Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3096

October 1 2012                                                         Dul Qacda 14,1433H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Waxa Uu Dalku Marayaa Meeshii Ugu Xumayd Oo Dhaqaale Boobka Socda, Xamarta Hoos Loo Tagayo Iyo Heshiisyada Lala Galayo, Waxay Ku Wadaa Halkii Ay Qarankan Albaabada Ugu Xidhi Lahaayeen

“Wasiiradan Kala Hadlaya Inyar Baa Wax Og, Saleebaan Waa Muxaafid Dhab Ah Oo Waxyaalaha Foosha Xun Ee Dalka Ka Dhacayana Indhihiisu Ma Arkaan, Doorashadan Ay Leeyihiin Waanu Qabanaynaana Waa Beentood” Gudd. Udhis Mujaahid Ibraahim Dhagawayne

Hargeysa, October 1, 2012 (Haatuf) – Gudoomiyaha urur siyaasadeedka Udhis Mujaahid Ibraahim Cabdillaahi Xuseen (Dhagaweyne) ayaa sheegay in xaalada dalku ay marayso meeshii ugu xumayd, waxaanu tilmaamay in xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ay dalka ku wado halkii Qaranimada Somaliland ay ku burburin lahayd.

Ibraahim Dhagaweyne waxa kale oo uu sheegay in dalka laga wado dhaqaale boob iyo siyaasad xumo, taas darteedna uu soo jeediyay in ummada iyo Axsaabtu ay ka tashato xaalada qalafsan ee dalku marayo. Sidoo kale Mujaahid Ibraahim Dhagaweyne waxa uu sheegay in cid ka baxsan Madaxweyne Siilaanyo ay dalka ka taliso. Waxaanu intaa ku daray in xubnaha golaha wasiiradu ay u kala qaybsan yihiin xubno xogogaal u ah geedi socodka siyaasada dalka oo wax og iyo xubno aan waxba ka ogayn siyaasada xukuumadu ku socoto.

Gudoomiyaha Udhis waxa uu sidaasi ku sheegay xogwaraysi khaasa oo wargeyska Haatuf kula yeeshay magaalada Hargeysa, kaas oo uu sidoo kale kaga hadlay aragtidiisa la xidhiidha gudoomiyaha golaha guurtida mawqifkiisa siyaasadeed, go’aankii shirgudoonka golaha wakiiladu ay doraad ku eryeen afarta xildhibaan, doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo mustaqbalka ururkooda udhis halka uu u digo rogan doono

Mujaahid Ibraahim Dhago-weyne oo ugu horayn ka hadlaya xaalada guud ee dalku marayo, ayaa waxa uu yidhi “Xaalada dalku meel aanay waligeed gaadhin ayay maraysaa meeshii ugu xumayd ayaanay maraysaa, waad aragtaa inay dafirayaan Xamar baa hoos loo tagay oo heshiisyo aan la garanayn baa lala galayaa, oo waxay rumaysanayaan kolba dhawaaqyada ka soo baxa maamulada Somalia loo sameeyo, laakiin waynu arki doonaa cidda tidhaa meel baan wax gaynayaa waxaan ummadani ku jirin ayay kolba ku dhawaaqayaan, Alshabaab, Al-islaax siyaasaad qaladan ninka meeshiisii ka cararaya ee u cararaya meel aan shacbigani la masiir ahayn, waxaan u arkaa in xukuumadani meeshii ay albaabada qarankan ugu xidhayeen ay ku wadaan. Waxaan leeyahay ummadu ha ka tashato xaalada xun ee taagan, doorashadan ay leeyihiin waanu qabanaynaana waa beentooda oo dadkiina ay qabyaalad u kala saareen, ururadiina ay u kala qaybiyeen reero iyo qabaa’il. Hantida ummada ee la boobayo waynu aragnaa iyo dhaqaale boobka socda, qolooyinkan ururaduna dhinac ha iskugu baxaan oo ha ka tashadaan waxan socda oo go’aan ha ka gaadhaan dhaqaale boobkan iyo qaran baabiintan socota”

Mujaahid Ibraahim Dhago-wayne oo aanu waydiinay hadalada xubnaha golaha wasiirada ee isburinaya sida uu u arko, waxa uu yidhi “In baa gaar wax u og xubnaha golaha wasiirada oo gaar wax loogu sheegay  inta kalena way iska socotaa, waanay muuqataa oo sidaa ay u kala hadlayaan bay u kala duwan yihiin” Ibraahim Dhago-weyne oo aanu waydiinay sida uu u arko hogaaminta Madaxweyne Axmed Siilaanyo, maadaama ay muddo dheerna halgankii ururkii SNM ee dalka xoreeyay ay ku soo wada jireen, waxa uu yidhi “Anigu waxaan u arkaa in cid kale ay xukunto maamulkanm in badan baa lagu celcelinayay oo la lahaa Siilaanyo waxba ma xukumee ninkan Dhakhtarka hala mariyo, anigu waxaan u arkaa inuu Madaxweyne Siilaanyo caafimaadkiisu ka sii darayo, shalay golaha wakiilada waxa ka dhacay waa la arkayaa oo xildhibaano ayaanu iska erinay bay yidhaahdeen oo gole weynuhuna aanu u footaynin, haddii uu waxaasi kula socdo waa in maamuus ka xayuubin lagu qaado oo talo dhaba laga gaadho”

Mujaahidka oo aanu waydiinay sida uu u arko gudoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo muddo dheer ay soo wada ahaayeen saaxiibo mucaarid ah oo ka soo wada tirsanaa ururkii Asad, waxa uu yidhi “Saleebaan waa muxaafid dhab ah, waxyaalahan foosha xun ee dalka ka dhacayana indhihiisu ma arkaan” Mar aanu waydiinay Ibraahim Dhagaweyne mustaqbalka ururkoodii Udhis ee lagu reebay qiimayntii ururada iyo waxyaalaha uga qorshaysan in ururka Xaqsoor ay ku biiri doonaan, waxa uu yidhi “Ururkayaga Udhis sidii buu u taagan yahay waana urur mucaarid ah, anaguna ururada mucaaridka ah waanu taageeraynaa, wixii isbadal siyaasadeed rabana waanu taageeraynaa, wixii aanu ka yeelayno xaalada dalku uu marayana wada tashi baanu ka yeelanaynaa go’aan cadna waanu ka qaadanaynaynaa”