Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3154

December 7 2012                                                        Muxaram 23,1434 H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Natiijadii Ku Meelgaadhka Ahayd Ee Hargeysa Oo Lagu Dhawaaqay, 25-Ka Xildhibaan Ee Ku Guulaystay Golaha Deegaanka Caasimadda Iyo Beelaha Ay Ka Soo Kala Jeedaan

Hargeysa, December 7, 2012 (Haatuf) – Guddoomiyaha Degmada Hargeysa ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland  Saciid Jaamac Gudaal ayaa xalay si rasmi ah ugu dhawaaqay mar ay Shirjaraa’id ku qabteen Xarunta dhexe ee Komishan ee Magaaladda Hargeysa Natiijadii ku meelgaadhka ahayd ee doorashadda deegaanka ee Degmooyinka Hargeysa, kaas oo shaaciyey sida ay u kala horeeyaan Xisbiyada iyo Ururadii Tartamayey.

Natiijadda doorashada ee Caasimadda dalka ayaa iyada maalmihii ugu danbeeyey si wayn loo wada sugayey ayey Axsaabtii tartamaysay waxay u kala heleen Xisbul Xaakimka dalka ee Kulmiye ayaa kaalinta koowaad galay ayaa waxa uu golaha deegaanka ee Hargeysa ka helay 7 Xildhibaan, halka Xisbiga UCID-na uu helay, 4 Xildhibaan,  Xaqsoor oo helay 4 Xildhibaan, Wadani oo 4 Xildhibaan helay, Ururka Ummadda oo 3 Xildhibaan helay, Dalsan oo 2 Xildhibaan helay iyo Ururka Rays oo hal Xildhibaan ka helay golaha deegaanka ee Caasimadda.

 Sidoo kale  25-ka Xildhibaan ee Hargeysa ka soo baxay iyo Axsaabtii ay ka tirsanaayeen iyo Beelaha ay aka soo kala jeedaan ayaa waxay kala ahaayeen:-

KULMIYE

1. Hanad Xaashi Axmed Caydiid oo ah Xildhibaanka ugu Codadka badan ayaa helay 5474  cod, isla markaana beesha uu ka soo jeedo ayaa ah (Sacad Muuse; Reer Samater).

2. C/raxmaan Maxamuud Caydiid Cabdi (SOLTELCO) oo helay  4455 cod, beeshiisa: (Sacad Muuse; Reer Gadiid).

3.Cismaan Xasan Faarax Shiil (Waxar) 4151 cod (Sacad Muuse; Reer Shirdoon)

4.Eng. Yuusuf Warsame Siciid 3793  (Sacad Muuse; Reer Axmed)

5. Axmed Siyaad Muxumed Giirre 3625 (Ciidagale; Abokor Muuse)

6.Axmed Daahir Axmed Magan 3484 (Sacad Muuse; Axmed Cabdale)

7.Cabdi Cali Yuusuf Liibaan 3265 (Sacad Muuse; Cabdale Sacad)

UCID

1.Maxamed Aw Adan Wayrax Geelle 4477 (Ciise Muuse, reer Maxamuud)

2.Khadar Ibraahim Axmed 3544 (Ciidagale Gaashaanbuur, Reer Xaamud)

3.Cabdicasiis Maxamed Xaashi 3003 (Ciidagale; Cabdi Ciise, Reer Aadan)

4.Maxamed Cabdi Adan Yuusuf 2266 (Ciidagale, Bilaal)

WADDANI

1.Maxamed Warsame Caalin (Timacadde) 5315 (Habar Yoonis; Isaxaaq)

2.C/qani Yuusuf Cabdillaahi Ina Macalin 2969 (Habar Yoonis; Isaxaaq)

3.C/laahi Cali Adan Yuusuf (Cabbaas) 2902 (Habar Yoonis; Isaxaaq)

4.C/risaaq Faarax Xassan (Qawdhan) 2621 (Habar Yoonis; Isaxaaq)

XAQSOOR

1. Saleebaan Daahir Cabdilaahi (Dugax) 4558    (Arab; Samane)

2.C/laahi Aw Adan Maxamed Cawil 2899            (Arab; Maxamed Fanax)

3.C/laahi Siciid Faarax Diiriye 2719                     (Arab  )

4.Deeq Ducaale Cismaan Guuleed 2364            (Arab)

RAYS

1.Khadar Xuseen Cali Ismaaciil (Bohasha) 1877 (Sacad Muuse Reer Gadiid)

Dalsan

1.C/casiis Adan Habane 3589 (Sacad Muuse; Cabane Cabdale)

2.Fu’aad Saxardiid Caabi 2499 (Sacad Muuse; Reer Samater)

UMADDA

Cali Axmed Haybe Nuur 3786 (Habar Yoonis; Isaxaaq)

Khaalid Cabdi Cawad Abyan 2949  (Habar Yoonis Reer Sugale)

Mustafe Cismaan Daahir 2861 (Habar Yoonis; Isaxaaq).