Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 3101 |
October 7 2012 Dul Qacda 19,1433H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Milicsiga Mahadhooyinkii Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye): Hargeysa, October 7, 2012 (Haatuf) – Qormadeena Maanta Ee Milicsiga Mahadhooyinkii Abwaan Gaariye waxaynu intii Alle inoo Qadaro aynu ku soo qaadan doonaa Doorkii uu Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) uu ka soo qaatey Halgankii Dib u Xoraynta Jamhuriyada Somaliland, kaas oo qofkasta oo dalkan u dhashay uu ogyahay Halyeeyadii Gun-nimada Ka Dhiidhiyey iyo Nin walba Kaalinta uu doono ha ka soo qaatee, Abwaan Gaariye waa mid ay horena Taariikhda Somaliland u Xustey Waligeedna Xusi doonto. Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac ayaa sidoo kale ka mid ahaa Haldoorkii ummadda ee markii ay u adkeysan waayeen Cabudhintii, Dilkii, Dhacii iyo Isir Tiridii Taliskii Macangaga ahaa ee Afwayne ku beegsanayeen Bulshadda reer Somaliland, isla markaana Abwaan Gaariye ayaa waxa uu ka mid ahaa Alle ha u Naxariisteen Waxgaradkii Bulshaddan ee Horaantii Sideetanaadkii markii ay arkeen sida wax u socdaan iyo Cadaalad darada iyo Dulmiga jira u Talaabey inay ka qaybqaataan Halgankii dalka lagaga Xoreeyey Rajiimkii Siyaad Barre, una tagay Nolashii Wanaagsanayd iyo Shaqooyinkii ay Haysteen, kana Doorbiday inay Duurka u galaan si Ubadkooda ka danbeeyaa ay Xoriyada Maanta Somaliland hadhsanayso ay u helaan. Alle ha u Naxariistee Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) ayaa isagu ka mid ah Ragii Tirada yaraa ee markii ay Halganka ku biireen Dhaxanta ka Duuliyey Halgankii Dib u Xoraynta dalka, isla markaana DQogobyada Waawayn ku sii Shiday Dagaalkii lagaga soo horjeeday Rajiimkii Siyaad Bare ee ay Hormoodka ka ahaayeen Geesiyaasii uu Abwaanku ka midka ahaa ee SNM, kana mid ahaa Ragii Tirada yaraa ee sida Cad uga badheedhay inay Daawadaan Dulmigii ay Wehelka u ahaayeen Reer Somaliland. Amuurahaas iyo dhacdooyinkii u kala danbeeyey Dawladnimada Somaliland-ba waxay ka mid ahaayeen kuwo uu Marxuum Gaariye ka soo qaatey Kaalin Mugleh oo uu ku Kasbaday Cisi iyo Sharafta laga dheehankarayo Dareenkii Bulshadda Afka Soomaaliga ku hadasha oo dhami ka bixiyeen Geeridiisa, taas oo Muujisay in Nin Qiimo badani ka tagay oo ay Tii Alle u timid Alle ha u Naxariisto oo ha u Nuuriyo Xabaashee. Ka dib markii ay Bulshadda reer Somaliland ee Halganka iyo Dagaalka kula jirtey Mid ka mid ah Dawladihii ugu Awooda badnaa Afrika ay ka adkaadeen, ayna ka Sifeeyeen dhulkooda, ayey Talaabadii ugu horaysay ee Alle ku Ilhaamiyo Bulshadda Wanaaga iyo Horumarka jecel ee Siyaad Barre Dulmiyey ay noqotey mid ay ku Yagleelaan Hanaan Maamul iyo Dawlad-nimo ay Hogaanka u qabteen Jabhadii Xaq u dirirka ahayd ee SNM oo mudo Laba Sano ah Xukunka haysay, isla markaana uu Madaxwaynaha ka ahaa Alle ha u naxariistee C/raxmaan Axmed Cali (C/raxmaan Tuur), ku xigeena uu ahaa Guddoomiyaha Wakhtigan ee Urur Siyaasadeedka Xaqsoor Xasan Ciise Jaamac. Mudadii Labada Sano ahayd ee ay labadaas Masuul Talada dalka hayeen ayaa waxa meelo badan oo dalka ka mid ah ka qarxay Dagaalo Sokeeye oo Dhiig badani ku daatey, ayna dabada ka riixayeen Siyaasiyiin Dano gaar ah lahaa oo doonayey in lagu kala dhaqaaqo Dalkan 22 Sano Xoriyada haysta oo aan wakhtigaas Laba jirsanin. Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye Alle ha u naxariistee isaga oo Xiligaas Kaalintiisii bulshada buuxinaya ayaa waxa uu Guntiga dhiisha iskaga dhigay inuu dadkiisa la kala dilay uu isku soo dhaweeyo, kaas oo adeegsanaya Hibada Alle u siiyey ee Gabayga iyo Suugaanta, isla markaana Curiyey wakhtigaas Maansooyin Caanbaxay oo uu dadka wada dhashay ee reer Somaliland ugu soo bandhigayey Cawaaqib xumada Dagaalada Sokeeyaha iyo in aan Nina ku Aflixin. Abwaan Gaariye waxa uu Iskii iskugu Xilsaaray inuu Suugaan ku dhexgalo Beelihii Colaadu kala dhextaalay ee reer Somaliland, isaga oo Xooga saaraya inuu isku soo dhaweeyo dadka Walaalaha, Gacalka iyo Sokeeyahaba wada ahaa ee Siyaasiyiintu kala dilayeen, kaas oo la odhan karo wuu ku guulaystey inuu Kaalintii ugu Miisaanka badnayd uu ka qaato Joojinta Dagaaladaa Sokeeye. Dhinaca kale Waxaynu Qormadeenan Maanta ee Milicsiga Mahadhooyinkii Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) aynu u soo Xulan Doonaa Maansadiisii la Magac baxday DHADARBI oo uu Curiyey Wakhtigii uu ugu Xasaasi sanaa Halgankii dalka lagu xoraynayey oo ku Beegnayd 30/9/1988-kii, isla markaana uu si Farshaxan-nimo leh ugu soo bandhigayo Dhaawacyadii ay Jabhadii SNM gaadhsiiyey Rajiimkii Dhiigyo Cabka ahaa ee Siyaad Barre. Maanasadaas oo dhamaystiranina waxay ku bilaabmaysay:- |