay 4 Qof, Halka Maleeshiyada Soo Duushayna Lagaga Dilay 4 Qof

Hargeysa, August 30, 2012 (Haatuf) – Maleeshiyaad hubaysan oo ka soo jeeda beesha Ogaadeen ayaa la sheegay inay shalay galab weerar ku soo qaadeen deegaanada cidhifka koonfureed ee degmada Xarshin ee kililka shanaad ee Itoobiya, halkaas oo la sheegay inay dhaawacyo ugu gaysteen afar qof oo ka soo jeeda deegaanka magaalada Xarshin.

Maleeshiyaadkan beesha Ogaadeen ka soo jeeda ee weerarka ku soo qaaday beelaha deegaanka Xarshin oo tiradooda lagu sheegay laba boqol (200), ayaa la sheegay markii ay dhaawacyo u gaysteen afar nin oo xoolo dhaqato ah, isla markaana Geel la joogay ay beelaha deegaanka Xarshimeed oo iska difaacay uu markii dambe dagaal culusi ka qarxay deegaankaasi.

Sida ay Haatuf u xaqiijiyeen dad ku sugan deegaankaasi Xarshin ayaa sheegay in dagaalkaasi oo socday ilaa gabal dhicii shalay beelaha Xarshimeed afar qof lagaga dhaawacay, kuwaas oo dhaawacooda la keenay xalay magaalada Xarshin. Maleeshiyada beesha Ogaadeen ee weerarka soo qaaday ayaa la xaqiijiyay in lagaga dilay dagaalkaasi afar qof, halka qaar kalena laga dhaawacay dagaalkaasi. Waxaanay wararku intaa ku dareen in horaantii April 2012 ay deegaankaasi hore ugu dileen nin xoolo dhaqato ah oo ka soo jeeday beelaha deegaanka Xarshin, taas darteedna ilaa muddadaa deegaankaasi dagaalku ka qarxay laysku hor fadhiyay.

Sidoo kale wararka aanu ka helay xalay deegaankaasi ayaa sheegay in xaalada deegaanada dagaaladu ka qarxeen shalay ay ka taagan tahay jawi colaadeed, waxaanay wararku intaa raaciyeen in beelaha deegaanka Xarshin ee la soo weeraray ay ciidamo farabadan oo gurmad ahi ay soo gaadheen.