Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 3155 |
December 9 2012 Muxaram 25,1434 H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Gud/Komishanka Oo Shaaca Ka Qaaday Inay Hakiyeen Natiijadii Hordhaca Ahayd Ee Doorashada Hargeysa, Sheegay-Na In Dib Loo Tirin Doono Codadkii Caasimadda Hargeysa, December 9, 2012 (Haatuf) – Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland Eng. Ciise Yuusuf Maxamed (Ciise-Xamari) ayaa shaaca ka qaaday inay Hakiyeen natiijadii hordhaca ahayd ee Degmada Hargeysa, kaas oo sheegay in dib loo tiring doono codadkii bulshadu ka dhiibteen Caasimadda dalka, kaas oo tilmaamay in Ururada Siyaasada iyo Asxaabta Qaranka ay isla garteen in dib loogu noqdo Tirinta Codadka Degmada Hargeysa, oo axsaabtii tartamaysay ay Cabashooyin badan ka muujiyeen. Waxaanu sidaas ku sheegay Gudoomiyaha Komishanku Ciise Xamari mar uu shalay u waramayey Idaaca BBC-da Laanteedka Afka Soomaaliaga, isaga oo arimhaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxa uu go'aansaday Maadaama markii Natiijadii Codbixinta Hargeysa markii lagu dhawaaqay degmada Hargeysa ay ka bilaameen Rabshado, isla markaasina ay dhimasho dhacday, in la hakiyo Natiijadii hordhaca ahayd ee Degmada Hargeysa Dib u Eegisna aanu ku samayno Sanaaduuqdii Hargeysa”. Ciise Yuusuf Maxamed (Ciise Xamari) isaga oo ka hadlaya go’aan ay isla qaateen axsaabtii tartamaysay, waxa uu yidhi “Ururada iyo Asxaanta waxaanu ku qanciyan dib u eegistaa aanu samaynayo, waanay nala wada qaateen, ururka Xaqsoor isaga Masuulyiintiisa waanu la xiidhinay waxay Yidhaahdeen Jawaabta aad cabashadaya ka bixinayaa Warbaahinta noo soo mariya, fariinta dadka ay ku socoto waa ka mid”. |