Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 3114 |
October 22 2012 Carafa 6,1433H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Afhayeenka Madaxtooyada Iyo Guddoomiyaha Dawan Oo Lagu Eedeeyey Inay Sheegteen Samaynta Hees Laga Qaaday Xafladii Furitaanka Idaacada Cusub Oo Uu Hal-Abuuray M. Dhako “Busi Oo Watay Fanaaniinta Ayaa Waxa U Yeedhay Axmed Saleebaan Dhuxul Oo Waxa Uu Ku Yidhi Heesta Ay Ubax Qaadi Doonto Anaga Ayaa Samaynay Oo Waxaad Adigu Tidhaahdaa Dhuxul Iyo Saydi Baa Sameeyey” Abwaan (M. Dhako) Hargeysa, October 21, 2012 (Haatuf) – Maxamed Mawliid Camuud (Maxamed Dhako) oo ah Abwaan da’yar ayaa sheegay in Hees uu sameeyey oo ka soo maaxatay maskaxdiisa, isla markaana uu u dhiibay fanaanada Ubax Fahmo ay ka fadhataysteen Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul iyo guddoomiyaha wargeyska dawladda ee Dawan Mr Sayid. Maxamed Dhako ayaa waxa uu intaasi ku daray in amakaag iyo layaab ay ku noqotay in midhihii Maskaxdiisa ka soo maaxday ay sheegtaan niman masuuliyiin ah oo damacsanaa inay Madaxweynaha ugu guulwadeeyaan Hees aanay lahayn, heestaas oo Ubax-Fahmo ay ka qaaday Xafladii Furitaanka Baahiyaha Idaacada Radio Hargeysa ee 18-kii bishan Madaxweynuhu xadhiga ka jaray ayaa Fanaanka weyn ee Busi oo markii Riwaayad halkaasi lagu soo bandhigay ay dhamaatay uu shaaciyey in Heestaas wadaniga ah ay sameeyeen Afhayeen Dhuxul iyo Guddoomiye Sayid. Maxamed Dhako oo Xalay Wargeyska Haatuf nagu soo booqday ayaa isaga oo ka haldaya amuurtan ka yaabisay ee lagu sheegtay Heesta uu sheegay inuu sameeyey ee laga dhacay waxa uu yidhi “Magacaygu waa Mawliid Camuud (Maxamed Dhako), Heestan ay sheegteen maalintii xafladii furitaanka Idaacada cusub, Afhayeenka Madaxtooyada iyo Gudoomiyaha Dawan ee ay lahaayeen anagaa samaynay oo leh wax ka jiraa ma jirto, Aniga ayaa sameeyey bishii 5aad 2011-kii, dabeeto Ubax-fahmo ayaan u dhiibay, waxaan ku soo noqday Sayid waxaan ku idhi waxoogaa kharash ah maad ka bixin inanta, waayahay ayuu igu yidhi wuu bixiyey sidiibaanay ku soo baxday Heestii oo Music-ga lagu saaray, maalintii dhaweyd ee Idaacada ayaa furitaankeedii looga yeedhay Inanta (Ubax) heestii qaad dabeetana Busi oo watay fanaaniinta ayaa waxa u yeedhay Axmed Saleebaan Dhuxul oo waxa uu ku yidhi Heesta ay Ubax qaadi doonto anaga ayaa samaynay oo waxa aad adigu tidhaahdaa Dhuxul iyo Saydi baa sameeyey, taas oo dadku ay u arkeen inuu dhagaha Madaxweynaha ku ridanayey inuu yahay muxaafid weynoo aan gabasho lahayn oo ay ka gaadhay heer uu sameeyo ilaa heeso, laakiin wax ka jiraa ma jiro ee aniga ayaa iska leh heesta cid kalena ma leh Sayidna ma leh, Dhuxulna ma leh cid kalena ma leh. In Heestii aan sameeyey qof kale lagu sheego ama uu sheegto waa Jariimad ayaan u arkaa, macnihii Budhcad Badeed ayaa la yaqaanay markaa Budhcad Faneed ayaa ka dilaacday halkana, waayo Dhuxul oo kale waxa uu ahaa waxan oo kale nin looga hanweynaa oo Afhayeenkii dhamaa ee Madaxweynaha weeyaan”. Abwaan dhako oo mar la waydiiyey Baydad ka mid ah Heesta uu sheegay in laga sheegtay ayaa waxa uu yidhi “Hayaankii dadweynuhu Hayin bay ku doorteen Hufnaan ugu shaqeeyoo Bulshadii haraadnayd Hogol baa u curatoo Haakah buu dadkii yidhi Hilinkii barwaaqada Hadaan cagaha saarnoo Waxkastaba hagaageen Hantidii dalkeenuna Halambayn ka nabadtahay Habka amaanka loo sugay Habsani ka dheeroo Ciidamaa u heegana Habeen iyo dharaar Hurdaa nabad la seexdaa Halyeeyada la doortoow Hawlaha aad haysaana Halkaa ka sii wada Anaguna hareeraha Waanu idinla haynaa Hagran mayno xooggee Ha ahaado hadafkeen Inaan horumar gaadhnee Hogaansamida khayrka leh Hore noogu sii wada Si kastaba ha ahaatee Heestan oo wadani ah ayaa martidii ka soo qaybgashay xaflada furitaanka baahiyaha Idaacada Radio Hargeysa ay aad uga heleen kadib markii xaflada laga iclaamiyey inay sameeyeen heestaasi Afhayeenka Madaxtooyada Mr Dhuxul iyo Saaxiibkii Sayid, kuwaas oo dadkii madasha joogay ay isku waydaarsadeen hadalo muujinayey halka Masuuliyiintaasi ay ka gaadhay Guulwadayntu. Dhinaca Sayid ayaa Haatuf u sheegay in aanay Samayn heestaasi lagu magacaabay inay iyagu hal-abuureen oo uu Sameeyey Dhako oo iyaga xaflada gudaheeda lagaga dacaayadaynayey, isla markaana ay iyagu sidii heestaasi ku soo bixi lahayd ay ka caawiyeen kharashkeeda ninkaasi. |