Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3156

December 10 2012                                                        Muxaram 26,1434 H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

“Muuse Biixiyoow Saaxiib Waxaa Ku Ekaa Maanta Oo Kale Inaad Maquurato Ee Aanad Soo Indho Caddaan, Waxayba U Badan Tahay Inay Cid Kale Soo Sharaxanayaan Reer Kulmiye”

Maxamuud Raage

London, December 10, 2012 (Haatuf) – Agaasimihii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamuud Raage Ibraahim ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalkii uu Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi ku difaacay doorashada deegaanka oo uu sheegay inay si cadaalad ah u dhacday, kaas oo tilmaamay inaanu Guddoomiye Muuse kalmadii kaga haboonayd ka odhanin Natiijadii hordhaca ahayd ee doorashadii deegaanka ee dalka ka qabsoontey 28-kii bishii hore ee November. Maxamuud Raage ayaa waxa uu baaq iyo talo u soo jeediyey dhalinyaradii Mudaharaaday todobaadkii hore uu ugu baaqay inay Nabadgalyadooda ilaashadaan, kaas oo sidoo kale Tacsi u diray Qoysaskii dadkii ku dhintay Mudaharaadadii, isla markaana Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo ku eedeeyey inaanay gudin abaalkii dadkii soo doortey ee taageerada Laxaadka leh u muujiyey wakhtigii ololihii doorashada Madaxtooyadda Somaliland. Maxamuud Raage Ibraahim waxa uu sidaas ku sheegay Qoraal uu soo saaray isaga oo ku sugan dalka Britain, kaas oo nuqul ka mid ah soo gaadhsiiyey Wargeyska Haatuf, qoraalkaas oo dhamaystiranina waxa uu u dhignaa sidan:-  “Salaanta islaamka ka dib, waxaan halkan tacsi usoo marinayaa Waalidkii ay ka geeriyoodeen  2 Caruurta ee ku dhintay shaqaaqadii ka dhacday doorashooyinka ee Magaalada Hargeysa, Waxaan leeyahay Illaahay haydiinku bedelo denbi-dhaaf iyo ubad kale, idinka oo  qudha idinkamay dhiman ee waxay ka dhinteen  Somaliland oo dhan, Kuwa dhaawacana Illaacay Caafimaad waasic ah ha siiyo.

Tacsidaa ka dib, waynu ka wada dheregsan nahay waxaa dhacay, dadkaan u deynayaa taa, laakiin waxaan ummada reer Somaliland kula talinayaa mar labaad in ay illaashadaan dalkooda, oo aanay ku noqon wixii ay ka soo gudbeen 18 sano ka hor, Dhalinyaradu iyaga ayaa dhaxlaya dalka, ninkasta oo madax noqdaa ama Madaxweyne ama Wasiir waa maalmo kooban, wuu iska tegeyaa hadii Illaahay daayo, markaa mustaqbalka dhabta ah waa dhalinyarada, uga fikira si dhab ah jiritaanka wadankiina. Ciidanka qaranku waa ka suga nabadgelyadeena , hadii aan Booliis jirin, tuugada ayaa ina baabi’in lahayd, ciidan la’aan lama noolan karo, markaa ixtiraam bay inaga mudan yihiin, sidoo kale waxaa mihiim ah in ay ciidanku ilaaliyaan muwaadiniinta, gaar ahaan caruurta oo aanay dhuunta xabad ka gelin, waxaan xasuus mudan guusha ay reer Kulmiye haystaan ama kursiga uu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ku fadhiyo, caruurta xaafada Axmed Dhagax waa kuwii usoo halgamay, maalmihii xumaa ee aad Dixood reer Kulmiyow aad ka yaacdeen waa caruurtii Kulmiye u mudaharaadi jiray, weli Anigu waan ka ololeeyey xaafadan aad baan u garanayaa maskaxdayda ayay ku dhigan tahay halgankii ay la soo galeen Dawlada Kulmiye.

Si kastaba ha ahaatee wax kasta waa laga kabtaa ee waxaan anigu halkan idiinku soo gudbinayaa dareenkayga ah in aad tihiin dad mudan , wanaag , xishmad iyo abaal in loo gudo ee dalka inoo dhawra. Gudoomiye Xasan Ciise Jaamac waxaan leeyahay , Xasanow buugaga Siyaasadu waa nadiif, taariikh wanaagsan baad Somaliland ku leedahay, Waanu ka xunahay waxaa dhacay, Sabir illaahay Jano ayuu u balan qaaday kuwa Sabra’e.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi waa runtii oo xisbigiisu difaacayey laakiin maanta tan in aad ka maquurato ayaa kuu fiicnayd inaad soo indho cadaadata waa laga wanaagsana, waxayba u badan tahay in ay cid kale soo sharaxanayaan reer KULMIYE intaasina waa kaftan saaxiibkay Muuse. Gabagabo iyo gunaanad shacab iyo dawladba dalka waajib baa inaga saran”.