Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3156

December 10 2012                                                        Muxaram 26,1434 H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

“Ururada Qaar Fikrado Kale Ayay Qabeen In Dalkoo Dhan Codadkii Dibu Eegis Lagu Sameeyo, Komishankuna Waxay Ku Adkaysanayaan In Hargeysa Oo Kaliya Dib Loo Tiriyo”

Gudd. Dalsan Ismaaciil Aadan Cismaan

Hargeysa, December 10, 2012 (Haatuf) - Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland ayaa shalay kulan albaabadu u xidhnaayeen la yeeshay Madaxda ururadii ku loolamaayey doorashada golaha deegaanka, gaar ahaa ururadii ku hadhay natiijadii hordhaca ahayd ee Komishanku shaaciyay iyo Madaxda ururadii soo baxay. Kulankaasi Madaxda ururada iyo Komishanku ay wada galeen ayaan loo ogolaan inay warbaahintu goobjoog noqoto.

Kulankan yeesheen oo ka dhacay xarunta Komishanka doorashooyinka ee magaalada Hargaysa, ayaa kadib markii shirkaasi laga soo dareeray uu warbaahinta la hadalay Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Dalsan Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil-yare), kaasoo warbaahinta u sheegay inay Komishanka ka wada hadleen sidii dib loogu tirin lahaa Codadkii ka soo baxay goobihii codbixinta ee Hargaysa, taas oo maalintii doraad Gudoomiyaha Komishanku Ciise Xamari ku dhawaaqay inay hakiyeen Natiijadii hore ee ay soo saareen komishanku, isla markaana ay dib u tirinayaan codadkii ay kala heleen ururadu, waxaana isaga oo ka hadlaya ujeedada kulankaasi waxa uu yidhi  ”Kulanku waxa uu ahaa sidii loo sixi lahaa khaladaadkii dhacay in dib loo tiriyo codadkii Hargeysa oo sanduuq-sanduuq loo tiriyo si ay ugu qancaan cida cabanaysaa waanay dhici kartaa in musharaxiintii hore ee ay ku dhawaaqeen qaar waxba waayaan qaar kalena soo baxaan. markaa go’aanku waxa uu noqday uun in Sanduuqyadii Hargeysa dib loo furo oo hal-hal laysula tiriyo”

Sidoo kale gudoomiyaha ururka Dalsan waxa uu sheegay in ilaa hada aanay jirin wax laysla gartay, isla markaana maanta loo balamay, waxaana uu yidhi “Ururada qaarna fikrado kale ayay qabeen oo ah in dalkoo dhan dib loo tiriyo oo dib u eegis lagu sameeyo, Komishankuna waxay ku adkaysanayaan in Hargeysa dib loo tiriyo qolo walibana ay keensato Muraaqibiintoodii ay ku kalsoonayd, waxaana loo balamay Barito (maanta) oo wali may go’in Arrintaasi”.