Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3083

Septemper 16 2012                                                                  Shuwal 29,1433H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Xildhibaan Fashiliyey Ujeeddooyinka Qarsoon Ee Ururada Siyaasadu Ay Ku Soo Xuleen Murashaxiinta, Komishankana Uga Digay Inay Sharciyada Iska Indha-Tiraan

Hargeysa, September 16, 2012 (Haatuf) – Xildhibaan Aadan Xaaji Diiriye (Sanqoolle) oo kamid ah golaha wakiilada Somaliland ayaa sheegay in murashaxiinta ay ururada siyaasadu usoo sharaxeen doorashooyinka golayaasha deegaanka aanay u eeginb shuruudaha xeerka doorashooyinka xeer Lr 20/2001, u jideeyay murashaxiinta isku soo taagaya doorashada, balse sheegay in ururadu ay ku soo xusheen murahaxiinta hab qabyaladaysan oo bulshada nacayb iyo colaad ku kala dhex abuuraya.

Md Aadan Sanqoolle waxa kale oo uu sheegay in ururada siyaasadu ay xubnaha murashaxiinta ee ay soo kala sharaxeen ay ku doonayaan si codadkoodu u kala jajabo, isla markaana ay xubnaha isku ardaayada ahi ay iskula dhacaan, waxaanu komishanka doorashooyinka ugu baaqay inay qiimayn ku sameeyaan liisaska murashaxiinta doorashada deegaanka ee ay usoo gudbiyeen Axsaabta siyaasadu, hubiyaana inay buuxiyeen shuruudihii xeerka doorashooyinka u dajiyay murashaxiinta isku soo taagaya doorashooyinka deegaanada.

Mudane Aadan Sanqoolle waxa uu sidaasi ku sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray shalay oo nuqul ka mid ah uu wargeyska Haatuf soo gaadhsiiyay, kaas oo u qornaa sidan:-

“Waxaynu ognahay inay muddadii loo qabtay soo gudbinta liisaska dadka isu diiwaangaliyay inay u tartamaan doorashada deegaanka dawladaha hoose ee gobollada iyo degmooyinka, muddii ku eekayd Jimcihii bishu ahayd 14/09/2012.

Aniga oon jeclayn inaan cidna wax u dhimo, waxa hadana aan wada ogsoonahay inaan ururada siyaasiga ah ee ku tartamaya doorashada deegaanka in aanay usoo eegin murashaxiinta la wado liistadooda gudbiyeen shuruudaha laga rabo musharaxu inuu buuxiyo.

Ururadu waxaa ugu badan ee ay ku salaysan tahay murashaxiinta waa:-

1. Qabyaaladda oo si idho la’aan ah loo adeegsaday, qabyaaladaasi oo nidaamkeedana dawladnimo,horumar iyo dimoqraadiyad dib u dhac ku keentay.

2. Dad ama qof loo soo sharaxayo in aanu noqon nin kale oo shaqo dawladeed haya oo dawlada loo tusayo in miskiinkaa reerkoodu mucaarid yahay.

3. Hebel “qof” loo sharaxayo si hebel nin kale oo urur kale ka sharaxani u dhaco oo aanu soo bixin.

4. Hebel “qof” loo sharaxayo si colaad iyo nacayb loo dhex dhigo oo la qolo ah, laba is dhala, laba is qaba iyo laba saaxiibo ah.

Arrintan waxaa qayb ka ah oo sidan wax u soo dhigay Raggii abuuray ee fataha ka dhigay oday dhaqameedyada ardaa ardaaga inoo horjooga.

Aniga oo ka duulaya xogta iyo qodobada aan kor ku sheegay waxaan usoo jeedinayaa Komishanka doorashooyinka qaranka inay si xaq ah oo xeerka waafaqsan u hubiyaan dadka isa soo sharaxayaa inay buuxiyeen shuruudihii looga baahnaa ee xeer lr 20/2001 uu jideeyay qodobkiisa 33aad, qodobada loo sii baahan yahay in si dhab ah loo sii xaqiijiyo waxa ka mid ah.

Q.33(2) waa inuu si rasmi ah u deganyay degmada uu iska sharaxayo, waa inaan liiska layskaga soo qorin iyadoo qof kale lagu xaq waasiinayo

Q.33 (7) waa inuu leeyahay aqoon dugsi sare haddii uu iska sharaxayo degmooyinka darajada A iyo B, haduu iska sharaxayo degmooyinka darajada C, D waa inuu leeyahay aqoon dugsi dhexe ama wax u dhigma

Q. 33 (8) inuu yahay cashuur bixiye degmadana uu degan yahay ama uu ka qaybqaatay si mutadawnimo ah hawlo dan guud ah ee degmada gudaheeda, qodobkani wuxuu xambaarsan yahay inuu murashaxu noqdo qof danaynaya horumarka degaanka.

Waxaan usoo jeedinayaa Komishanka doorashooyinka inaanay kaga dhigin midho-daray duuduub lagu liqay oo liisto duuban aanay qaadan, degdega inaga ilaaliya.

Degaanka waxa loo dhisayaa inay yihiin dad danaynaya dulka Ilaahay dajiyey iyo horumarkiisa waana inay noqdaan dad xil kas ah. Ururadan waxaan leeyahay isu miisaama wax tarka iyo hour-kaca aad wadaan iyo waxyeelada keenaysa xasad, nac naceyb iyo kala fogee laba isqaba,walaalo ah ama is dhalay iyo laba saaxiib ah.