Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3078

Septemper 10 2012                                                                  Shuwal 23,1433H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Hargeysa: Munaasibad Lagu Soo Dhawaynayo Musharaxnimada Rooda Cabdi Muuse Oo Ururka Ummadda Uga Sharaxan Degmadda Berbera

Hargeysa, September 10, 2012 (Haatuf) - Munaasibad si wayn loo soo Agaasimaya oo lagu soo dhawaynayey Musharaxnimada Marwo Rooda Cabdi Muuse oo ka mida Musharaxiinta urur siyaasadeedka Umadda uga qayb galaya doorashada golaha deegaanka ee Degmada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil  ayaa Habeenkii Sabtidu soo galaysay lagu qabtay Hotelka Summer Time ee Magaalada Hargeysa. Sidoo kale Munaasibadan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxa ka soo qayb galay Xubno ka mid ah Hogaanka Urur Siyaasadeedka Ummadda, Madax dhaqameedka, Siyaasiyiin iyo dadweyne u tiro badan oo u badnaa Haween waynaha reer Somaliland iyo qurba joog aad u tiro badnaa. Ugu horayn waxa munaasibadaas ka hadashay Hoodo Saleebaan Jaamac waxaanay sheegtay inay  soo dhawaynayso Musharaxad Rooda Cabdi Muuse oo Ururka Ummadda uga tartamaysa doorashada golaha deegaanka ee degmada Berbera, iyada oo haweenka Somaliland kula dardaarantay inay soo saareen haweenka u sharaxan doorashada golaha deegaanka ee dalka.

Dhinaca kale waxa Munaasibaddaas ka hadashay Hibo Cabdilaahi Ismaaciil oo ka mida qurba jooga Somaliland waxaanay sheegtay inay taageersan tahay musharaxadan u taagan doorashada golaha deegaanka ee degmada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, iyada oo dadweynihii ka soo qayb galay munaasibadana kula dardaarantay inay codka siiyaan musharaxadan, u tartamaysa doorashada golaha deegaanka.

Maro Rood Cabdi Muuse oo ah musharaxada u taagan doorashada golaha deegaanka ee degmadda Berbera oo iyaduna munaasibadan ka hadashay ayaa ugu horayn u mahadnaqday dhamaan ka soo qaybgalayaashii Munaasibadaas, isla markaana sheegtay inay wax badan ka qaban doonto adeegyada nolosha bulshada lagama maarmaanka u ah ee Magaaladda Berbera hadii ay doorashada deegaanka ku soo baxdo, iyada oo xustay inaanay doorashada u galayn sidii ay xoolo uga heli lahayd balse ay ku dedaalayso inay dadkeeda iyo dalkeeda wax u qabato. Xildhibaan Rooda Cabdi iyada oo arimahaas ka hadlaysa, waxa ka mid ahaa hadaladeedii “Waxaan halkan kaga dhawaaqayaa inaan u sharaxanahay doorashada golaha deegaanka Berbera, qofku inuu isku soo taago doorasho waxa ku kalifaya inuu magac iyo manfac ka helo, laakiin waxaan anigu idiin cadaynayaa inaanan magac iyo manfac midna u doonayn balse aan u tagayo  inaan bulshada reer Berbera uga tamariyo xilka aan u qaaday”.

Musharax Rooda Cabdi Muuse oo hadalkeeda sii wadata ayaa waxay intaas raacisay “Haddii aan ku guulaysto doorashada golaha deegaanka waxaan wax ka qaban doonaa, waxbarashada, ciyaaraha iyo bilicda magaalada Berbera, runtiina uma baahna in lacag badan arimahaas lagu fuliyo laakiin waxay u baahan yihiin dedaal iyo daacadnimo in lagu maamula”.

Sidoo kale waxa isaguna Munaasibadaas ka hadlay Xasan Goodaad oo ka mida xubnaha guddida fulinta ee urur siyaasadeedka Umadda kaas oo sheegay in urur siyaasadeedka Umaddu soo dhaweeyey musharaxnimada Rooda Cabdi Muuse, isaga oo xusay inay lagama maarmaan tahay inay taageero ka hesho dadweynaha ku dhaqan degmada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil si ay uga mid noqoto xildhibaanada golaha deegaanka ee degmadaas.

Dhinaca kale waxa munaasibadan ka hadlay Caaqil Cabdi Wali Maxamuud oo ka mida madax dhaqameedka Somaliland kaas oo soo dhaweeyey musharaxadan cusub ee u taagan doorashada golaha deegaanka ee Berbera isaga oo Ilaahay uga baryey inuu ku guuleeyo doorashadaas ay galayso Marwo Rooda Cabdi Muuse. Ugu Danbayn waxa Xafladaas soo xidhay Khaalid Axmed Saleebaan (Anti) oo ah Sayiga Marwo Rooda Cabdi Muuse, kaas oo sheegay inuu si niyad sami ah ugu ogolaaday Xaaskiisa inay u Tartanto Doorashadda golayaasha deegaanka ee Berbera, uguna duceeyey inuu Ilaahay ku guuleeyo Tartankaas, isla markaana u rajeeyey inay Marwadiisu noqoto Xildhibaan Waxqabad badan uga tagta Danyarta iyo da’yarta reer Berbera.

Khaalid Axmed Saleebaan ayaa waxa uu sidoo kale aad ugu mahad naqay dhamaan ka soo qaybgalayaashii Munaasibaddaas lagu soo dhawaynayey Musharaxnimada Xaaskiisa Rooda Cabdi Muuse iyo Dhamaanba Hogaanka iyo Taageerayaasha Ururka Ummadda.